Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Magaca Somaliland Waa Beer: Beerna Hilibkaa lagu Sugaa

W.Q. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Odhaahda Tifaftirka: Waxaa dhawaanahan  wararka iyo hadal heynta  Soomaaliya u badneyd wada-xaajoodka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) gaar ahaan kulankii magaalada Addis Ababa ku dhex maray Muuse Biixi iyo Farmaajo. Taasi oo ay sii xoojiyeen dhacdooyin is daba joog ah oo la xidhiidhay isla arinkaasi. Kuwaasi oo ay ugu badnaayeen  booqasho la sheegay in Madaxweyne Famaajo uu ku tagayo magaalada Hargeysa, iyada oo uu hormuud ka ahaa Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Safarkaasi la sheegay in uu Farmaajo ku tagi lahaa Hargeysa ayaa abuuray  xiisaddo , qalalaase iyo dhaleeceyn loo jeediyo Farmaajo iyo Muuse Biixi.  Taasi oo markii dambe dhalisay in Madaxweyne Muuse Biixi uu ka hadlo oo uu iska fogeeyo safarkaasi. 

Waxa kale oo iyana jirta in ay soo baxeen hadallo ay sheegeen mas’uuliyiin uu dhawaan Farmaajo u magacaabay Gudiga Wada-Xaajoodka ee dhinaca DFS, kuwaasi oo qaar ka mid ahi ay sheegeen hadallo ka dhan ah ama liddi ku ah jiritaanka Somaliland, sida Taliyihii hore ee Ciidanka Guulwadyaashii Dowladdii Kacaanka, Cabdiraxmaan Guuulwade, oo sheegay in duqeyntii loo geystay Hargeysa iyo goobo kaleeto ay aheyd mid loo baahnaa oo sax ah. Waxaa isna qoraal Af Carabi ah oo uu qoray Cabdiramaan Baadiyow, oo isla guddidaas ka mid ah 19-kii May, 1992  , ku tilmaamay Somaliland mid  ay samaynteeda ka dambeeyeen dalalka Yuhuuda iyo Itoobiya

Haddaba waxaa isna soo baxay qoraal uu qoray Fahad Yaasiin oo lagu tiriyo shakhsiga ugu awoodda iyo saamaynta badan Dowladda Farmaajo, dadka qaarkiina ku tilmaamaan Madaxweynah aan la dooran. 

Fahad Yaasiin oo hadda ah Taliyaha Ciiddanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NISA), ayaa maqaal uu qoray  Noofember , 2003 ku tilmaamay Somaliland“ Khayaali madax daalin ah, shacabkana loogu khiyaali waramay dowlad gooni u taagan ayaad tihiin.” Maqaalkaasi oo ku soo baxay Warsidaha Somalitalk, ayaa  cinwaankiisu ahaa- Magaca Somaliland Waa Beer: Beerna  Hilibkaa lagu Sugaa.

WardheerNews, haddaba waxay idinla wadaageysaa maqaalkaasi Fahad Yaasiin, oo maanta ah shakhsi awood xad dhaaf ah ku leh DFS, fikirkiisa Soomaaliland –na uu noqonayo mid saamyan weyn ku leh go’aanada DFS.

Haddaba hoos ka akhri maqaalka. 

——————————

Magaca Somaliland Waa Beer: Beerna  Hilibkaa lagu Sugaa

W/Q Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Fahad Yasiin

Bishii 8aad ee sanadkan ayaan booqday W/Galbeed halkii aan u niqiinay, ee dhawantan loogu walqalay Somaliland, shacabkana loogu khiyaali waramay dowlad gooni u taagan ayaad tihiin, 13.Sano oo maskax daalin ah ayey ku jiraan Siyaasiyiinta Somaliland, waxaase ugu fog ninka da’da yar ee dhawaan Yurub ka soo laabtay, ururna furtay waa Faysal Cali “Waraabe” oo ay shacabka Hargeysa u yaqaanaan Muuse Suudiga Somaliland, xagey isaga egyihiin hadaan irina, waxay yiraahdeen: hadal adayga, iyo isticmaal la’aanta erayada Siyaasada. Taasna waxaad rumeysanaysaa hadaad wakhtiga isaga lumiso dhagaysiga waraysiyada laga qaado Faysal, waxaad moodaa inuu run u qaatay macaga la isku madadaaliyo ee Somailland.

Waxaan booqday Boorama, Barbara, iyo Burco, intaba degmooyinka u dhaxeeya waan sii wada maray, dareenkii aan ka fahmay goboladaas intaan joogay waxaan ku soo koobi karaa qodobadan.

NABAD GALYADA:

Goboladaas waxay heerka ugu sareeya ka gaareen nabadgalyada, G/Afrika laguma arko meel soo dhawaysa nabad ahaan, ama kula tartami karta. Waxaad arkeysaa qof Ajnabi ah oo Bac gacanta ku sita, waxa bacda ugu jirana ay tahay lacag Doolar ah, isaga oo aan wax shaki ah ka qabin armaa lagu dhacaa. Jidadka Safaradana kolka aad hayso waxaad arkeysaa qof Dumar ah oo kaligeed gaari wadata ruuxna uusan la socon, baqdinna aysan hayn, runtiina waa nimco weyn oo haboon in laga mahadnaqo.

Nabada iney saas noqotana waxaa sabab u ah laba qolo: tan hore waa hogaanka dhaqanka, oo iyagu xil cad iska saaray ilaalinta nabada, waxay hoosta ka xariiqeen in tuuggu uusan tol lahayn, iyo inaan loo soo hiilin inta uu faldanbiyeedka ku dhex jiro, taasi waxay meel dheer ku laashay Burcaddii, waxayna u hiilisay nabadii.Qolada labaad waa shacabka oo dhaqan ahaan aan soo dhawayn shuftada iyo dadka tuugada ah, waxayna isla qaayibeen in danbiilaha nolosha ka dhacsan uusan mudnayn xanaano inta uu faldanbiyeedka ku dhexjiro.

NIDAAMKA:

Maamulka hada jira oo dhawaan tartan doorasho loo galay waxaa heley Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa Madaxweyne kuxigeen, kadibna noqday sii hayaha jagada Madaxti-nimo, hadana ku guuleysta Madaxweynaha Somaliland, waxa uu ahaa dhalanteedkan ka hor sargaal ka tirsan ciidanka nabad-sugida ee dalka Soomaaliya, waxay warbaahinta Hargeyso qoreysay iyadoo lagu Ammaanayo in xiligii uu ahaa Ciidankii nabadsugida uu caawin jiray dagaal-yahaniintii S.N.M.. Shacabka deegaankana waxay si daacad ah u ogol yihiin nidaamka talo ee u arimiya, iyagoo aad arkeyso in qofka loo keenayo warqad ka socota Saldhiga Xaafadiisa oo la leeyahay imow Saldhiga, kadibna uu toos u aadayo halkii looga yeeray, taasoo marag u ah sida shacabku uu u ogol yahay nidaamka iyo kala danbeynta.

Waxaa jira Siyasiyiin aad u diidan natiijadii Doorashooyinka iyagoo leh si cadaalad ah uma aysan dhicin Doorashadu, raggaas waxaa kamid ah “Siilaanyo” wuxuuna hada iska ogolaaday inuu sidaas ku aqbalo natiijada.

Somaliland:

Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Haddii dib loogu noqda Taariikhda waxaa cad in shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ay rumeysnaayeen Somaliweyn. Taas si loo raadiyo ayey shacabku qabeen in laga bilaabo midowga labadan gobol ee xoroobay waa Waqooyi iyo Koonfur, Siyaasiyiintiina taasey ku shaqeeyeen, waxaadna ka garaneysaa in shacabka Waqooyi ay midnimada xiisad iyo kalgacalo u qabeen sida ayba wax walba ugu tanaasuleen walaalahooda Koonfureed.

Aragtida shacabka ee hadeerna, waa in la raadiyo Somaliweyn iyadoo laga bilaabayo soo celinta dhulkii loo bixiyey Jamhuuriyada Somaaliya, oo ka kooban Koonfur iyo Waqooyi: si heerkaas loo gaaro waxay shuruud ka dhiganayaan horta Koonfur ha heshiiyaan, markaas aanu wada hadalno anagoo siman, si aan usoo ceshanno dowladii Jamhuuriyada, waxayse dhahaan yeeli meyno shuruud la’aan sidii 60.kii, oo hadda shuruud ayey wadtaan.

Marka la iska ilaawo dawakhinta warbaahinta Somaliland, iyo dano ku gaarka madaxda Siyaasadeed oo Goboladaas, waxaa shacabka dhab ka ah soo celinta calankii Soomaaliyeed iyadoo xuquuqda loo wada siman yahay. Aqoon-yahan Soomaaliyeed ayaa iigu waramay inuu Habeen arkay isagoo fadhiya Hoteel ku yaal Hargeysa, dad tira badan oo si xiise leh u daawanaya waraysi uu Talafishinka Alajazeera la yeeshay, Madaxweynaha D.K.G. ah C/Qaasim Salaad Xasan, kolkaasuu aqoon-yahankii weydiiyey nin shacabkii daawanayey kamid ah “ Maxay tahay sababta loo xiiseenayo waraygisa C/Qaasim? Waxaa loogu jawaabay . Dee waa Madaxweynihii Soomaaliya, walaal Somaliland-taad maqleysaa waa Beer, Beerna dee qadadaa lagu sugaa.

Waxaa muuqata in shacabka Waqooyi ay magacan Somaliland ku sugayaan Koonfur oo heshiisa, waxayna u arkaan magaca Somaliland neef subixii la qashay oo hada Beerkiisii lagu sii Quraacanayo si loogu Qadeeyo marka la helo Somaliweyn.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Xigasho: Somalitalk


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.