Tuesday, January 19, 2021
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Waxtarka Taariikhda Siyaasadeed ee Soomaaliya

W.Q. Liibaan Axmad

Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991kii kaddib taariikhda siyaasaeed ee Soomaalidu waxay u ekeetay mid  qaadday dhabbihii Dhamaadka Taariikhda ( The End of History). Wax ka qorista Soomaaliya waxaa lagu soo koobay beelo is laynaya oo lumiyay hanka qaran uu leeyahay. Guubaabadii Safiirka Biritayn, Ben Fender, in loo baahan yahay in Soomaalidu  danta qaran ka hormariso  danta beel ama maamul goboleed,  ayaa  xusuusisay Soomaalida mar kale in dan beeleed ka hor jeeddo dan qaran.   Biritayn kaalin horseed ah ayay ku leedahay dib u dhiska  dowladnimada Soomaaaliya; waa dalka fududeeyay in Soomaaliya ka baxdo ku meelgaarkii 2012kii.

Curiskani wuxuu eegayaa dhowr tusaale ku saabsan taarikhdeenna siyaasadda  dhowr iyo toddobaatankii sano ugu dambeeyay, sida u daymo la’aanta taariikhdu u horseeddo doodo aan sal lahayn ama u soo afjarto nolosha siyaasadeed. 

Madaxwyenaha Somailand Muuse Biixi Cabdi wuxuu ku dooday in Beesha Caalamku ay qarannimada Soomaaliya iyo Somaliland ay wadaagaan iyo kaalmada horumarineed  ku koobtay Soomaaliya.

In beesha caalamku xoogga saarto horumarinta hay’adeed ee Soomaaliya waa dhab. Waa sababta yabooha Soomaaliya la siiyo intiisa ugu badan loogu deeqo koonfurta Soomaaliya ( dhulkii Talyaanigu gobanimmada gaarsiiyay). Waa dhab in   Waqooyiga  iyo Koonfurtu unkeen qarannimada  Soomaaliya. Miyay Beesha Caalamku eed ku leedahay taagerada ay siiso Soomaaliya haddii Somaliland ku doodayso inay Soomaaliya ka go’day? Maxaan ahayn  taageridda doodda qarannimada Soomaaliya oo u bannaan Beesha Caalamka?

Midowgii salka u ahaa samayntii Jamhuuriyadda Soomaaliya 1960kii wuxuu ku salaysnaa oggolaanshaha Reer Waqooyiga inay la midoobaan  dhulkii Talyaanigu ku maamulay gobannimo-gaarsiin ( trusteeship). Koonfurtu waxay lahayd hay’ado iyo siyaasiyiin u diyaar ah maamulista qaran cusub. Madax dhaqameedka ayaa ku maamuli jiray Waqooyiga habkii maamulka dadban ( indirect rule). Habkan wuxuu meesha ka saaray xisbiyo siyaasaadeed la heer ah kuwii Koonfurta ka jiray. Xisbiyadaasi waxay isu diyaariyeen inay  dal cusub hoggaamintiis ku loollamaan.

Halka siyaasiyiintii koonfurtu ka fekerayeen awood-qeybsi, siyaasiyiintii reer Waqooyigu waxay doonayeen midnimo uun. Waa sababta xisbigii SYL u noqday xisbigii dalka ka talinayay 1960kii ilaa 1969kii. 

Doodda Madaxweyne Muuse Biixi jeediyay 2020ka, markuu Nayroobi booqanay,  way ka duwan tahay tii uu Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal jeediyay 1999kii. Madaxweyne Cigaal wuxuu sheegay in dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Koonfurta Soomaaliya uu gebi ahaanba meesha ka saaray midowgii. Dooddiisu mid siyaasadeed bay ahayd oo markaas sababaysnayd: dowladi may ka jirin koonfurta Soomaaliya. In Somaliland aysan u sii lug-xirnaan karin meel dowladnimadii tiil ay burburtay ayay doodda Somaliland biyo-dhaceedu ahaa.  

Tan iyo sanadkii 2000 markii dowladdii ku-meelgaarka ugu horreysay la dhisay,  Koonfurtu waxay samaynaysay horumar siyaasadeed oo gaabis ah, aad uga xusid-mudan horumar la’aan. Wuu dhaamaa dib-u-dhicii koonfurtu ku sugnayd sagaashamaadkii.  Koonfurtu may helin siyaasiyiin u diyaar ah dib-u-dhis burburkii dowladdii dhexe kaddib hase ahaatee welwelka Beesha Caalamku ka qabto halista ka iman karta dhulalka aan la xukumin (ungoverned spaces) ayaa hiil dib-u-dhis u noqday Koonfurta. Siyaasiyiinta koonfurtu waxay isku raacsan yihiin in ciidammo Afrikaan ah lagu maalgeliyo nabadeynta Soomaaliya si hay’ado siyaasadeed loo dhiso iyo in la dhowro midnimada dhuleed iyo siyaasadeeed ee dalka. Waa gidaar adag oo Somaliland ay jebin la’dahay waayo doodda Midowga Afrika waxay ku qotontaa ilaalinta qarannimada dalalka xubnaha ka ah ururka. 

Tusaalaha labaad wuxuu ku saabsan yahay go’aankii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed kaga hor yimid hindisihii nabad lagu kala  dhex dhigayay xoogaggii iskacaabbinta iyo ciidammadii itoobiya ku sugnaa Muqdisho iyo gobollo ka tirsan koonfura Soomaliya 2007dii ilaa 2009kii. Mowqifkii dambe ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ka duwanaa mowqifyadiisii hore uu ku taageeri jiray nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta heer walba. 2008dii hal mar uun buu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf  si lama filaan ah ugu dooday in  shirkii dowladdi ku-meelgaarka iyo ururkii Dib-u-xoreynyta Soomaaliya u socday uu ahaa mid u dhexeeya beel.  Soddon sano ka hor markuu u goostay Kenya, oo u shir jaraa’id ku qabtay Nayrobi,  wuxuu ku tilmaamay taliskii militariga   “dowlad  beeleed.”  Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf  muu lahayn ciidan qaran oo  ilaaliya ama la socodsiiya sida dagaalku uga socday Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah Soomaaliya. Ciidammaada Itoobiya way u babac-dhigi waayeen xoogaggii iskacaabbinta.  Shaqaalihi dowladda waxaa lagu kala diray telefoon qofka soo diray aan la aqoon. Soo wacayaashu  dhowr maalmood   ayay u qaban jireen shaqaalaha ay faraan inay shaqada ka tagaan. Xogtan iyo xogo kale waxay dunida tuseen in  wadahadallada u socday dowladdii ku-meelgaarka iyo ururkii Dib-u-xoreynta Soomaaliya ay mudan yihiin taageero.  Madaxweyne Cabduulaahi Yuusuf wuu iscasilay  kaddib markii Barlamaankii markaaas jiray,  oo fadhigiisu Baydhaba ahaa, ka hor yimid go’aankii uu xilka kaga qaaday Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen.  Xilkasnimo-darradii siyaasdeed oo uu madaxweynuhu muujiyay  may sii kala fogeynin Soomaalida waayo Baarlamaan ka madaxbannaan laanta fulinta ayaa jiray, waana  xeerdejintii ugu dambeysay oo noocaas ah oo Soomaalidu yeelato heer federaal. Cadaadiskii IGAD saartay  Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ayaa sidoo kale soo afjaray noloshii siyaasadeed ee aabbahii habka federaalka  Soomaaliya. 

Markii uu sodcay dagaalkii dhex marayay xoogaggii iskacaabbinta sanadki 2007kii ayuu Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Ra’iisal Wasaare hore, sheegay in Mililiq ( Menelek) ku dooday in Soomaalida dhulkeeda lagu soo biiriyo Itoobiya. Waraysigii  Meles Zenawi, Ra’iisal Wasaarihii Itoobiiya, siiyay Newsweek 2008dii ayaa ka marag-kacay in Meles Soomaaliya u arkayay beelo  uu isagu  nabad ku soo dabbaalayo. Meles wuxuu sheegay  haddii lacag la siiyo Midawga Afrika ay ka hortagi karto  argagixida Soomaalya  joogta. “ Soomaalidu qarannimaddoon kuma weyna; siyaasad beeleed hoose ayaa aad ugu weyn. Dadaalladeennu waxay diiradda saarayeen isu soo dhoweynta beelaha” buu Newsweek u sheegay.  Dib-u-dhiska Soomaaliya ma aha shaqo u taalla Itoobiya  ama dal kale.  In Meles isku naaxiyay  Soomaaliya siyaasad ahaan si  uu uga macaasho “dagaalka argagaxisada” la yaab ma aha. Urur qowmiyaadeed talada Itoobiya xoog ku qabsaday buu hoggaaminayay,  oo wuxuu doonayay in talada Geeska Afrika isaga loo dabafariisto.

Miyuu habka federaalku yahay marin madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf u maray in beeluhu ka awood-bataan dowlad dhexe? Marka la eego sida hay’adihii siyaasadeed uu unkiddooda kaalinta ku lahaa uga biyodiideen u damqasho waagiisii dadka uu madaxweynaha u ahaa markuu dagaalku socday, jawaabta su’aashu waa ‘maya’. Marka la eego sida maamul federaaleedyada qaarkood u fasirtaan habka federaalka — awood maamul heshiis kula geli karo dalal ama shirkado shisheeye — jawaabtu waa “haa”. Sidee beelo heshiis u la geli karaan dalal ama shirkado shisheeye? Ma qaran baa leh kaabayaasha  mise beelo? Siyaasiyiinta beeluhu way doonayaan inay qarannimada Soomaaliyeed kaga badbaadaan weerar dalal shisheeye kaga iman kara hase ahaatee way u dhaqmayaan sida beelo aan lahayn qaran la aqoonsan yahay. 

Ma aha oo keliya maamul Federaaleedyada kuwa u dhaqma si baalmarsan sharciga. Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay tirtirtay heshiiskii ciidammada Itoobiya dalka lagaga saaray si ciidanka Itoobiya dib loogu soo celiyo Soomaaliya. Barlamaanka Soomaaliya muu ansixin tirtirista heshiis nabadeed dowlad cusub lagu dhisay 2009kii.  Ma jirin siyaasi ka hor yimid tallaabada dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay heshiis amni  oo laba-geesood ah kula  gashay Itoobiya. 

Taas waxaa dheer in dowladdii Xasan Sheekh iyo tii ku-meelgaarka ahayd ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay si qarsoodi ah u raadiyeen lacago Soomaaliya kaga xayiran bangiyo shisheeye. 2009kii ayuu dheellitirkii ku jiray hay’adaha federaalka meesha ka baxay. Way suurtowdaa in taariikhda siyaasaddu  ka caawin karto ummad inay ka digtoonaadaan ku celinta gefef hore. Hadda Soomaalidu waxay waqti badan gelisay ka taariikheynta wixii soo maray. Waa dadaal xusuus ku salaysan, inta badan ujeeddooyin siyaasadeed oo dhibbanenimo xambaarsan sita. Ma aha sida Soomaalidu wax uga dheefi karto taariikhda siyaasadeed ee dalkooda.

W.Q. Liibaan Axmad

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2021 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.