Shirkii Dhuusamareeb ee wadatashiga arimaha doorashooyinka oo fashilmay

Shirkii Dhuusamareeb ee wadatashiga arimaha doorashooyinka oo fashilmay

Soomaaliya oo galaysa marxalad cusub oo aan horey uga dhicin dalka, taasi oo ah in wakhtigii ka dhamaado madaxweynaha iyo Baarlamaanka muddo xilleedkii iyada oo aanay jirin wax doorasho ah.

Dhuusamareeb (WDN)- Shirkii wadatashiga ee ka socday magaalada Dhuusamareeb oo ay la soo darseen khilaaf iyo ismaandhaaf, ayaa lagu kala kacay iyada oo aan la gaadhin wax heshiis ama is afgarad ah.

Shirkii wadatashiga, Dhuusamareeb

Waxyaalaha ugu waaweynaa ee la isku afgaran waayay  waxaa ka mid ahaa: 1) Arinta Gedo iyo 2) Soomaaliland. Arinta Gedo ayaa aad loogu kala fogaaday, iyada oo Madaxweyne Farmaajo uu ku adkeystay gacan ku heynta gobolka Gedo, iyada oo Axmed Madoobe uu dhinaciisa sheegay in gobolka Gedo maamulkiisa dib loogu soo celiyo Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Beesha caalamka oo cadaaddis saartay in aan shirka lagu kala tegin iyada oo aan wax heshiis ah la gaadhin, ayaa ku guuldaraysatay in is agarad la gaadho oo qorshe heshiis wada ogol ah la isla meel dhigo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay Muqdisho si uu ula hadlo Baarlamaanka, oo uu usheegay in uu warbixin siin doono.

Md. Farmaajo oo ay muddo xileedkiisii uga harsan tahay hal maalin, ayaa uu wakhtigii ku dhaamday iyada oo aan wax heshiis ah laga gaadhin arimaha doorashooyinka.

Soomaaliya  ayaa galaysaa marxalad cusub oo aan horey uga dhicin dalka, taasi oo ah in wakhtigii ka dhamaado madaxweynaha iyo Baarlamaanka muddo xilleedkii, iyada oo aanay jirin ama la gelin wax doorasho ah. Arinkan oo laga yaabo in uu keeno fowdo la soo darista dalka.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.