Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Wargeys Yar Baan Waa Hore Ka Akhriyay!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Beled Weyn

Waxay ahayd Beled Weyn iyo Biibito gabadhi haysatay. Baled Weyn iyo gabadh haddii aad maqasho, shaki maleh in ay maskaxdaada ku soo dhacayso Beerlula iyo heestii Baled Weyn ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Haddaba dulucda qoraalkani ma aha mid aan kaga sheekaynayo gabadh iyo caashaq midna balse waa mid aan jecelahay in aan akhristayaasha kula wadaago xusuus xilli hore oo aan maalmo dhawr ah ku hakanay magaalada Baled Weyn, annogoo ku jirnay safar haddii aan magaca ka amaahdo saaxiibkay Siciid Jaamac Xuseen aan ku tilmaami karo “Safar aan Jiho lahayn”. 

Wuxuu ahaa safar ka soo billaabmay magaalada Muqdisho haseyeeshee aanan garanayn meel uu cagadhigan doono iyo xilli uu ku ekaan doono toona.  Ma ahayn Safar rabitaan iyo doonistayda ku yimid balse wuxuuu mid duruufihii iyo dagaaladii xilligaas jiray qasbeen.  

Bishii Maarso ee sannadkii 1991 ayaan goor casarliiq ah ka ambabaxnay Muqdisho oo xilligaas xumadda iyo xasaradda dagaalladii sokeeye meeshii ugu xumayd maraysay. Xilli qarankii burburay, qabiilooyin qoryo isu qaatayna beddeleen.

Baabuur  iskaroga oo dadkii iyo xamuulkii uu qaadi karayay saddex laabkeed lagu raray oo aan maalmo badan naawilayay ayaan meel yar oo dhinac ah ka laalaaday. Jidka waxaa ka jirtay cabsi aad u weyn oo aanad malayn karin waxa aad la kulmi doontid.  

Goor habeenimo ah ayaanu galnay Balcad oo aan habeenkaas u hoyanay. Toddobaad aan shiddo yarayn ayayna nagu qaadatay in aan Baled Weyn gaadhno sidii aan habeenba magaalo Ivo tuulo ugu hoyanaynay cabsi awgeed. 

Safarkaas sheekadiisa iyo dhacdooyinkii ku lammaanaa mar kale ayaan dib ugu dhiganayaa haddii Eebbe innagu simo haseyeeshee qoraalkan aan ku koobo Beled Weyn iyo bartaas aan kor ku xusay.

Ma ahayn markii iigu horreysay ee aan magaalada Beled Weyn safar ku maro balse waxay ahayd markii koowaad ee aan magaalada u hoydo ee aan dhex galo. 

Beledweynta aan xilligaa arkay aad bay uga duwanayd tii uu Hadraawi heestiisa ku tilmaamay ee barisamaadka iyo barwaaqada ku suntanayd. Magaaladu waxay ahayd mid haawanaysa oo cidla ah iyadoo qaybo ka mid ahina ay gubteen. Wax ganacsi iyo dhaqdhaqaaq ahi kama jirin, waxayna ahayd magaalo laga qaxay welina aan dib loogu soo noqon. Qaybo badan oo dadkii magaalada degganaa waxaa la ii sheegay in ay xilligaas u digorogteen dhinaca caasimadda Muqdisho.

Waxaa furnaa meelo yar oo laga shaaheeyo, cuntooyin fududna sameeya. Muddo dhawr beri ah ayaanu magaalada joognay maadaama jidka cabsi laga soo sheegayay. Subaxdii ayaanu Biibitooyinka u soo shaah tegi jirnay, iskakagana sheekaysan jirnay.

Goor barqo ah ayaanu soo fadhiisanay kuraas Biibito gabadhi haysatay hortaalay. Miiska aan fadhinay waxaa dul saarnaa Wargeys yar oo dhawr xaashiyood ah oo inta makiinad (typemachine) lagu garaacay la badiyay oo Muqdisho ka soo baxay.

Dhacdooyin kala duwan oo xilligaas taagnaa ayaa ku qornaa Wargeyskaas haseyeeshee hadda ma xasuusto magacii wargeyskaas.

Inkastoo muddo dheer ka soo wareegtay xilligaas haddana qaar ka mid ah waxyaabihii ku qornaa marnaba ma illaawo waayo waa kuwo xilligan mar walba dhegehayga ku soo dhaca.

Waxaan xasuustaa qoraal cinwaankiisu aan filayo in uu u dhignaa “Daaroodku maxay damacsanyihiin ama qorshahoodu yahay”.

Isagoo wargeysku ka jawaabaya weydiintaas ayaa waxaa qoraalkaas lagu xusay laba qorshe oo ay daaroodku damacsanyihihiin in ay fuliyaan. Arrinta yaabka lihi waxay tahay in xilligan aan joogno labadaas qorsheba la hirgeliyay oo ay yihihiin wax jira.

Labada qorshe ayaa waxa uu wargeyskaas yari ku sheegay in ay Daaroodku Gobollada Dhexe, Bari, ilaa waqooyiga dhulka ay degaan ay ka samayn doonaan maamul la magac baxay Puntland, xagga Koonfureedna ka dhisi doonaan maamul kale oo isna la yidhaa Jubbaland. 

Hadda garo oo xilligu waa bishii Maarso, 1991kii. Aad baan ula yaabay arrintaas waayo xilli maamul iyo wax la mid ah maanka lagu hayay ma aanay ahayn ee dagaal iyo qax baa arlada ka aloosnaa. 

Toddoba sano iyo bilo ka dib xilligaas oo ku beegnayd 1dii Agoosto 1998, ayaa anigoo safarkii kasabobalare ka soo billaabmay ku sii maraya Holland aan maqlay in maamulkii Wargeyskaas yar ee afarta xaashiyood ahaa sheegayay in dhidibada loo taagay, iyadoo maanta loo dabaaldegayo sanadguuradiisii 22aad.

Sidoo kale Jubbaland ayaa  iyana la yagleelay bishii Abril, 2013kii anoo mankan jooga London oo aan ilaa hadda ku suganahay.

Tolow ma saadaal rumawday bay ahayd mise xog uu xilligaas helay wargeyskaas yari. Xogogaalka ayaa innooga warrami.

Ugu dambeyn aan u hambalyeeyo shacabka iyo maamulka Puntland munaasabadda sannadguurada 22aad.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.