Thursday, May 02, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

SHACABKA SOMALILAND – MAR KALE TALO SEEG HA NOQONINA

Haddii talo cishada loo og yahay, cidina yeelaynin 

Maalintay cidhiidhiga gasho ay, col iyo qaad joogto

Ceeb weeye Xooroow qabiil, soo calaacalaye

                                                     Gabyaa Cismaan Carraale (AUN)

Talo- seeg

Tan iyo 6dii bishii Febrayo 2023 ee dagaalku ka billaabmay magaalada Laascaanood, kaas oo socday 8 bilood ku dhowaad, una dhexeeyey maleeshiyada deegaanka iyo maamulka Hargeysa, Illaa maalintaas waxaan degelka WardheerNews ka akhristay maqaallo badan oo mid weliba gees ka fiiriyey dirirtaas. Maqaalladaas intooda badani waxay farta ku fiiqeen in colaadda Laacaanood salka ku hayso hardan fikrad-siyaasadeed. Waxa maqaalladaas badankoodu tibaaxeen in xalku yahay Hargeysa oo ciidankeeda ka dulqaada magaalada, dib-u-eegisna ku samaysa siyaasadda gooni-isutagga/goosiga ah oo shacabka reer Waqooyi ee walaalaha ah kala irdhaysay. 

Dadkii falanqeeyey dhacdooyinka, qaarkood, waxay tilmaameen inay adag tahay in Somaliland (SL) ku guuleysato dagaalka maadaama aysan Hargeysa damaceeda qasab ku marsiin karin shacab gooni-goosi diidka ah, militari ahaanna suuragal ahayn in xoog lagu hanto dhulka baaxadda ballaaran ee beelaha Harti waqooyi.

Maamulka Hargeysa  marna ma uu garan in aan xoog militari lagu soo xidhi karin xadka ay ku doodaan inay qaranimada Somaliland ku sugan tahay: dhulkii Ex-British Somaliland . Sida uu yidhi faylasuuf Carl Von Clausewitz, “dagaalku ma aha cayaar waqtiga la isku dhaafiyo, mana aha shaqo bilaash loo xiisoodo, waa marin halis ah oo looga golleeyahay yool culus oo culus oo militari iyo siyaasadeed”. Laakin siyaasdda ayaa hagta ciidanka.  Bilow illaa dhammaadkii dagaalka, Somaliland ma lahayn ujeeddo militari iyo mid siyaasadeed oo cad oon aan ka ahayn: i arkaay Gooje-Cadde ayaan weli joogaaye.

MW Muuse Biixi

Md. madaxweyne Biixi marna uma qudh-qudhsamin talooyinkii nasteexada ahaa ee la siinayey. Qof kasta oo talo nasteexo siiya waxay isaga iyo sacabiyeyaashiisu ku asteeyeen  inay yihiin kuwo Somaliland diid ah. Md. Biixi wuxuu dhegaha ka furaystay talooyinkii beesha caalamka, siiba baaqii Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ee horraamihii bishii Juun 2023 oo loogu baaqay inuu ciidankiisa  kala baxo Laascaanood. 

Waxa iyana baaqaas kuwo la mid ah ku taliyey ashkhaas faro-ku-tiris ah oo Somaliland kasoo jeeda oo uu ugu horreeyo siyaasi Jaamac Shabeel oo aan marna ka labo-labayn taladii ahayd in ciidanka la keeno OOG. Waxa isna xusid mudan nin dhalinyaro ah, Cabdifataax Axmed Ileeye, oo bishii Abril 2023 baraha bulshada qabsaday oo si badheedh ah oo sababaysan ku taliyey in md Muusi Biixi ciidanka OOG keeno, haddii sidaa la falana wax xumaanayaa jirin.  Qof kasta oo ku taliya nabad  iyo in ciidanka laga dulqaado Laascaanood, waxa lagu suntay cadowga gudaha. Nasiib-darro, hoggaan dhaqameedka Somaliland, culimada iyo aqoonyahan-kuba way gabeen kaalintoodii run sheegnimo ee loo baahnaa billawgii colaadda.

Malahayga, md. Biixi waxa idho tiray, madax adaygiisa ka sakow, is-bidid xoog ciidan iyo inuu rumaystay mashruuca Somaliland ee 30ka sanno soo socday, kaas oo ku dhisnaa feker khalad ah (fallacy): Somaliland waxay leedahay madax-bannaani abyan oo dhuleed (territorial integrity).  Hargeysa sahal maankeeda uga ma saari karto mashruuceeda ah ina la wada qabsado dhulkii Ex-British Somaliland, waayo waxa ka galay maal-gelin militari iyo mid caadifadeed oo faro-badan. Culimada nafsaanigu waxay fal-dhaqanka noocaas oo kale ah ugu yeedhaan “the sunk cost fallacy” oo macnaheedu ka dhigan yahay in la wado uun qodidda ceel  la ogyahay in aan biyo laga gaadhayn; ama, si kale, kama sabri karo oo mashruuca kharash badan baa iga galay.

Mw Geelle iyo MW Xasan Sheekh

Waxa kale oo iyana talo seegtay m/weynaha Dawladda Federalka Soomaaliya (DFS), Xasan Sheekh Maxamuud,  iyo m/weynaha Jabuuti, Cumar Geelle; oo iyagu khafiifiyey go’aan adag oo urur goboleedka IGAD uu soosaari lahaa; kaas oo fari lahaa Somaliland inay ciidankeeda ka gurato Laascaanood. Ururka IGAD waxay ahayd inay raacaan baaqii Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay. Malaha waxa labada madaxweyne indho-saabtay fekerka ah  labada dhinac (Hargeysa iyo Laacaanood) dhex u noqda. Nasiib darro se waxay dheereeyeen colaaddii iyo daadashada dhiigga shacab Soomaaliyeed oo ay baajin kari lahaayeen.

Waxase m/weyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga taas u dheer inuu aaminsanaa in Laascaanood aanay ka bixin gacanta Somaliland, sida khudbadihiisa ka muuqatay. Mar qudha eray kama soo celin qiilka Somaliland dagaalka ku dallaysato, welina socda, oo ah inay leedahay qarannimo dhuleed oo madax-bannaaan oo ku sargo’an (congruent) dhulkii hore ee Ingiriiska ee  ilaa 26kii June 1960.

Waxa iyana aan  la ilaabi karin fool-xumadii ka dhacday Baarlamanka Federalka Soomaaliya oo reero ugu kala jabay dagaalka Laascaanood. Waxa ku filnayd keliya iyagoo taageera baaqii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. Waxaa ka sii daran wax loogu yeedhay “Irir “ oo laga soo abaabulay Xamar, Hargeysana soo dhowaysay.

Isku soo wada duuboo waxay runtu sida dharaarta u caddaatay Jimcihii 25kii Ogost 2023, maalin taaiirkhi ah oo dawan dananaya u dirtay Hargeysa, Xamar iyo Jabuuti. Dawanku wuxu siday dhambaal ah: iraadada shacabka in aan la dedi karin, lana cabudhin karin. Talow, muxuu Xasan Sheekh hadda odhan?

Baaqii nabadeed ee garaadada ee 25/08/2023 – waa in la ajiibaa

Bishii Febraayo 2023, garaadada Dhulbahante way caddeeyeen hadafkooda nabadeed: Hargeysa ciidankeeda ha naga dulqaado, dabeetana aan wada hadalno. Isla 25kii Agosto 2023, maalintii 1aad ee ay libta dagaal hanteenna, waxay caddeeyeen  inaysan dhaafayn deegaanadooda; isla markaana u diyaar yihiin wadahadal nabadeed, ganacsi, deris wanaag iyo walaaltinimo. Garaadadu waxay istaageen dhalada sare ee buurta samaha iyo wanaagga (the moral high ground).

Hase yeeshee, dhinaca kale, maamulka Hargeysa, ilaa hadda ma ay sheegan hadaf siyaasadeed oo la xaqiijin karo. Xadka ayaa la soo xidhayaa waa hadaf militari oo aan suuragal ahayn, waana colaad hor leh oo cusub.  Md. Biixi hadduu intaa garan la’ yahay ilaa hadda, aaway shacabkii Somaliland ee sheekh iyo shariif ba lahaa ee karaamadooda iyo magacooda dhulka la jiid-jiidayo maalin kasta? Ha ka hadlaan, iyagoo koox-kooox ah, joojinta garaacidda durbaanka dagaalka iyo buufinta buunka dhiilada ee Hargeysa ka soo yeedhaya. Waar ha loogu tago garaadada figta sare ee buurta samaha. Dagaal MAYA oo MAYA. Maya magacayga. Ilaah ma jecla gardaroolayaasha.

Gebo-gabo

Sida laga fahmi karo tuducyada gabay ee maqaalku ku billaabmay: talo waa maalintay joogto; haddaad seegto maalintaas, ka dabo tag ma leh. Shacabka Somalilandoow, mar kale talo seeg ha noqonina. Wanaagga iyo samaha ayaa cid walba deeqa ee ha la ajiibo baaqa nabadeed ee garaadada.

Wa billaahi towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed 

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.