Wargeyska The New York Times, ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa cadadkiisii bishan Julay 23-dii, qoray in uu helay “ cod sir ah” oo la duubay oo ganacsade Qatari ah oo u dhow Amiirka dalka Qatar, oo teleefan kula hadlaya Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Bin Xamsa, uu sheegay in qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee Puntland loo fuliyay si loo xoojiyo danaha dalka Qatar ee Soomaaliya.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2019/07/Amb-Hassan-Hamza.jpg)
Hadalka ganacsadaha oo lagu magacaabo Al Muhanadi, ayaa sheegaya sida uu wargeyska New York Times qoray, in ay ujeedadiisu tahay si looga saaro ama loo baabi’in lahaa danaha iyo saameynta dowladda Imaaraadka ee Puntland iyo guud ahaan-ba dalka Soomaaliya, si markaasi Qatar ay gacanta ugu dhigto Soomaaliya.
Dalka Qatar, oo xidhiidh dhow la leh hoggaanka Soomaaliya, oo in badan looga shakisnaa in ay taageeraan ururada xagjirka ah sida Al Shabaab iyo Daacish (ISIS) , oo ay xidhiidh dhow la leeyihiin, ayaa hadda wararkan laga soo xigtay wargeysta New York Times, ay xaqiijinayaan tuhunkaas.
Tan iyo wixii ka dambeeyay khilaafkii soo kala dhexgalay waddanka Qadar iyo qaar ka mid ah dalalka ku bahoobay Golaha Iskaashiga Waddamada Khaliijka siiba Sacuudiga iyo Imaaraadka, Soomaaliya waxay noqotay meelaha ay ku loolamaan waddamadaasi.
Inkastoo dawladda F. Soomaaliya sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka waddamada Khaliijka haddana waxaan shaki lahayn in ay si aad ah ugu janjeedho dhinaca waddanka Qadar.
Md. Fahad Yaasiin, oo ah taliyaha KMG ee Sirdoonka Soomaaliya – NISA, laguna tilmaamo madaxweynaha qarsoon (de facto president), ayaa la sheegaa in uu ka tirsan yahay sirdoonka Qatar.
Qaraxyada ka dhaca Soomaaliya oo dhawaanahan xooggooda iyo dhicitaankoodu soo kordhay (frequency and potency), ayaa dalka u keenay burbur iyo dhimasho xooggan oo dib u dhac weyn ku riday rajadii Soomaaliya iyadoo maamulka Farmaajana uu ku fashilmay xasilinta ammaanka dalka siiba caasimadda Muqdisho oo iyadu noqotay meel shacabkoodu la noolyihiin qaraxyada tirada badan ee halkaasi ka dhaca.
WardheerNews
Leave a Reply