Tuesday, December 07, 2021
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Soo Rogaalcelinta Ruwaanda

W/Q Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Ruwaanda (Rwanda), dal yar oo aan bad lahayn, isla markaana dhaca bariga badhtamaha Afrika, dacalka koonfureed ee dhulbadhaha. Inta badan dhulku waa barwaaqo, cagaaran oo ilqabatin leh. Dadka dalkaas, waxa lagu sheegay 12.6 milyan, halka caasimadda oo Kigaali ah ay ku nool yihiin kaliya 1.1 milyan. Waa mid ka mid ah dalalka Afrika ee cufnaanta tirada dadku ugu sareyso.

Xasuuqii Ruwaanda

In badan ayaan dalkaas dhinacyada ka dhaafdhaafay, ka hor inta aanan dhawaan safar gaaban ku gaadhin. Dadka xog-ogaalka ahi, marka ay magaca Ruwaanda maqlaan, laba shay ayaa maskaxdooda ku soo degdega: xasuuqii raadgurka ahaa ee ka dhacay dalkaas sannadkii 1994-kii iyo soo kabashada la yaabka leh ee dalku sameeyey.

Dhawr sanno ka hor ayaan akhriyey labada buug ee “An Ordinary Man: The True Story Behind Hotel Rwanda” iyo “Left to Tell,” Laba ruux oo dalkaas u dhashay ayaa hororkii ay goobjoogga u ahaayeen dunida u soo wariyey. Ka hore, sheekada buugga filim laga jilay oo caan noqday baa jira, dunidana ku baahay. Ta xiisaha lihi waxa weeyi ninkii buuggaa qoray Paul Rusesabagina, maxkamad ayaa dhawaan isla dalkaasi ku xukuntay 25 sanno oo xadhig ah. Argagixiso ayaa lagu helay baa la yidhi, iyaga iyo ku Allahoode.

Ruwaanda, goob kasta oo aan maro, dhacdooyin la yaab leh oo labadaas buug aan ka akhriyey ayaa maskaxdayda ku soo dhacayey. Buugga Left to Tell ee ay qortay Immaculee llibagiza, inkasta oo sida ka hore aanu u ahayn shaacsane caanbaxay, haddana maskaxdayda aad buu uga dhex guuxayey. Gabadha buugga qortay qoyskeeda oo dhan ayay ku waayaysaa xasuuqan, marka laga reebo hal wiil oo walaalkeed ah, kaasi oo waxbarasho ugu maqnaa dalka Siniigaal.

Sida ay ku badbaaday ayaa ah qiso aad u xanuun badan. Saddex bilood oo dhuumasho ah oo ay ku noolayd musqul guri Baadari leeyahay ayaa bixiso u noqotay. Balse waa saddex bilood oo cadaab nafsaani ah oo aan la suuraysan karin ay soo martay. Waa ayaamo inta ugu badan ay kadalloob ku dhammaysatay. 91 maalmood oo waxay ahayeen aan dhinacna loo nuuxsan karayn, ilayn dhuumasho ayay ku jirtaye. Iyada se waxay u noqotay waqti ay ruuxdeeda dhisto, is hesho oo ay nafteeda la shawrto.  Inta jeer ee xagjirka xasuuqa horboodayay guriga yimaadeen ee baadheen tiro ma lahayn. Maalmaha qaar, dhawr jeer oo baadhis culus ah ayay guriga Baadariga ku galalafi jireen.

Sheekooyinkii buuggaa ayaa maskaxdayda mar walba ku soo maaxanayey. Geedaha waaweyn marka aan arko, waxaan iswaydiinayey, haddii laga hadlin lahaa, waxa ay xog hayaan. Waxa ay dhacdo murugo leh warin lahaayeen. Qof dheer markaan arko- dadka dhaadheerna meesha ku badane, waxaan maskaxiyan u milicsanayey muuqaal maskaxeedkii Emaculee ay noo sawirtay. Waa kooxihii xagjirka ahaa oo ku guda jira waalidii xasuuqa iyo googoyntii dadka. Si aanay uga kala cararin, horta waa inay dadka ay gummaadayaan gaagaabiyaan oo lugaha ka gammuuraan. Dad wada dhantaalan oo cagaha laga qoomay, markoogana sugaya in si arxandarran faash loogu silciyo! Tani waxa ii sii xoojiyey markii la ii sheegay in mulkiilihii huteelka aan deganaa; isaga, xaaskiisa iyo carruurtiisiba xasuuqaa lagu cidhibtiray. Laba hablood oo ay walaalo ahaayeen, midna xasuuqa ka badbaaday, midna markaa dibadda ku maqnayd ayaa hadda meheradda dhaxlay.

Xarunta Xasuusta dhacdooyinkii Xasuuqa, Rwanda

Xasuuqaas iyo raadkii uu ka tegay xarun weyn oo lagu soo bandhigo ayay Kigali ka sameeyeen. Dadkii la gummaaday qaarkood lafahoodii iyo madaxyo qalfoof ah baa meesha yaal. Hubkii xasuuqa loo adeegsaday: rayfal, midi, faash, gudin, waran iyo walxo kale oo la soo ururriyey ayaa tusaale ahaan meesha ugu kaydsan. Sannad walba xus gaar ah ayay u qabtaan. Dunida meelo badan ayaa looga yimaadaa si cashar looga barto. Ujeedadu waa in tii la soo maray aan lagu noqon, dhacdooyinkii shalayna cashar laga barto.

Maanta iyo Ruwaanda

Is cidhibtirkaas iyo waxa ka dhasha, nin ay ku hadhay dhibi haysataaye, iyagu si la yaableh ayay uga soo kabteene, ku soo noqo Ruwaandada maanta. Bilawgiiba, daaqadda diyaaradda markaan ka milicsaday harooyinka sida teelteelka ah isku dabayaalla, waxaan u garaabay culimada sayniska dhulka ee arladaas u bixisay “Gobolka Harooyinka Waaweyn”. Magac been uma baxo.

Madaarka marka aad ka soo degtaba, isha wax u fiirsanaysaa waxaanay seegayn sida tiknoolajiyadda ay uga faa’iidaysteen ee ay nolosha qayb weyn uga tahay. Shaqaale carbisan oo ‘iPad’ wada sita ayaa saf loo galaa. Saddex shay waa inaad tustaa, iyaguna sugnaanshaha saddexdaa walxood aaladda ay sitaan ay ku hubiyaan: 1) inaad ka bedqabto Koofidh-19, 2) caddayn muujinaysa hoteelka aad degayso iyo 3) fayl elektaroonic ah oo xogtaadu ku dhan tahay, ‘Locator’ ayay yidhaahdaane. Sida wadamo badan imika ka jirta, qof kasta oo dalkaa u safrayaa, inta aanu dhoofin, qaab online ah inuu xogtiisa ku gudbiyo ayaa qasab ah. Waxaan iswaydiiyey haddii diyaarado waaweyni mar soo wada degaan, sida rakaabka ay u kala horrayaan, waxase la ii sheegay inay kartidaasi leeyihiin.

Koofidh-19

Talaalka Koofidh, Afrika guud ahaan, dad lagu qiyaasay ilaa 2.6% ayaa la sheegaa in la talaalay. Qaaradda marka hoos loogu sii dego, 14 wadan oo gaadhay bartilmaamedkii ahaa in 10% dadweynaha talaalka la gaadhsiiyo, dalalka xaqiijiyey ayay  Ruwaanda ku jirtaa, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunku. Cabdirisaaq Abaadir oo dalka iiga xog-ogaalsani wuxuu ii sheegay, in dalkaasi qorshaynayo inay talaalka gaadhsiiyaan 60% dadka dalkaas sannadka 2022. Mas’uul dalkaas ah oo shaqo na dhex martay ayaa tan ii sii xaqiijiyey. Wuxuu ku daray haddii gaar loo fiirsho dadka ilaa hadda talaalka hal mar qaatay, in boqolleydu ay gaadheyso ilaa 25%.

Mas’uulkaasi wuxuu iigu daray, tiraba saddex jeer oo dalka bandoo caam ah la geliyey, in dawladdu ay xil iska saartay daboolida quutaldaruurriga dabaqada ugu hooseysa ee bulshada. Ciidamada milateriga ayaa la hawlgaliyey oo raashin ayaa qoys walba guriga loogu geynayey intii uu socday amarka ah inaan qofna guriga ka bixi karin.

Bilicda iyo Nadaafadda

Nabadgelyada magaaladu way sugan tahay. Habeenkii xilliga aad doonto ayaad iska socon kartaa, waloow imika, Koofidh dartii, bandoo kow iyo tobanka habeennimo ahi ay jirto. Kigaali, waddooyinku way wada dhisan yihiin oo calaamdsan yihiin.  Bilic, gacankuhayn iyo daryeel baa ka muuqda.

Kigali; Rwanda

Ta ugu cajabta badan lihi, waa nadaafadda. Way yar tahay amaba dhici mayso wasakh meel taal inay ishaadu qabato. Magaaladdu aad iyo aad bay nadiif u tahay. Aad bay u cagaaran tahay. Bil walba, Sabtida u danbaysa, olole bulsho oo nadaafadeed ayaa jira. Waa ha is caawiso iyo iskaaashi bulsho oo ay u yaqaanaan “Umuganda”. Maaha mid carruurta uun loo diree, madax ilaa mijo waa laga wada qaybgalaa. Bacda inaga meel walba taal ee hadda laguba sheego “Ubaxa magaalooyinka,” sannadkii 2008 ayay mamnuuceen.

Nadaafadda hirgashay, dadaalka dadka iyo dawladda marka laga yimaad, mamnuucidda wasakhdhaliyaha ugu weyn- bacda- ayaa loo aaneeyaa.  Tukaamadda iyo meheradaha aad wax ka iibsataa, warqad ayay wax kuugu duubayaan. Dersiga ugu weyni waa sida ay nadaafadda iyo ololeyaasha bulsho u joogteeyeen. Magaaladda markii ay nadiif ka dhigeen, hadda “Umuganda” waxa loo adeegsadaa in dariiqyada lagu dhiso, dhirna lagu beero. Imika, cabsi laga qabo fiditaanka Koofidh-19 ayaa hakad loo galiyey hawshan.

Dalkii Kunka Buurood

Magacyada dalkan loo yaqaan waxa ka mid ah, “Dalkii kunka buurood”. Kigaali horta waa wada jar, ak, waraq iyo buuro yaryar. Magaaladdu juqraafi ahaan aad bay u kala saraysaa. Waa mar aad dalcad ka baxayso, iyo mar aad nusuul ka soo degayso. Huteel aan u casho tagnay ayaa meel hoose ku yaallay. Markii aan ku daadegnay baan Cabdirisaaq ku idhi, hadhow soo bixida, qofka waliba gaadhi manual ah wata, xirfadiisa dirawalnimona aanay adkayn, inyar haddii la horjoogsado, wuu gacan galayaa! Qosol inta uu u dhacay ayuu iiga warramay rag liisanka dirawalnimada buurahaa lagaga qaaday oo tobanaan jeer dhacay. Waxayse ku fiican yihiin, dadka waxay u beddelaan liisankii dirawalnimo ee dalka uu ka yimid.

Maamulwanaagga

Nidaam maamul oo hoosta ka soo unkama ayaa dalkaasi ka hirgalay. Waxay qaateen oo si dhab ah u hirgaliyeen siyaasad maamuldejin iyo baahin adeegyada dadweynaha ah. Afrika, dadku caasimadaha ayay iskugu soo ururraane, Kigali kaliya waxa ku nool qiyaastii 10% dadweynaha dalka. Marka laga yimaado sababaha Juqraafi iyo dhaqan-dhaqaale, waxaan isleeyahay maamulwanaagga iyo adeegbaahinta ayaa keentay in bulshooyinku deegaamadooda ay ku negaadaan oo aanay daaqsinraacin iyaga oo raadinaya adeegyo bulsho, shaqo iyo nolol.

Waxa la ii sheegay in miisaaniyadda dalkaas qayb weyn oo ka mid ah loo qoondeeyo degmooyinka, waayo halkaas ayaa adeegbixinta looga baahan yahay. Wasaaradaha dawladda iyo dawladaha hoose, ta danbe ayaa qoondada loo badiyaa, isla markaana lagula xisaabtamaa. Waxa la ii sheegay in mayorada magaalooyinku, marka ay diyaariyaan miisaaniyad-sannadeedka iyo qorshe-hawleedka ay madaxweynaha dalkaas, madal furan kula saxiixdaan heshiis waxqabad oo sannadle ah. Mayor walba waxa lagu qiimeeyaa, heshiiskii uu madaxweynaha la galay, isaga oo dadka deegaanka ka akil ah. Waa daahfurnaan iyo islaxisaabtan halkii ugu saraysay.

Sidoo kale, waxa la sheegaa in dalkaasi ka mid yahay meelaha ugu musuqa yar qaaradda. Dunida oo dhan, musuqu meelo badan ayuu galaa, waxase lagu kala tagaa, sida loola dagaalamo wax-is-dabamarinta. Ruwaanda dagaal kulul ayay dhaqankaas ku qaaday.

Soo kabasho degdeg ah

Bulshadaas 91-ka cisho iskaga dishay dadka ku dhaw halka milyan ee qof, tagtadoodii inta ay meel ku hubsadeen ayay ka lib-keenidda taaganta iyo timaaddada gacmaha isku qabsadeen. Heshiis iyo isa saamax bulsho oo beryahaa aadamuhu aanu arag ayay ku dhaqaaqeen oo si xarago leh u hirgaliyeen. Dadkii ka badbaaday xasuuqaasi, hadda marka ay ka warramayaan, riyo xun oo kale oo mar soo martay, ayay ku sifeeyaan. Qirashada, cafiska iyo run iskusheegga heerka u hooseeeya ee bulshada ka soo unkamay, wuxuu suurtagaliyey horumar muddo kooban lagu hanto. Durba dalkoodu waa hormood dhinacyo badan ah.

Dalka ugu nadiifsan qaaradda ayaa lagu sheegaa, musuqa dalalka ugu hooseeya ayaa lagu tiriyaa, caafimaadka dadka caymis baa la galiyey, hawlgab qorshaysan ayaa la dhaqangaliyey, ganacsi in la furto, maalmo kooban ayay kugu qaadanaysaa, talaalkana halka ay ka marayaan, kor baan ku soo xusnay.

Dal aan wax uun laga caban dunida ma jiro. Dalkan waxa su’aallo la iska waydiiya; xorriyada hadalka, xuquuqda aadamaha, dadka la waayayo,  socodka iwm. Gacanbir ah in lagu maamulo ayaa la sheegaa. Ha yeeshee dersiga ugu weyni halka uu ku jiraa halkaas maaha. Halka qunyar ugu fiirsiga iyo dhuuxida mudani waa sida dadka dalkaasi mar hayaanka dunida uga hadheen, si xun u kufeen, qabkooga qoomiga ahina u qoonmay iyo sida aanay u quusan, balse sida kartida leh tartankii horusocodka safka gadaal uga soo qabsadeen, muddo aad u kooban gudaheedna, kaalin hormoodnimo ah u qaateen.

Halkaas ayay cibrada u weyni ku jirtaa. Factabiruu yaa uulul absaar!

Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2021 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.