Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Wasiir Beyle oo looga yeerey xafiiska xeer ilaalinta Qaranka

Muqdisho (WDN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,  ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaalinta gaar ahaan waaxda qaabilsan danbiyada lidka ku ah Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ( financial, economic and Cyber-Crimes Unit) sida lagu sheegay warqad kasoo baxday  xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Ma cadda eedaha rasmiga ah ee Wasiirka loo haysto balse qoraalka xeer ilaalinta ayaa waxa uu sheegayaa in wasiirka la doonayo in wax laga waydiiyo baaritaano xeer ilaalintu waddo oo la xariira danbiyo ku aadan maaliyadda iyo dhaqaalaha wadanka .

Warqadda xeer ilaalintu maanta soo saartey ayaa lagu ogeysiiyey guddiga KMG ah ee maaliyadda labada Aqal ee  Baarlamaanka  Soomaaliya iyo Ra’iisalwasaaraha, waxaana wasiirka laga codsadey in maalinta Isniinta ah oo ku beegan 27-ka June uu soo xaadiro xafiiska xeer ilaalinta.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.