Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

TIRAAB-CURINTA TOOLMOON (Q.2AAD)

Aan Yara Dalxiisno

W.Q. Siciid Jaamac xuseen

FAATAA-DHUGLE

Siciid Jaamac Xuseen

Soomaalida tiro aan yarayn ayaa u qabta in hadba sida nolosha miyiga iyo ku dhaqankeeda loo kala badsado, in Af-soomaaligana loo kala badiyo. Gurxan oo duulkaas calanside u ah ayaa isku qaaday Sahal oo wargeyska MAANTA sheekooyin gaagaaban oo dadku xiiseeyo ku soo qora. Iyadoo dhawr saaxiib weheliyaan ayuu Gurxan damcay inu Sahal mid ku rido.

Gurxan: ‘ Horta ma ogtahay, Sahalow, anigu Af-soomaaliga waa kaa badiyaa. Misna, Ilaahay amarkii sidaada oo kale wax ugu ma qori karo !’

Sahal: (oo damacsan ninkan iyo hadalkiisan soo noqnoqdkoodii ku batay inuu mar qura iska reebo): “ Waa runtaa oo sidaad u sheegtay anigu Af-soomaaliga kaama badiyo. Waanse kaa cilmi badan ahay, kaana caqli wanaagsan ahay,” Isagoo garan kara sida weedhani Gurxan u gubi doonto ayuu ka gaarsiiyey intaanu jawaabtii u hollan, “Waan yara degdegsan ahay ee mar kale aha inoo ahaato.” Gurxan oo qadiidsan ayuu dhoollo caddayn ku dhaafay

Hadalka, Aqriska,iyo Qorista

Waa saddex jaranjaro oo kala sarreeya. Waa saddex qaybood oo waxbarasho oo laysaga gudbo. Waa saddex heer dhaqan oo kala durugsan, gaar ahaan intay dhinaca awoodda ku kala taggan yihiin, ee bulshadu u kala suntan tahay.. Hadlaa.. Aqriste.. iyo Qoraa.

Ummad kasta aayaheeda, ilbaxnimadeeda, iyo awooddeeda waxaa laga garan karaa had walba sedka iyo saamiga ay ka kala hanato saddexdaas qaybood. Horumarkeeduna wuxuu si toos ah ugu xiran yahay isaga-gudubkooda kor u socda.

Beeraha qalabka otamaatiga ku shaqeeya..Wershadaha elektarooniga ku socda..Gaadiidka iyo is-gaarsiinta casriga ee xawligooda sekondyo iyo wax kasii yar lagu xisaabiyo..Dhismaha guryaha daruuro-dooxa ah..

Dayax-gacmeedka dunideenna kor meeraya ee uur-ku-jirta adduunkeenna lagu daalacanayo.. Dhammaantood waa wada tilmaamo cad cad oo si tuujin iyo taabasho leh uga marag kacaya arrintaas kor ku xusan (hanasho qoraal ayaa lagu gaarey).

Yaalaaba waad ku diirsataa markaad maqashid, “Soomaalidu waa ummad hadal-ya-cun ah, codkar ah. Suugaanta way dareeriyaan, macaansadaan, dhuuxaan, dhadhansadaan, ku suuxaan oo ku sakhraamaan sidii qof la baabay. Wada-hadalka keliya ayey badi ku wada xiriiraan. Waa bulsho hadal-ku-nool ah aqriska iyo qoris-la’aanta haysata ummadda Soomaaliyeed waxay saamaysaa qiyaas ahaan boqolkiiba siddeetan ahaan. Taas haddii la micneeyo waxay ka dhigan tahay in ummaddeenna qaybta lixaadkaas lihi ka oomman tahay ilbaxnimada iyo aqoonta casriga lagu jiro.

Boqolkiiba labaatanka kale ee soo haray haddaad eegtid weli kama ay soo wada murbixin hoosiiska badawnimada oo qorraxda casriga falaaraheedu si buuxa uma cuskan dareenkooda. Wahabkii dib-u-dhacsanaanta iyo dhaqankii ‘hadlaaga’ kama suulin caqligooda, dareenkooda, aragtidooda iyo dookhooda. Sidii mara-boobta ayuu weli usii haystaa oo ku naban yahay.

W A Q T I G A

Dadka adduunka maanta ku nool lama arko laba isku diiddan qiimuhuu waqtigu leeyahay. Qofka dhalashadiisa, korriinkiisa, waxbarashadiisa, shaqadiisa, guurkiisa, taranka qoyskiisa iyo dhimashadiisa waqtiga ayaa lagu xisaabaa. Qorshe kasta oo loogu tala-gelayo bulsho horumarkeeda, iyadana xisaab waqti ayaa lagu dejiyaa.

Waqtiga marka lagu fasiro inuu xilliga keliya tilmaan u yahay sida saacado..maalmo..bilo..sannado xiriirsan oo iska daba tegaya, waa mid si fudud loo wada garan karo. Waqtigu wuxuu la jaanqaadaa garaaca wadnaha. Socodkiisa lama baacin karo. Lama hakin karo dib in loo ceshaana waa ruux damcay qorrax duhur joogta inu iftiinkeeda baabaco ku daboolo.

Waqtiga raadkiisu nolosha korkeeda ayuu ka muuqdaa. Wuxuu ku qormaa qofka foolkiisa, geedka jirriddiisa, dhismaha derbiyadiisa, haadka baalashiisa. Da’da cid walba soo marta, meelahaas ayaa laga cabbir qaataa, lagu gartaa facooda. Guud ahaan dhinacaas waa laysku wada raacsan yahay- mutacallin iyo ma-gudbe, dal sabool ah iyo mid hodon ah, dawlad soo koraysa iyo tan ugu awood iyo aqoon weyn dunida. Misna waqtigoo keligi iska daba rogmayaa micne ma yeesheen ee waxa micne iyo qiime u yeelaa waa dadka waxqabadkooda, himiladooda iyo had walba guusha iyo guuldarrada ay geeddigooda kala kulmaan.

QOFKA IYO QAAYIHIISA

‘Qofka – hoobaantii nolosha, maankeedii garashada dheeraa, wadnaheedii lahashada badnaa, dareenkeedii fannaanka ahaa, adkaysi iyo dulqaadkii aan xadka lahayn. Qofku kolka guntiisa loo dhaadhaco, ma aha lahasho indha la’ oo gubaysa oo in la raalli geliyo bad iyo buuraba laysaga xooro; ma aha shahwad laga ledi waayo. Caynkaas iyo wax u dhow toonna ma aha. Wuxuu yahay, uurka iyo gunta ka yahay, garasho xeel dheer oo abuur iyo cusboonayn leh, caraf iyo reexaan leh oo ku dheehan nolosha. Waa taariikh hore u socota, waa hawl iyo damaq, waa baadidoon aan kala go’ lahayn; kol uu ku hugoobo iyo kol uu haleelo; mar uu kufo iyo kol uu kaco. Waa ugboonayn joogto ah’. (Saalax Jaamac ‘76)

Badda iyo dhulka is-haleelay, isku raftay oo isku riiqmay waxaa ka dhashay san-ku-neefle aan tiradiisa lasoo koobi karayn oo kala maan ah, kala midab ah, kala muuqaal ah si walba u kala abuur iyo tastuur duwan. Tan keliya ay ka wada siman yihiin waxay tahay isku sii -dhejinta nolosha. Hase yeeshee qaar badan baa suulay oo adduunka wejigiisa ka tirtirmay. Mana aha sida la moodi karo intii ugu itaal iyo jimir yarayd inta dabar go’day, ee waxaa ka tirsanaa oo tilmaan innoogu filan DINASOORKA xagga joogga, qarada, iyo lixaadka boqol maroodi bara-dheeraynayey. Isku soo wada qaad noolahaas soo kordhay ee ifka yimi.. Mid baa ku jirey aan xilligaas waxba cayayaanka ka duwanayn.. cidina is oran marbuu maqaam yeelan doonaa – Qofka.

Qofku wuxuu ku indha-furay noolaha jiraa siduu isu cunayo, isu gumaadayo, isu dabargoynayo. Malyuun sano ayuu ku fooganaa halgan qaraar suu jiritaankiisa u badbaadiyo. Tabo iyo xeelado cusub ayuu bartay..aqoon iyo waaya-arag ballaaran ayaa u kordhay. Ummanihii adduunka ku weheliyey ayuu ka soocmay.. ka gacan sarreeyey. Xawayaankii ayuu kasoo jeestey.. ka cabsi baxay oo u kuur galay inu dantiisa iyo noloshiisa u muquuniyo. Maroodigii, awrkii, dibigii, iyo dameerkii ayuu lugaha ka dabray, hoggaan qoolka u suray oo hayin ka dhigay. Libaaxii, shabeelkii, jeertii, iyo wiyishii wax is-bidayey ayuu xeryo u samaystay. Daayeerkii, fardihii, koobradii, kalluunkii (doolfinka), haadkii ayuu muusig u tumay oo cayaarsiiyey, dhammaantood loo daawasha tagaa oo hawl-maalmeedka lurteeda lagaga yara nastaa.

Hirdanka ugu ba’ani goobuhuu ka socdey ee dhulka iyo baddu isku haleelayeen ayaa qofku soo degey; daaro iyo dekedo ka samaystay.. magaalooyin quruxdooda lagu ashqaraarayo ka taagey qoorigooda. Xeebta ciiddeedii ka yeelay goobo lagu nafaxaado.. loo dalxiis tago oo ka qaalisan dahabka cas.

Daruurihii sida buuraha cirka is-tuulyey ee beri beryaha ka mid ah roobabkoodu qofka cabsi ku ridi jireen uu isagoo kurbanaya boholo meeshii ugu dhow nafta kula roori jirey, ayuu sida murjiska ka dhex baxay isagoo wuxuu doono usoo fuulay.. mar dayuurad, mar sayruukh, mar dayax-gacmeed.. maantana ku qalqaalo jiraa inu isagoo keligiis ah usoo bareero inu laydha guud ku leexaysto sida haadda.

Badweyntii karkaraysey, mawjadihii boodboodayey ee xunbada cad doobinayey ayuu sidii tulud rabbaysan u rartay oo u sandulleeyey.. mar uu kor maro iyo kol uu hoos u muquurtoba, hadba siduu doono aan maraakiibtiisa koob shaah ka daadin Karin si kastay mawjadeheedu is waalwaalaan. Libaax-badeedka iyo nimirigii beri khatartooda bisinka laga qabsan jirey, ayuu badweyntii ku raadsaday, raacdaystay oo ugaarsaday. Hilibkooda, saantooda, subagooda iyo barwaaqada uurkooda jiifta manaafacsaday.. hadduu doonona daawasho keliya kaga ekaaday.

Dhulkii iyo baddii uu sabanno aan yarayn gadoodkooda ka baxsan jirey, baaxaddooda u sadqayn jirey ubadkiisa uu dhalay bilcanta u qurxoon ee loogu jecel yahay suu caradooda uga magan galo ayuu maanta shey-baar la dul taagan yahay oo waxay ka kooban yihiin kala shiilayaa. Calankii boqortooyada adduunka ayuu hantay oo haleelay aan cidi ku haysan. Waa boqorka keliya ee hankiisu halkuu ku siman yahay aan la sheegi karayn.

Qofka maanta heerkaas loo jeedo soo gaarey, awoodda ka dambaysaa waxay kasoo maaxaysaa maskaxdiisa uu madax yar ku wato ee ka dhalatay aqoon iyo waaya-arag qota dheer oo qarniyaal fara badan isasoo biirsaday. Ku darsoo awooddiisa maanta marka loo eego inta weli madaxaa kusii duugan, waxay kaga aadaysaa waxaan irbad caaradeed gaarin. Miyay kolkaas la yaab leedahay inu haweysto inu boqortooyadiisa ku simo kawnka idil ahaantiisa.

W,Q, Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]
—————————————-
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, oo si joogto ah wax ugu soo qora degelka WardheerNews, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.

Akhri sidoo kale


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.