
Muqdisho, Sida lagu sheegay war maanta ka soo baxay xafiiska maxaweynaha dawladda F. Soomaaliya Md Maxamed Cabdullaahi farmaajo waxa uu xi ka qaadis ku sameeyay Taliye ku xigeenka ciidanka XDS S/Guuto Maxamed Cali bariise.
Xil ka qaadistaas oo la sheegay in ay dhaqan galayso maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 20ka Febraayo 2020 ayaa lagu sababeeyay ka dib markii uu madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo ciidanka XDS tayayn iyo qaabayn joogto ah.
Haddaba sida ku cad qoraal ku taariikhaysan 18ka Febraayo 2020, oo uu u gudbiyay madaxweynaha ayuu taliye xigeenku ku sheegay in uu xilkaas iska casilay ka dib markii faragelin siyaasadeed lagu sameeyay ciidanka.
Qoraalka oo nuqul ka mid ah ay heshay WardheerNews ayaa waxa uu u qornaa sida soo socota:

Su’aasha haddaba isweydiinta mudan ayaa waxay tahay madaxweynuhu ma iscasilaaddii ayuu ka aqbalay Taliye Xigeenka mise xilkaqaadis ayuu ku sameeyay?
WardheerNews