Innaa Lillaahu Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Bahda shabakadda WardheerNews waxay iyagoo ka tiiraanyaysan halkan tacsi uga dirayaan wariye Jamaal Axmed Cusmaan oo hore uga tirsanaa bahda WardheerNews in muddo ahna uga soo warami jiray magaalooyiinka Muqdisho iyo Nayriibi, haddana ka mid ah wariyayaasha laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda VOA. oo aabbihii marxuum Axmed Cusmaan Jeelle uu habeenkii xalay oo ay taariikhsu ahayd 26/03/2016 ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Waxaanu marxuumka ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka warsaabiyo qoyskii, ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin.