Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Wasiirkii Arimaha Dibadda Md. Axmed Cawad oo xilka laga qaaday

Muqdisho (WDN)- Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha  DF Soomaaliya  Md. Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu sheegay in xilkii lagaga qaaday Wasiirkii Arimaha Dibadda Md Axmed Ciise Cawad, iyada oo lagu badalay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud .

Amb. Axmed Cawad

Md. Axmed Cawad ayaa la sheegay in uu khilaaf soo kala dhex galay Farmaajo, kadib markii uu ka soo horjeestay go’aan ay DFS si buuxda ugu taageeraysay Dowladda Itoobiya dagaalallada ay ka wado gobolka Tigreyga. Taasi oo keentay in uu xilka ku waayo.

Madaxweyne Famaajo oo ay u harsan tahay muddo xileedkiisa wax ka yar sadex billood, ayaa la sheegaya in uu ka caga jiidayo doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, oo in badan soo jiitamayay.

Xukuumadda Farmaajo ayaa ku fashilantay qorshe wax qabad ee dalka dhinacyada amniga, adeega bulshada, dhaqaalaha iyo in daarasho qof iyo cod ah.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.