Thursday, January 23, 2020
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Wargeyska New York Times oo heshay “cod sir ah ” oo sheegaya in Qatar ay ka dambeyso qaraxyada Soomaaliya

Wargeyska  The New York Times, ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa cadadkiisii  bishan Julay 23-dii, qoray in uu helay “ cod sir ah”  oo la duubay oo ganacsade Qatari ah oo u dhow Amiirka dalka Qatar, oo teleefan kula hadlaya Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Bin Xamsa, uu sheegay in qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee Puntland loo fuliyay si loo xoojiyo danaha dalka Qatar ee Soomaaliya.

Safiir Hassan Hamza

Hadalka ganacsadaha oo lagu magacaabo Al Muhanadi, ayaa sheegaya sida uu wargeyska New York Times qoray, in ay ujeedadiisu tahay si looga saaro ama loo baabi’in lahaa danaha iyo saameynta dowladda Imaaraadka ee Puntland iyo guud ahaan-ba  dalka Soomaaliya, si markaasi Qatar ay gacanta ugu dhigto Soomaaliya.

Dalka Qatar, oo xidhiidh dhow la leh hoggaanka Soomaaliya, oo in badan looga shakisnaa in  ay taageeraan ururada xagjirka ah sida Al Shabaab iyo Daacish (ISIS) , oo ay xidhiidh dhow la leeyihiin, ayaa hadda wararkan laga soo xigtay wargeysta New York Times, ay xaqiijinayaan tuhunkaas.

Tan iyo wixii ka dambeeyay khilaafkii soo kala dhexgalay waddanka Qadar iyo qaar ka mid ah dalalka ku bahoobay Golaha Iskaashiga Waddamada Khaliijka siiba Sacuudiga iyo Imaaraadka, Soomaaliya waxay noqotay meelaha ay ku loolamaan waddamadaasi.

Inkastoo dawladda F. Soomaaliya sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka waddamada Khaliijka haddana waxaan shaki lahayn in ay si aad ah ugu janjeedho dhinaca waddanka Qadar.

Md. Fahad Yaasiin, oo ah taliyaha KMG ee Sirdoonka Soomaaliya – NISA, laguna tilmaamo madaxweynaha qarsoon (de facto president), ayaa la sheegaa in uu ka tirsan yahay sirdoonka Qatar.

Qaraxyada ka dhaca Soomaaliya oo dhawaanahan xooggooda iyo dhicitaankoodu soo kordhay (frequency and potency), ayaa dalka u keenay burbur iyo dhimasho xooggan oo dib u dhac weyn ku riday rajadii Soomaaliya iyadoo maamulka Farmaajana uu ku fashilmay xasilinta ammaanka dalka siiba caasimadda Muqdisho oo iyadu noqotay meel shacabkoodu la noolyihiin qaraxyada tirada badan ee halkaasi ka dhaca.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2020 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

RSS World News from Africa

  • An error has occurred, which probably means the feed is down. Try again later.

RSS NY Times Africa News

  • An error has occurred, which probably means the feed is down. Try again later.