Wadahadalo lagu soo afjarayo collaadda Koonfur Galbeed oo ka dhacay Nairobi

Wadahadalo lagu soo afjarayo collaadda Koonfur Galbeed oo ka dhacay Nairobi

Nairobi (WDN) Rajo cusub ayaa soo baxaysa kaddib markii ay dardar yeesheen dadaallada lagu doonayo in xal siyaasaddeed iyo mid nabadeed loo helo xiisadda amni iyo siyaasaddeed ee ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyada oo ay muuqata fursad cusub oo lagu soo afjari karo colaadda iyo dhibaatada muddada dheer ka taagnayd magalaada Baydhabo iyo deegaanda ka ag dhow.

War ay heshay WardheerNews ayaa sheegaya in xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Dr. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ay magaalada Nairobi wadahadallo toos ah kula yeesheen madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kulamadaasi oo qayb ka ah dadaallo xooggan oo dib-u-heshiisiin ah.

Wadahadallada ayaa si gaar ah loogu gorfeeyay hal ujeeddo oo muhiim ah: in la helo tanaasul siyaasaddeed oo soo afjara, iska horimaadka, isla markaana badbaadin kara shacabka oo noqday kuwa ugu badan ee ay colaaddani saameysay.

Fursad Cusub oo Nabadeed

Ergada baarlamaanka ayaa horey kulamo ula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyagoo kala hadlay sidii loo heli lahaa xal waara oo nabaddeed oo lagu soo afjaro xiisadda Koonfur Galbeed.

Farriinta ka soo baxaysa wada-tashiyada ayaa xoojineysa: in collaad iyo awood ciidan lagu gaari karin xal waara. Shacabka Koonfur Galbeed, gaar ahaan dadka ku nool Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran, ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahaya barakac, amni-darro, cunto yari iyo jahawareer nololleed oo ka dhashay sii xumaanshaha xaaladda siyaasaddeed.

Sidaas darteed, dadaallada cusub ee dib-u-heshiisiintu ma aha arrin ku kooban kulamo siyaasaddeed, balse waxa muhiim ah in la joojiyo dhibaatada shacabka, lana hor istaago in khilaaf siyaasadeed uu isu beddelo colaad bulshada dhexdeeda xididdo ku yeelata.

Laftagareen ayaa weli ku adkeysanaya in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed, isaga oo ku dooddaya in xilka looga qaaday awood ciidan oo federaal ah, halkii looga adkaan lahaa hannaan doorasho oo sharci ah.

Sidoo kale, waxa uu diiddan yahay in Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) loo aqoonsado hoggaamiyaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed. Hase yeeshee, inkastoo ay jiraan khilaafaad siyaasaddeed oo qoto dheer, Laftagareen ayaa la sheegay in uu soo bandhigay fikrad keeni karta in dhinacyadu isugmiiska wada-hadalka.

Soo jeedintiisa ayaa ah in labada dhinac ay ka tanaasulaan sheegashada madaxtinnimada, isla markaana lagu heshiiyo shaqsi dhex-dhexaad ah oo loo xil saaro hoggaaminta marxalad ku-meel-gaar ah oo ay dhammaan dhinacyadu ku qanacsan yihiin.

Sida qorshuhu dhigayo, hoggaanka ku-meel-gaarka ah wuxuu dusha ka saari karaa hawsha dib-u-heshiisiinta, kala fogeynta ciidamada ay kala taageeraan dhinacyada is haya, iyo abuurista jawi amni oo u saamaxaya Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed inay dib ugu soo laabtaan xasillooni. Haddii qorshahan uu helo taageero siyaasadeed oo ballaaran, wuxuu noqon karaa fursad muhiim ah oo lagu jebiyo wareegga colaadda iyo is-aaminaad-darrada.

Dadka ku lugta leh dadaallada dib-u-heshiisiinta ayaa la sheegay inay Dr. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan u arkaan shaqsi awood u leh inuu hormuud ka noqon karo isku xirta dhinacyada isku haya Koonfur Galbeed. Khibraddiisa siyaasaddeed iyo doorkiisa uu ka qaadanayo dadaallada socda ayaa suuragal ka dhigi kara in ay dhinacyadu wada aqbali karaan. Haddii arrintan lagu heshiiyo, Mursal wuxuu noqon karaa qofka loo baahan yahay si labada dhinac loogu keeno hal miis, iyadoo aan midkoodna dareemin in laga adkaaday ama sharaftiisa siyaasadeed la dhaawacay.

Ujeeddadu ma aha in la abuuro guuleyste iyo guuldarreyste cusub. Ujeeddadu waa in la helo heshiis ay Koonfur Galbeed iyo shacabkeedu ku guuleystaan. Xiisadda Baydhabo waxay durba yeelatay dhinacyo bulsho iyo kuwo beelleed, taas oo sare u qaadaysa khatarta ah in khilaaf siyaasadeed uu isu beddelo colaad ka ballaaran loollanka madaxda.

Toddobaad kasta oo dagaal ama iska horimaad siyaasaddeed sii socdaa wuxuu keeni karaa barakac hor leh, kala fogaansho bulsho, dhibaato bani’aadamnimo iyo dhiig dambe oo daata. Taasi waa sababta dadaalladan cusub ee dib-u-heshiisiintu u yihiin kuwo xasaasi ah oo mudan in si dhab ah loo taageero. Waxa ugu horreeya ee loo baahan yahay waa:

In dagaalka la joojiyo. Ciidamada la kala fogeeyo. Shacabka la ilaaliyo. Wadahadal loo dhan yahay la furo. Lana dhiso hannaan dib-u-heshiisiin oo lagu kalsoonaan karo, kaas oo dhammaan dhinacyadu si siman uga qayb qaadan karaan.

Fursad Lagu Soo Afjaro Bogga Colaadda

Wadahadallada Nairobi waxay Koonfur Galbeed siinayaan waxa ay muddada dheer u baahnayd: rajo cusub. Dadka Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran ma mudna inay ku noolaadaan cabsi iyo hub, iyagoo lagu khasbayo inay kala doortaan maamullo siyaasadeed oo iska soo horjeeda.

Soomaaliyana ma awooddo inay mar kale gasho wareeg ah in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo awood ciidan, kaddibna dhaawacyada ka dhasha ay abuuraan colaad cusub sannado kadib. Koonfur Galbeed waxay u baahan tahay heshiis siyaasadeed oo ku dhisan tanaasul, dib-u-heshiisiin iyo is-aqbalid, ee uma baahna guul ciidan oo dhinac keliya u soo hoyata.

Heshiiska ku-meel-gaarka ah ma xallin karo dhammaan khilaafaadka hal maalin gudaheed. Hase yeeshee, haddii dhinacyadu si dhab ah ugu diyaar garoobaan tanaasul, wuxuu noqon karaa buundada looga gudbo khilaafka looguna tallaabo xasillooni iyo heshiis siyaasadeed oo waara.

Waxa ugu farxadda badan ee hadda muuqda ayaa ah in wada-hadalku uu bilaabayo inuu beddelo iska horimaadka, halka miiska siyaasadduna uu dib uga horreynayo goobta dagaalka. Kaddib bilo ay shacabka Koonfur Galbeed ku jireen cabsi, barakac iyo hubanti la’aan, tallaabadan cusub waxay soo celin kartaa kalsoonidii iyo rajadii laga qabay in xal nabadeed la heli karo.

Shacabka Koonfur Galbeed dhib ku filan ayay soo mareen. Fursadda maanta hor taalla hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ma aha oo keliya inay heshiis siyaasaddeed gaaraan; waa inay joojiyaan dhiigga daadanaya, soo celiyaan rajada shacabka, ayna Baydhabo siiyaan fursad ay mar kale ugu neefsato nabad iyo xasillooni.

Nabadda waxay u muuqataa inay albaab ka heshay wada hadal. Waxa hadda loo baahan yahay waa in dhammaan dhinacyadu ay si geesinimo leh uga soo gudbaan albaabkaas, una socdaan dhinaca heshiis, cafis iyo dib-u-heshiisiin. Koonfur Galbeed waxay u baahan tahay nabad, Soomaaliya waxay u baahan tahay heshiis, shacabka Baydhabo-na waxay mudan yihiin fursad ay mustaqbalkooda ku dhistaan iyagoo aan ka baqayn dagaal iyo kala qaybsanaan.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.