Dhuusamareeb (WDN)- Shirka wadatashiga arimaha doorashooyinka ee ka socda magaalada Dhuusa mareeb, ayaa ay la soo daristay is afgranwaa ka dhashay xaaladda Gedo, taasi oo u dhaxaysa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Madoobe.

Farmaajo ayaa ku adkeystay gacan ku heynta Gedo, iyada oo Axmed Madoobe uu rabo in gobolka Gedo maamulkiisa dib loogu soo celiyo Dowlad Gobolleedka Jubbaland, islamarkaana ciidamada AMISOM ee loo qorsheeyay in ay sugaan amaanka goobta doorashada aysan qeyb ka noqon ciidamada xuduudda la leh Soomaaliya (frontline states), khaasatan Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu ka soo horjeestay in Dowlad Gobolleedka Jubbaland u madax-banaanaado maamulka Gedo, isaga oo markaasi sheegay in uu Muqdisho dib ugu laabanayo bisha Feb 6-da, si uu warbixin u siiyo Baarlamaanka Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa isna dhinaciisa sheegay in uu qaban doona shir jaraa’id si uu uga waramo guud ahaan xaaladda Gedo iyo fashilka shirka Dhuusamareeb.
Haddaba markii xaaladdaasi cakiran la soo gudboonaatay shirka, oo ay caddaatay in aan wax heshis ah la gaadhi karin, ayaa beesha caalamku soo dhex gashay, iyaga oo cadaaddis ku saaray Madaxweyne Farmaaajo in uu joojiyo safarka iyo shirka Baarlamaanka , islamarkaana uu sii wado wadatashiga. Sidoo kale beesha caalamka ayaa ka cosdsatay Madaxweyne Axmed Madoobe in uu baajiyo warsaxafadeedka islamarkaana qeyb ka ahaado wadahadallada iyo xal u raadinta arinka Gedo.
Haddaba khilaafka hadheeyay shirka Dhuusamareeb ayaa laga yaabaa in uu keeno shirka Dhuusamareeb in uu sii dheeraado oo uu ka dib dhaco muddadii loo qabtay, iyada loo aan la gaadhin heshiis doorasho wada ogol ah. Taasi oo laga yaabo in ay furto waji kale hadii uu dhaafo Feb 7, oo ku beegan wakhtigii la doortay Madaxweyne Farmaajo.
Haddii uu wakhtigu ka dhamaado Madaxweyne Farmaajo inta lagu jiro is jiid-jiidka iyo khilaafka, ayaa furaysa marxalad cusub oo aan horey uga dhicin dalka, lagana yaabo in ay keento fowdo la soo darista dalka.
WardheerNews
Leave a Reply