Muqdishu ( WDN) – Maamulka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Shirkadda duulimaadka Turkiga ee FAVORI ay maanta oo Axad ah ay la wareegetay maamulka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoona kala wareegetay shirkadda SKA oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay maamuleysay garoonka, taas oo xarunteeda ay ku taallo magaalada Dubay ee dalka Isutaga IImaaraadka Carabta
Shirkadaasi SKA ee horey u maamuli jirtay garoonka ayaa gabi ahaanba ka guurtay garoonka. Wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda FAVORI ay maanta oo Axad ah si rasmi ah ula wareegeyso maamulidda garoonka, waxa uuna u mahad ciliyay howshii ay soo qabatay mudadii ay xilka heysay SKA.
Dhanka kale, wasiir Ciilmooge waxa uu sheegay in shaqada garoonku ay ahaan doonto sidii hore, isla markaana aanu iman doonin wax is beddel ah oo lagu samayn doono garoonka.
Shaqa kala wareejinta maamulka garoonka Muqdisho ee Aadan Cadde, ayaa ku timid ansixinta golaha wasiirrada ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, xili ay wali jirraan cabasho ka imaaneyso shirkadii hore ee SKA oo sheegtay in wali aanay u dhamaan Qandaraaskii ay hore ula gashay Soomaaliya. Waxaana maalin ka hor sidoo kale jiray in maxkamada dalka ay sheegtay in ay dib u dhigtay go’aanka ah in ay garoonka la wareegto shirkada FAVORI ee dalka Turkiga ah.
Maxamed Nuur Amiin
wardheerNews
Muqdisho
Leave a Reply