Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Tusmadii Warmahaye: Sheeko Gaaban

W/Q Cabdullaahi Xaaji Saciid

Odhaahda Tifaftirka: Sheekadan Warmahaye waxay dhinac socotaa oo ay ku lammaan tahay sheekadii Waasuge, oo horey ugu soo baxday WardheerNews. Waasuge oo uu curiyay qoraa Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud waxay ka hadlaysay nin nabad doon ah oo lagu magacaabo Waasuge, Haddaba sheekadan Warmahaye waxay iyaduna ka hadlaysaa isla sheekaadii Waasuge waxayse iftiiminaysa Warmahaye oo ah waa Waasuge Ina adeerkii.
——–

Warmahaye in kastuu saddex gu’ ka yar yahay ina adeerkii Waasuge, haddanna waa isku gedo, isku muuqday oo ciyaalnimo isku soo gaadhay. Warmahaye yaraantii wuxuu caan ku ahaa hal-xidhaalayaasha lagu caweeyo ee googaalaysiga, gaar ahaan tan la isku xujeeyo tirada qoysaska. Habeenba haduu gallo, Warmahaye wuxuu rukun culus ka ahaa gollaha reerka ee lagu caweeyo, halkaasuu ka marin jiray googaalaysigii uu caanka ku ahaa.
“Qaallin ha joogo, qaalin ha jiifto iyo labbadii rugta iyo reerka lahayd”.

Wax kale kama baran cawayskane wuxuu sifiican ugu bartay tirada reer kasta oo deegaankaa yaal iyo abla-ablaynta qabiilka. Wax ay sidaa ahaataba, Warmahaye markan gaashaanqaad ayuu noqday, geedka taga oo garta dhagaysta. Gartii ugu horaysay ee uu ka qaybgalay waxay ahayd mid adeerkii Wajaaf oo ahaa Waasuge aabihii ay made isku haysteen oday kale oo deeganka ah oo la odhan jiray Cirjiidh. Maalintaa wixii ka danbaysay Warmahaye, wuxuu shaqo ka dhigtay durkinta ijaarka beertaa la isku haysto. Halkaasuu ka billaabay wixiisii xilka lahaa. Inkastoo marar badan ay guurti ka naqday garta ijaarkaa xalse loo waa, oo waxay noqotay uun gar joogta ah. Taasi waxay keentay in laga shakiyo Warmahaye, arrintaasoo ugu danbayntii ku dhalisay in uu iskaga soo haajiro baadiyihii sidaana magaalo ku soo gallo.

Warmahaye wuxuu ahaa nin qalafsan oo kani adag. Saaxiibiidiisa sharku markay ammaanayaan waxay odhan jireen waan nin mayal adag oo loo gooyo halka uu ku dhago. Wuxuu ahaa nin lagu ammaano waxyaabaha dadku ka ducaysaytaan, wuxuu ahaa nin ballo ah, naar ah oo cirka ka soo dhacay.

Deegaanka uu ku nool yahay masiibo hadday ka dhacdo waa mid uu isagu soo abaabulay ama uu lug ku leeyahay. Waligii ma xoogsi tagin haddanna jeebkiisu ma madhan. Waligii duunyo uma darreerin haddanna maalin walba gurigiisa oon xoollaad lagama waayin. Waxa kaliya ee uu ka macaashaaba waxay noqotay dhiig la daadsho. Weedh waxa uu necbaa tanaasul, war na waxa uu jeclaa dagaal. Sammuhu wuxuu ahaa wadkiisa, sharkuna wuxuu ahaa wehelkiisa. Magac been kugu ma raacee waa sababta ay u raacday naanaysta “Magac ka Islaam”.

Maanta waa maalin murugo oo cirku dhiig da’ay. Waxa la soo sheegay warka ah in ina adeerkii Wakiil oo ahaa da’adii ka yarayd Waasuge, si ula kac ah loo toogtay. Maanta isaga waxay u tahay ciid. Waa maalin Khamiiisoo dubka iyo diirku isku dhageen dadka, roobkiibaa soo daahay dhulku waa engagan yahay. Saxarka siigadu tuurayso ayuu qof kastaa wajiga cimaamad iska saaray. Culluma-uwdiinka ayaa meel walba kaga dhawaaqaya dadku caloosha ha isku furraan, halka qaarkood na ay ka haddal hayaan roob doon in loo dareero. Abaartii daaqii uun kuma ekaane duunyo wixii dagaanka joogayna way idlaysay. Reeruhu intooda baddan dab ma shitaan, oon xoolaadna haddalkeedba daa. Farahay is ursanayaan dhallaanku iyagoo hubsanaaya kooga maanta wax qacanta soo galiyay.

Intaasoo dhan oo hoog ah, isagoo og Warmahaye ayuu soo galay goobtii uu raaskiisu dagganaa.  “Waar ka kacaay”. Markiiba wuxuu agaasimay culumidiisii u qaabilsanayd fatwada maanta oo kale. Halkan wuxuu taleefan uga diray wakiiladiisii qurbaha. Dumarka intooda badan oo Warmahaye u yaqaan Geesiga Reerka ee loo baahdo maalinta balaayo, ayaa ku daba barrooranaya iyagoo ku qaylinaya “Wixii dhiig lahaw kaca ” . Waa kan durba la is abaabulay ee Warmahaye reerkii kasoo saaray maleeshiyo hubaysan oo tiradoodu kontameeye ku dhawdahay.

Cadawga koobaad maanta wuxuu u arkaa Ina adeerkii Waasuge oo walaalkii la dilay. Isagoo la hadlaaya maleeshiyadii uu watay ayuu wuxuu leeyahay “Kii maydka ahaa ee Waasuge wuxuu afhayeen u noqon doonaa cadawgaa walaalkii dilay, maantuu odhan doonaa Ilaahay baan ku hadhay. Ma maalin Ilaahay lagu hadhaan joognaa”.

Maleeshiyadii uu watay ayuu ka soo xulay sideed dhalin yar ah. Waa fiid gurcud ah oo madawgu soo degdegay. Dabayl foorihii jiilaal ka wadata aya xagga bari ka soo dhacaysa. Dhulkuse waa deegaan Warmahaye iyo xertiisa ay aad u yaqaanaan oo uma baahna Ilays. Ugaadhsatadu waxay soo dageen duleedka goob ay deegaanka ninka wax ka dilay deggen yihiin. Waa xoog dhirtu soogsoogan tahay madawga awgii,  se qofka soo socda waxba kama arko.

Labo nin oo la qabiil ah ninka wax dilay ayaa xagga magaalka ka soo carraabay. Waxa raad guraya wiil dhalinyar ah oo uu Warmahaye ku balamiyay oo taleefanka gacanta ku hagaaya ugaadhsatada hubaysan. Imika habeenku waa sii durkay gurcudkuna waa ka sii daray waxa uuna gacansiinayaa kooxdan wax ugaadhsanaysa . Marka ay u jiraan wax ka yar 100 talaabo, labadiina safarkii goobtu maleeshiyadu fadhiday, ayaa waxa amar soo siiyay wiilkii raad guray labadan ruux ee warmoogga ah. Wuxuu amar ku siiyay in ay labadaa nin ee guuxaya kuna soo waajahan ay dhagta dhiiga u daraan.

Sidii bay yeeleen intay iska dhigeen dad socoto ah ayay saddex ka mid ah maleeshiyadii ay xaggii safarka u kaceen, salaantii ay ku qaabileen waxay noqotay baaska rasaasta. Halkaas ayay ku geeriyoodeen labadii qof ee safarka ahaa.Reerkii wiilka dilay ayaa maqlay dhacdadii, halkaasuuna ka bilaabmay dagaal sokeeye.

Geeridii Waasuge kadib, hadda Warmahaye waa suldaanka reerka, in kastooy dadku ku xantaan saldanadiisa cummaamad godob laga huwaday haddana xumaantiisuu dadka ku dhex joogaa uguna taliyaa. Kuwa jecelna xummaantay ku jecel yihiin, kuwa necebna sharkiisa awgii ayay usoo dhawaystaan si ay uga nabad galaan .

Cabdullaahi Xaaji Saciid
—————–
Hoos ka akhriso sheekadii Waasuge

Tusmadii Waasuge: Sheeko Gaaban Cabdiraxmaan Aadan


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.