Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

WAR-SAXAAFADEED Daahfurka Goobaal Online: Diiwaanka Ganacsiyadda Haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho, 19-ka Nofembar 2021: Si loo xuso maalinta caalamiga ah ee Ganacsiga Haweenka, shirkadda la talinta Asal Consulting, oo kaashaneysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed – Somali Chamber of Commerce and Industries (SCCI) iyo Ururka Shaqaalaha Adduunka/International Labour Organization (ILO), waxaa ay si rasmi ah u daahfureen Goobaal Online, oo ah adeeg khaas ah oo loogu talagalay ganacsiyada ay leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed oo doonaya in ay kobciyaan ganacsigooda.

Madashan online-ka ah ayaa noqon doonta fursad ay Haweenka ganacsatada ah ku xayeysiiyaan ganacsiyadooda muuqaal ahaan barta internet-ka. Macluumaadka ku jira Gobaal Online ayaa ku qoran afafka Soomaaliga iyo Ingiriisiga-ba, iyadoo madashan internet-ka ay tahay diiwaan ay ku keydsan yihiin ganacsiyada jira.  

Fikradda ah in la helo diiwaan barta  internet-ka ku jira oo beegsanaya ganacsiyada ay leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed ee doonaya in ay kobciyaan ganacsigooda, waxaa ay ka dhalatey markii la ogaadey in badi ganacsiyada Haweenku leeyihiin aaney ku jirin ama ay aad uga muuqan internet-ka.

Sidaa daraaddeed, ganacsatada Haweenka  waxaa dhaafaya fursado haddii ay ku jiri lahaayeen internet-ka ay kor ugu qaadi lahaayeen ayna ku kobci lahaayeen ganacsigooda iyo tirada macaamiishooda. Fikraddu waxaa sidoo kale ay ku fadhidaa xaqiiqda ah in badi ganacsiyada ay leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed aaney awoodin in ay iska bixiyaan kharashka badan ee loogu baahan yahay nakh-shadeynta, martigelinta iyo gacan-ku-haynta barta internet oo uu lahaado ganacsi keliya.

 “Dhisidda qaranku waa tallaabo-tallaabo. Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha ayaa ugu jirta dadaal joogto ah sidii eey ku kobcin laheyd doorka Haweenka  ganacsatada Soomaliyeed. Iyaddoo looga faa’iidenayo fursadaha isticmaalka internet-ka.”
Fariin ka socota Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

 “Iyadoo ay si joogta ah u kordhayaan macamiisha  internet-ka ka eega ama dalbada badeecooyinka iyo adeegyada, waxaa noo muuqatay fursad aan ku xiriirin karno macaamiisha iyo ganacsiyada Haweeenku leeyihiin maaddaama badi ganacsiyada Haweenku aaney haysan dhaqaale ay ku dhisan lahaayeen bar internet. Hadda oo uu jiro Goobaal Online, macaamiisha iyo milkiilayaasha ganacsiyada ayaa si fudud isu heli kara iyaga oo aanan ka bixin kharash. Goobaal Online waxaa maamuli doona SCCI, taasoo noqon doonta mid ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan ee lagu kobcinaayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo kan Haweenka ganacsatada Soomaaliyeed.”
Fariin ka socota ILO

 “Adeegga Goobaal online waxaa inbadan ka faa’iideysan kara Haweenka ganacsiga ku leh Soomaaliya.  Adeegan oo awood u siinayo in ay ka helaan fursad ay ku kordhiyaan macaamiisha imaneysa goobahooda ganacsiga iyo macaaiisha ka eegeysa baraha internetka iyo bogagga baraha bulshada. Haddii ganacsigu uusan haysan bar internet, Goobaal Onlinee ayaa u noqonaya bar internet. Arrintan ayaa ah mid ka mid ah faa’iidooyinka uu Goobaal online siinayo Haweenka ganacsiga ku leh Soomaaliya. Si aad wax badan uga ogaato Goobaal online, booqo: www.goobaal.so
Fariin ka socota Asal Consulting

Haddii aad tahay Haweeney Soomaaliyeed oo ganacsi leh, oo aadna dooneyso in Goobaal Online uu ganacsigaaga gaarsiiso heerka ku xiga kan aad hadda joogto, booqo, https://www.goobaal.so/. Halkaan ka daawo sharaxaad faahfaahsan; https://www.youtube.com/watch?v=4lnud8bLHQ8

Waxaa ganacsigaaga aad internet-ka ku gelin kartaa daqiiqo adiga oo wax kharash ah bixin. Marka aad furto barta internet-ka, guji badhanka “Register” oo raac tilmaamaha lagu siinayo si aad waqti yar ugu diyaariso xogta ganacsigaaga ee aad gelisoneyso internet-ka.

Goobaal waxaa suurageliyey deeqda ay bixisey Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden/the Swedish International Development Agency (SIDA), oo la soo mariyey mashruuca Iskaashiga Ganacsatada iyo Maamulka ee Tamarta La Cusbooneysiin Karo iyo Awoodsiinta Dhaqaale ee Haweenka/“Public-Private Partnership for Renewable Energy and Women’s Economic Empowerment” ee ay hirgelisey ILO.

Nagala Soo Xiriir

Haddii aad  u baahan tahay macluumaad dheeri ah, waxaad nagala soo xiriiri kartaa [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.