Wafdi Jabuutiyaan ah oo hordhac u ah madaxweynaha Jabuuti oo Muqdisho soo gaarey

Muqdisho, Wufuud caalami ah ayaa kusoo qulqulaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasi oo ka qeybgeli doona munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha 10-aad ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u dhici doonta maalinta khamiista ah ee 9-ka bisha Juun.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Jabuuti oo hordhac u ah wafdiga madaxweynaha dalkaas ayaa maanta kasoo dagey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey wasiirro ka tirsan xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la filayaa dhawaan inuu soo gaaro magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo caleemasaarka dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waddamada Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa xidhiidhkooda madmadow soo kala dhexgalay intii uu xilka hayay madaxeynihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa iyana shalay soo gaadhay magaalada Muqdisho wafti ka socda dlak Itoobiya oo hordhac ah, waftigaasi oo ay soo dhaweeyen mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Arimaha Dibadda iyo Amniga ee Soomaaliya.

Saacadaha inagu soo aadan ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan wufuud caalami ah oo lagu martiqaadey munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo 9-ka bisha Juun.

Maxamed Cumar Aadan

WardheerNews, Muqdisho