Soomaaliya Iyo Bankiga Adduunka oo Kala Saxiixday Heshiis

Soomaaliya Iyo Bankiga Adduunka oo Kala Saxiixday Heshiis

downloadNayroobi, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Aden Farketi ayaa magalaada Nayroobi kula saxiixday Bangiga Aduunka heshiis muddo shan sano ah soconayo oo ay ku baxeyso lacag dhan 144 milyan oo doolar,,taasi oo lagu bixin doono mushaaraadka shaqaalaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Heshiiskan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya u saxiixay wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), iyadoo dhanka Bangiga aduunkana ay u saxiixday Mss Bella Bird oo bangiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa wasiirka maaliyadda ee mamulka Puntland, wasiirka maaliyadda Jubbaland iyo wasiirrada Maaliyadda Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale dhankooda ka saxiixay qaar ka mid ah waddamada deeq bixiyaasha ah ee lacagtan bixiyay oo ay ka mid ahaayeen Midowga yurub iyo dowlada talyaaniga, waxaana dhanka dowladda talyaaniga u saxiixay safiirka Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Fabrizio Marcelli,halka midowga yurubna ay saxiixday Mss Daria Fane.

Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa kadib saxiixa heshiiska u sheegay warbaahinta in mashruucan oo ay ku kaceyso lacag dhan 144 milyan oo doolar uu yahay wajigii labaad oo ay dowladda Soomaaliya la saxiixato Bangiga Aduunka.

Wasiir Fargeeti ayaa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadaba ay si wanaagsan u maamuli doonaan lacagtan oo aysan mari doonin meel aan ahayn halkii loogu tala galay.

Bangiga aduunka iyo waddamada deeq bixiyaasha ayaa sanadihii ugu danbeeyay dhinacyo badan ka taageerayay dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid tahay dib u habaynta maamulka maaliyadda iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Axmed Farax

Leave a Reply

Your email address will not be published.