Muqdisho (WDN)- Waxaa maanta garoonka dayaaraddaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxa ka dhacey shil dayaaradeed oo sababey khasaaro xoog leh, kadib markii mid ka mid ah diyaaraddaha shirkadda Jubba Airways ay maanta ku burburtey Garoonka. Dhamaan dadkii rakaabka ee saarnaa diyaaradda ayay suurto gashay in la badbaadiyo.

Dayaaraddan oo siddey rakaab gaaraya 33 ayaa ka timid magaalada Baydhabo, waxaana goobjoogayaal ay tilmaameen in dayaaradda markii ay caga dhiganaysay ay mid ka mid ah baalasha ku dhufsatey dhulka taasi oo sababtey in burburto.
Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey kadib booqasho laba maalin qaadatey oo uu la tagey dalka Jabuuti.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Jabuuti waxa uu kulamo kala duwan uu la qaatey dhigiisa Ismacil Cumar Geelle iyo masuuliyiin xukuumadda Jabuuti ka tirsan, kaasi oo ku aadanaa dib u hagaajinta xiriirka labada dal oo mudooyinkii danbe xumaadey xilligii xukuumaddii Farmaajo.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa ayaa guddoonsiiyey md. Xasan Sheekh billad sharafta ugu sareysa Jabuuti, taasi oo uu ku mutuystey kaalinkiisa ku aadan dib usoo noolaynta xiriirka labada dal iyo sare u qaadistiisa.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho