Muqdisho (WDN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaalinta gaar ahaan waaxda qaabilsan danbiyada lidka ku ah Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ( financial, economic and Cyber-Crimes Unit) sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta qaranka.
Ma cadda eedaha rasmiga ah ee Wasiirka loo haysto balse qoraalka xeer ilaalinta ayaa waxa uu sheegayaa in wasiirka la doonayo in wax laga waydiiyo baaritaano xeer ilaalintu waddo oo la xariira danbiyo ku aadan maaliyadda iyo dhaqaalaha wadanka .
Warqadda xeer ilaalintu maanta soo saartey ayaa lagu ogeysiiyey guddiga KMG ah ee maaliyadda labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisalwasaaraha, waxaana wasiirka laga codsadey in maalinta Isniinta ah oo ku beegan 27-ka June uu soo xaadiro xafiiska xeer ilaalinta.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply