
Jigjiga, Afur wadareedkii caawa lagu qabtay magaalada Jigjiga ka dib ayay shacabka magaaladu socod ku mareen dariiqyada iyagoo muujinaya sida ay uga xunyihiin dilkii iyo tacadigii loogu geystay deeganka Amxaarada siiba magaalada Gondar muslimiinta ku dhaqan halkaas iyo masaajiddadii la gubay.
Dibidbaxyaasha oo ka koobnaa bulshada qaybaheeda kala duwan ayna ka muuqatay cadho, ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid ahaayeen Alahu Akbar intii ay socodka ku jireen.
Ciidanka nabadgelyada ayaa la sheegayaa in ay rasaas ku rideen dadkii mudaharaadayay si ay u kala didiyaan inkastoo aan la soo sheegin cid rasaastaasi ay waxyeelo ka soo gaadhay.

Horjoogaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo isagu ku caanbaxay intii xilka loo dhiibay Amxaaro jacayl ayaa la sheegaya in uu werwer ka muujiyay ammaanka dadka Amxaarada ee deegaanka ku dhaqan iyo kiniisadadhooda isagoo u ballanqaaday waddaada kiristaanka in uu sii xoojin doono ammaanka meelaha ay wax ku caabudaan.
Iyadoo hadda Itoobiya ay ku sugantahay xaalad deggananshiiyo la’aan ah, meelo badanna ay ka aloosanyihiin dagaalo qawmiyadeed ayaa deegaanka Soomaalidu noqday meel ay qawmiyadda amxaaradu ku naalooto xuquuq xataa aanay haysanin Soomaalida deegaanka u dhalatay.
Qawmiyadda Amxaarada oo iyadu muddo dheer ka arrimin jirtay dalka Itoobiya ayaa xilligan xusul-duub ugu jirta sidii meesha looga saari lahaa nidaamka federaalka qawmiyadaha ku dhisan loona soo celin lahaa nidaamkii Itoobiya halka meel looga talin jiray iyadoo fikirkaas laftiisa uu qabo horjooge Cagjar.
WardheerNews, Jigjiga