Friday, May 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

HA LOOGU DUCEEYO BIIXI IN ILAAH GARANSIIYO FURAHA NABADDA

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

MW. Muuse Biixi Cabdi

Bishan Juun 18 keedii 2023dii waxa ciidan cusub oo dhibboo ka baxay, Madaxweyne Muuse Biixi u diray dagaalka Laascaanood. Taliyaha ciiddamada Somliland Jeneral Nuux Taani isna wuxuu ka sheegay fagaarihii sagootinta in ciiddamada Somaliland ilaa hadda xarrago dagaalamayeen.

Talow, waa maxay xarragada ku jirtay dagaal ay boqollaal qof ku naf waayeen, in kaloo baddana ku dhaawacmeen islamarkaana sababay barakaca boqolaal kun? Waxa uu ku faanayo taliyuhu waa dhiig dad Soomaaliyeed oo horleh ayaan daadinayaa ma aha.

Bishii May 2023kii Md Biixi isagoo la hadlaya baarlamanka Somaliland wuxu ku goodiyey inuu isagu gacanta ku hayo furaha dagaalka. Waxay u eg-tahay inuu hadda furihii dagaalka u sii dhiibay ciidankan cusub.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka Laacaanood waa siyaasad. Siyaasaddaas waxa hagaya su’aasha ah: sidee ugu dhakhso badan oo nabad loogu soo dabbaalaa Laascaanood si naf iyo maal ba loo badbaadiyo?

Tiro kasta oo ciidan iyo laxaaad hub oo kasta oo loo adeegsado Laascaanood maxsuulka laga dhitaystaa waa saddex mid uun.

  1. Waa labada dhinac oo is-af-garasho nabadeed dhexmarto, taasoo guul u ah labada dhinac ba. Laakiin md. Biixi iyo Taliye Taani, marka la eego tiraabahooda, uma eka kuwo u socda taas. Waxa indho-tiray, malihii, fahamkooda ah Somaliland dibedda ayaa lagaga soo duulay.

2. Waa hal dhinac oo dagaalka midkood ku adkaado. Haddiii SSC ku adkaato dagaalka, oo ah fursad aad yar, waxay Laascaanood ku biiri Puntland ama waxay noqon gobol toos u hoos taga dawladda federalka Soomaaliya. Laakiin haddii Hargeysa ku adkaato dagaalka, oo iyana ah fursad yar, ma muuqato suuragalnimada inay maamul shaqeeya ka hirgelin karaan deegaanada SSC; dagaalkuna wuxu isu beddeli doonaa dhuumaalaysi, ku dhufoo oo ka dhaqaaq iyo dirir beelaha ka dhex aloosanta. Taasina waxay ku noqon maamulka Hargeysa dhiig-bax joogta ah.

3. Maxsuulka saddexaad waa iyada oo la isla daalo oo labada dhinac midkoodna dagaalka wadi kari waayo; is-af-garasho iyo heshiis na cirka isku shareero. Taasna waxa laga gurtaaba waa maamulka Somaliland oo dhiig baxa iyo garaadada Dhulbahante oo kala biiq-biiqa. 

Laakiin waxaas oo dhan waxa ka akida marna Dhulbahante maamulka Somaliland ma aqbalayaan. Hargeysa-na iraadadeeda kuma qasbi karto quluubta shacabka SSC. Xaasha. Ha u fadhiyin taas.

Talo waa md. Biixi oo furaha dagaalka jar dheer ka xoora. Ha loogu duceeyo Biixi in Ilaah dhakhso u garanasiiyo furaha nabadda: inuu ciidamadiisa geeyo OOG, halkaas-na ka ambo-qaado heshiis nabadeed. Muddo ayey qaadan, way se hagaagi, Insha Allahu.

Qofkii xal kale hayoow Al-miidaan waasic;  soo bandhig, fadlan.

Wa Billaahi towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected] 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.