Ra’isalwasaare Xamse oo codka kalsoonida golaha shacabka ku guuleystay

Muqdisho, Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey ra’isalwasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo  dhawaan uu soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaab gacan ah codka kalsoonida ku siiyey ra’isalwasaare Xamse, ayadoo aanu jirin xildhibaan diidey ama ka aamusey,waxaana kulankii maanta oo ay soo xaadireen 220 xildhibaan.

RW Xamse ayaa la dhaariyey kadib markii uu ku guulaystey kalsoonida golaha shacabka, isagoo hadal kooban oo uu ka jeediyey kulanka golaha ku sheegay inuu waqti kooban gudihiis uu kusoo dhisi doono xukuumad khubaro u badanyihiin, taasi oo si degdeg ah wax uga qabata dhibaatooyinka dalka ka jira.

15-kii bishaan ayey ahayd markii ra’isalwasaare Xamse Cabdi Barre uu magacaabay madaxweyne Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud si uu u hoggaamiyo xukuumad cusub oo badasha xukuumadda xilgaasiinta ah ee uu hoggaamiyo Maxamed Xuseen Rooble

Maxamed Cumar Sheekh Adan

WardheerNews, Muqdisho