Muqdisho (WDN)- Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha DF Soomaaliya Md. Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu sheegay in xilkii lagaga qaaday Wasiirkii Arimaha Dibadda Md Axmed Ciise Cawad, iyada oo lagu badalay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud .

Md. Axmed Cawad ayaa la sheegay in uu khilaaf soo kala dhex galay Farmaajo, kadib markii uu ka soo horjeestay go’aan ay DFS si buuxda ugu taageeraysay Dowladda Itoobiya dagaalallada ay ka wado gobolka Tigreyga. Taasi oo keentay in uu xilka ku waayo.
Madaxweyne Famaajo oo ay u harsan tahay muddo xileedkiisa wax ka yar sadex billood, ayaa la sheegaya in uu ka caga jiidayo doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, oo in badan soo jiitamayay.
Xukuumadda Farmaajo ayaa ku fashilantay qorshe wax qabad ee dalka dhinacyada amniga, adeega bulshada, dhaqaalaha iyo in daarasho qof iyo cod ah.
WardheerNews
Leave a Reply