Sheekh Mukhtaar Roobow oo Muqdisho ku qabtay shir Jaraa’id

Muqdisho ( WDN)-  Waxaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo maalmo ka hor isku dhiibay dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha sarsare ee ururka Al shabaab, ayaa shirkaasi Jaraa’id kaga hadlay arima dhowr ah oo ay ugu horeysay in uu ka baxay ururka Al Shabaab muddo ka badan  5 sanno ka hor. Mukhtaar Roobow ayaa sheegay, inkasta oo aanu faahfaahin in ka bixitaanaka Al Shabaab ay keentay kale gidisnaan dhinaca fikirka ku qotoma.

Waxa uu sidoo kale sheegay mar uu ka hadlayay ka soo laabashadiisii Al Shabaab in aysan ka shaqeyneyn danta shacabka iyo mida wadanka. Waxa uuna ku edeeyay Al Shabaab in ay hareer mareen nidaamkii lagu hishiiyay markii hore.

Waxa uu Abu Mansuur u mahad celiya Beesha Caalamka, Dowladda Federaalka iyo Taliska Sirdoonka Dowlada oo uu ammaan ballaaran u jeediyay.

Goobta uu Shirka Jaraa’id ku qabtay Mukhtaar Roobow ayaa lagu xardhay Calanka Buluugga ah ee Jumhuuriyada DF-ka iyadoona ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Wixii ku soo kordha warar keena danbe kula socdo insha Alaah

Maxamed Nuur Amiin

Wardheernews Muqdisho.