Ku xigeenada guddoomiyaha golaha shacabka oo la doortey

Muqdisho, Doorashada guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ku guulaysatey Xildhibaanad Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo heshay codod gaaraya 137 hallkaka musharixii la tartamayey  oo ahaa xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana Nuug uu ka helay 107 cod.

Xildhibaanad Saciyo Yaasiin ayaa noqonaysa haweenaydii ugu horeysay ee noqota guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Cabdullahi Cumar Abshir (Abshirow) oo helay 146 cod ayaa ku guuleystey xilka guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Soomaaliya kadib loolan dheer uu la galay xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo helay 90 cod  horena xilkaan u hayey.

Doorashada guddoonka golaha shacabka ayaa sidaan kusoo idlaatey ayadoo xalay xildhibaanadu u doorteen Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Cumar Aden

Wardheernews, Muqdisho