Muqdisho (WDN)- Weerar xoogan oo ay maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab ku qaaday Hoteel Beach View, oo ku yaala xeebta Liido ee magalaalada Muqdisho, kaasi oo keenay dhimasho iyo dhaawac laxaad leh.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaalda Muqdisho afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadam Xasan, ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarka Al Shabaab xalay ku qaaday Hoteelka Beach View. Weerarka ayaa lagu soo beegay habeen Jimce oo dadku aad u yimaadaan goobtaas iyo hoteelada kale ee ku dhow.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2024/08/Muqdisho-weerar-Liido.jpg)
Afhayeenka ayaa sheegay in uu isku qarxiyay, kaasi oo isku soo xiray walxaha qarxaha halkaas oo ay dhinteen dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca.
Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanku ay toogasho ku dillen 3 maleeshiyada Al Shabaab ka toirsanaa oo guddaha Hotelka u galay.
Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in ay qabteen Gaari siday walxaha qarxa iyo wadihii Baabuurka.
Cabdifataax Aadan Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada ammaanka uu ka dhintay hal askari, mid kalena uu ka dhaawacmay intii uu socday howlgalka.
WardheerNews
Leave a Reply