Thursday, February 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Waa Maxay Halista Ku Sugan Is-fahamka Abiy iyo Biixi ee 01-01-2024?

W.Q Maxamuud Cabdillahi Axmed

Hordhac

RW Abiy iyo MW Biixi

Tan iyo maalintii  01-01-2024 ee warka lama filaanka ahaa ee is-fahamkii RW Itoobiya Abiy Axmed iyo MW Somaliland Muuse Biixi kala saxiixdeen ka soo baxay Addis Ababa, waxa socday muran faro badan oo ka dhex aloosmay bulshada Soomaalida dhexdeeda. Masraxa xidhiidhka caalamiga ahna waxa ka billaabmay dagaal diblomaasiyeed oo xawli ku socda, gaadhayna illaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Nuxurka is-fahamkaas waxa lagu baahiyey warqad ka soo baxday xafiiska R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo ahaa in Itoobiya helayso saldhig badeed oo militari iyo deked ganacsi, Somaliland-na ku beddelatay aqoonsi iyo saami laga siiyo shirkadda dayuuradaha Itoobiya.

Fiiro badan ka dib waxaan is-tusay in muranka meel la iska dhigo lana billaabo dood miyir ku qotanta oo dhexmarta dadweynaha, siiba dadka reer Waqooyiga ah (Somaliland). Dhegaysi badan ka dib waxa ii soo baxday in hadal-qaadka is-fahamka baddu u xuubsiibtay, dadka reer Somaliland dhexdooda, kol hadday Xamar diidday, anigu waan rabnaa. Haddba, si taasi meesha uga baxdo waxaan is-tusay inay wacnaan lahayd in dood cusubi billaabanto taas oo ku sabasan halista is-fahamkan ugubka ah ka dhalan karta.

Illaa maalintii bayaanka is-fahamku bannaanka u soo baxay, ashkhaas reer waqooyi ah (Somaliland) ayaa soo bandhigtay fal-celintooda fikradeed ee ku aaddan is-fahamka badda. Waxa xusid mudan Sheekh Maxamed Cali Geeddi, aqoonyahan Maxamed Daahir, siyaasi Jaamac Shabeel iyo garyaqaan Mubaarig Aar.

Cudur-daar: maqaalkani ma wada koobi karo magacyada dadka ra’yiga ku darsday sharaxaadda is-fahamakan.

Sheekh Maxamed Cali Geedi

Sheekh Maxamed Cali Geedi tiraabtiisa hadal waxaan ka soo qaadanayaa inuu dadka ka waaniyey in fekerka iyo falka midna lagu salayn nacayb ku aaddan walaalaha reer koonfureed; labada dhinac-bana la yimaadaan yuhuun wanaagsan. Sheekh Geeddi wuxu heshiiska ugu yeedhay kaalay oo hashaydii maal; isagoo hasha ugu maakubaya xeebta iyo badda Alle ku nicmaystay waqooyiga dalka (Somaliland).

Aqoonyahan Maxamed Daahir 

Aqoonyahan Maxamed Daahir  wuxu adeegsaday xog-ururin juqraafiyeed oo uu is-barbar dhigay bedka saldhigyada dunida ka jira, waxaana u soo baxday in aanu jirin saldhig baaxaddiisu tahay 20km labo-jibbaaran (waa haddii ballaca saldhigga loo qaato 1km); waxaanu soo dhirin-dhiriyey inaysan isku qiima ahayn kiradda aan la cayimin ee badda iyo saamiga shirkadda dayuuradaha ee aan xasilnayn. Aqoonyahan Daahir wuxuu intaas ku daray in aqoonsiga Itoobiya aanu soo kordhinayn ictiraaf caalami ah iyo dheef cusub toona waayo horeba macaamil buuxa ayaa ka dhexeeyey Itoobiya iyo maamulka Somaliland; waxaanu ku gunaanaday in is-fahmakani yahakaadh lagu gelayo doorashada.

Siyaasi Jaamac Shabeel

Siyaasi Jaamac Shabeel wuxuu dadka xasuusiyey in Dawladda Federlka Sooomaaliya haysato mas’uuliyadda qaranimada dhuleed ee Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, sidaa darteed wuxu su’aal geliyey suurtagalnimada heshiis ay wada galaan dal sharci caalami ah haysta iyo maamul goboleed, indhaha adduunka. Wuxuu Jaamac tilmaamay in wax laga barto taariikhda dunida  sida  labada dal Bolivia iyo Chile oo Bolivia ku bad weyday qarnigii 19aad iyo waqooyiga Qubrus oo 50 sanno ka dib Turkiga keliyi aqoonsan yahay.

Garyaqaan Mubaarig Aar

Garyaqaan Mubaarig wuxu soo bandhigay nuxurka is-fahamka ku soo baxay warqaddii ka soo baxday xafiiska R/wasaare Abiy Axmed. Labada dhinac 4 shay ayey is-weydaarsadeen (bartering). Is-weydaarsigaas Addis Ababa 2 shay ayey heshay: furdad-badeed ganacsi iyo saldhig-badeed militari, Hargeysa-na 2 ayey heshay aqoonsi iyo saami shirkad dayuuradeed. Wuxu garyaqaanku ku nuux-nuuxsaday inaysan caddayn waxay Itoobiya u adeegsanayso khayraadka badda dhererkeedu yahay 20km sida kalluumaysi, ganacsi, tamar-dhalin iwm.

Wuxuu garyaqaan Mubarig lafo-gur dheer ka dib, soo tuujiyey gees kasta oo laga eego, inaysan jirin wax kiro ahi, kol haddii aan la caddayn waxa la kala iibsaday iyo qiimahoodii toona. Waxa kale oo garyqaanku tibaaxay in aanay ahayn 4-ta shay ee la is-dhaafsaday wax isu dhigma; macnihii Hargeysa ayaa khasaare ku jirta; isla markaana  wax cusub (maalgelin iyo maacamilo cusub midna) oo aanay hadda Hargeysi haysan oo Addis kaga soo kordhayaa ma jiraan.

Garyaqaan Mubaarig wuxu cashar inaga siiyey waxa dastuurka Somaliland ka qabo in lagu tasarufo (bixin, iibin iwm) hantida caamka ah ee dalka, waxaanu tilmaamay in qoddobka 12aad ee dastuurku sheegayo in gooni loo sameeyo xeer qeexaya arrinkaas; xeerkaasina (commercial law) hadda ma jiro.  Qodobka 127aad ee dastuurka Somaliland wuxuu lama taabtaan ka yeelayaa wax ka beddelka is-raacsanaanta dhul, bad iyo hawo ee Somaliland. Dastuurku xataa uma oggola baarlamanka inay wax ka beddel ku sameeyaan is-raacsanaantaas.

Garyqaanku wuxu ka digay halista ku sugan sinnaan la’aanta heshiis ay wada galaan Somaliland iyo Itoobiya oo uu ugu yeedhay heshiisyada is-muquuninta. Macnhii, maxaa la yeelayaa hadday Addis tidhaa 50 sanno ka dib ma wareejinayo saldhigga iyo dekaddaba? Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ waxa tegi kara keliya dal haysta aqoonsi caalami ah, xubin ka ah Qaramada Midoobay, dhexdhexaadinina qasab ma aha oo way diidi kartaa Itoobiya.  

Waxa kale oo uu ka digay garyaqaan Mubaarig halista tirada dadka Itoobiyaanka ah ee degi doona 50 sanno dhulka iyo xeebaha badda loo cayimay. Ogow Itoobiya waa dal dad la fatahaya, deris-na ah. Waa sidii ku dhacday Bolivia. Garyaqaanku wuxu ku gabagabeeyey in is-fahamkan uu ku sugan yahay halis amni oo weyni. Sidaa darteed, wuxuu md. Biixi si ixtiraam leh kula taliyey in aan la isku furin albaab aan la garanayn waxa ka soo baxaya. 

Ra’yiga qoraha maqaalka

Waxaan qabaa in siyaasadda dibeddu tahay muraayadda siyaasadda gudaha, sidaa darteed aanu weli dhammaan dagaalkii Laascaanood; md. Biixina uu is-afgaradkan u galay sidii uu hub, saanad iyo tababar ciidan uga heli lahaa Abiy Axmed. Halkaana waxa ku sugan halis colaadeed oo dib uga aloosanta Laascaanood iyo Sool. Ilaa hadda dhawr jeer ayey kulmeen madaxda sare ee militari ee maamulka SL iyo Ethiopia.

Dood furan

Haddaba, dooddu u furan qofkii qoraal ahaan kaga qaybgelaya dooddan oo ku saabsan halta suurtagalka ah ee ku sugan is-afgaradkii Abiy iyo Biixi, iyadoo tixraac laga dhiganayo qoddabada ay asteeyeen askhaasta magacyadooda kor lagu taxay, siiba halisaha uu sheegay garyaqaan Mubaarig Aar. Waxaan aad u soo dhoweynayaa qoraallada dadka reer waqooyiga ah (ka mid baan ahay). Waa furan tahay dhaliisha iyo diidmada qoddabada marjaca loo qaatay, laakiin yaan la qolayn ra’yiga qofka.

Wa Billahi Towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed
E-mail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.