Tacsi: Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi

Bahda tifatirka shabakadda WardheerNews waxay iyagoo ka tiiraanyaysan halkan tacsi uga dirayaan Qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed geerida marxuum Maxmed Cabdi Xaashi, madaxweynihii hore ee Puntland oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaanu si gaara halkan tacsi ugu diraynaa Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi iyo guud ahaanba qoyska marxuumka.

Waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu marxuumka naxiistii janno ka waraabiyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii maamul goboleedka Puntland, isagoo noqday madaxwene ku xigeenkii u horreeyay ee maamulkaas, islamarkaana waxa uu qabtay xilka madxweynaha Puntland ka dib markii uu madaxweyne Cabdullaahi Yusuf loo doortay madaxweynaha dawladda F. Soomaaliya bishii Oktoobar, 2004tii.

Waxa uu xilkaas hayay tan iyo Janaayo 2005tii oo xilka madaxweyne loo doortay Cadde Muuse.

Innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Wardhhernews

Leave a Reply

Your email address will not be published.