Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Sanaag: Dhismaha waddo ay baabuurtu isticmaalaan oo kobac dhaqaale u horseedday ganacsato danyar ah

by Jibril Osman

Kaydka Ergo/ Mid ka mid ah ganacsatada danyarta ah oo dhex-taagan dukaankeeda/ Ergo

(ERGO) – Axmed Maxamuud Barre oo ah aabbaha qoys 14 qof ah ayaa markii ugu horraysay ku guulaystay in afar ka ka mid ah carruurtiisa uu ku daro dugsiga hoose dabayaaqadii sanadkii hore. Waxaa u sahashay in uu faa’iido wax ku ool ah ka helay dukaan uu ku iibiyo bagaashka iyo raashinka oo uu ku leeyahay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Waddo jeey ah oo isku xiraysa degmada Dhahar iyo tuulooyinka Xingalool iyo Sheerbi ayaa u suuragalisay in  uu helo macaamiil badan oo uga yimaada miyiga, kuwaas oo horay u la’aa waddo ay soo maraan. Wuxuu maalintii ka helaa ganacsigiisa lacag u dhexeeysa $10 ilaa  $13 oo faa’iido ah. Wuxuu sheegay in dhaqaalaha soo gala ay qoyskiisu uga baxeen nolol-xumo ay wajahayeen.

“Reerkayga waddadan nolol ahaan aad iyo aad ayay wax uga beddeshay, sababtoo ah wax badan oo muhiin ah oo ah isku socodkii magaalada iyo miyiga ayay fududaysay oo ganacsigii wax kasta si sahal ah ayay noogu imanayaan.”

Qoyska Axmed ayaa deggan yihiin deegaanka Baraagaha-qol oo Dhahar u jirta 16 km. Wuxuu carruurta wax u barta keenay magaalada isaga oo dulsaar ugu dhigay reero ay qaraabo yihiin oo deggan Dhahar. Wuxuu ka bixiyaa lacag isku gayn dhan $48.

Ninkan in uu carruurtiisa waxbarasho u helay waxaa u dheer in ay qoyska intiisa kale uu awood u yeeshay in uu gaarsiiyo raashin iyo biyo ku filan, maaddaama uu helay waddo uu wax u marsiiyo.

Wuxuu ka baaqsaday lacagtii uga  bixi jirtay gawaarida deegaankiisa rarka geeya oo halkii kiish oo raashin ah ku qaadi jiray lacag gaaraysa $6, taas oo ku adkeed in uu dhiibo.

Xilliyada roobaku ay da’ayadaan ayuu xusay in ay ugu darneed oo ay go’i jirtay waddada. Wuxuu timaamay in bilooyinka ay waddadu dhisan tahay in ay waxbadan ka beddeshay isku socodka deegaanka.

“Magaaladu yacni si yar oo fudud baa looga imaanaya miyi iyo magaalaba. Waddada tan fududeen ayay u tahay. Faa’iido badan ayaan ku qabnaa boqolkii boqol.”

Axmed wuxuu sheeegay in intaan la dhisin waddadan uu qorshaynayay in uu iska xiro dukaanka, maaddaama ay yaraayeen macaamiisha waxka iinsan jiray. Wuxuu u sababeeyay in dadka reer miyiga ah aysan imaan karin.

Badeecada uu keeno ayuu sheegay in ay tukaankiisa ka baari jireen oo aan laga iibsan jirin. Wuxuu inka bixin la’aa kirada guriga uu ku ganacsanayay oo ahayd $0 bishii $xx.

Koboca uu sameeyeya ganacsigiisa awgeed wuxuu hadda naawilayaa in uu iska gudo dayn dhan $1,200  oo reerkiisa lagu yeeshay sanadihii la soo dhaafay ee ay isku biirsadeen suuq yaridii iyo abaarihii soo maray dalka.

Xoolo-dhaqatada hadda macaamiisha u ah ayaa qudhoodu helay fursad ay magaaladu ugu xirmi karaan. Waxay ka bexeen dhibaato ay kala kulmi jireen in ay magaalooyinka gaaraan. Waxaa ku adkeed in ay soo dhaafaan dhulka oo ah howd ay adagtahay in la maro waddo la’aan.

Xuseen Cabdi Ciise oo labo tiro ari ah ku dhaqanaya deegaanka Sheerbiya wuxuu ka mid yahay dadka ka faa’iidaysanaya waddada cusub. Wuxuu u sahashay in uu suuq geeyo 10 neef oo ka mid ah arigiisa isaga oo isticmaalaya tariiqan.

Shan boqol iyo todobaatan dollar oo uu ka helay xoolahaas ayuu hadda ku maaraynayaa nolosha labo qoys oo kuwiisa ah oo ka kooban 18 qof.

Wuxuu sheegay in ay ka bexeen culays ay ku qabeen in ay xoolahooda u iib-geeyaan magaalooyinka Qardho, Boosaaso iyo Garoowe, taas qaadan jirtay  wax ka badan labo maalin.

‘Isku socodku aad ayuu u sahlanaaday xataa abaarihii iyo geediyaashii iyo markii la guuraayo cid kasta waxay yiraahdeen wadada jeeyga waxay noqotay wax lagu xisaabtamo. ‘’

Xuseen si uu uga faa’iidaysto isku socodka waddada iyo sara u kaca ganacsiga, wuxuu billaabay in uu gaadlaynta xoolaha uu uga shaqaysto sayladda tuuladiisa. Wuxuu maalintii kala iibiyaa xoolo gaaraya 10 ilaa 15neef oo ari ah. Halkii neef wuxuu ka helaa faa’iido dhan $1.

Dhaqalaha soo gala wuxuu u kala qaybiyaa maaraynta nololsha qoysaskiisa iyo in uu wax ku baro siddeed ka mid ah carruurtiisa. Waxay bartaan Af-Soomaaliga Xisaabta iyo luuqadda Carabiga. Wuxuu ka dhiibaa bil kasta $12.

Marka laga soo tago in waddadaan ay sara u qaadday ganacsiga deegaano badan oo dhaca gobolka haddana waxaa dadkan oo intooda badan ah reer guuraa uga bexeen dhibaato ay kala kulmi jireen waddo la’aanta markay dadku ka naxuunsadaan.

Dadka nugul ee u baahan caafimaadka degdegga ah sida haweenka uurka leh ayuu sheegay in ay ku dhib qabeen in ay gaadiid u helaan oo ay ku qaadan jirtay qaxti dheer, balse ay hadda meesha ka baxday.

“Qofkii xanuunsan ama hooyada umulaysa ee aadaysa MCH-da ama isbitaal qaliimada ee Qardho iyo Dhahar loo qaadayay, wadadaas baa aminkaba la qaadayaa, si sahlan baa hooyadii loo gaarsiinayaa oo loo kala badbaadinayaa iyada iyo ilmaha.”

Waddadan ayaa qeyb ka ahayd  mashruuca u adkaysiga abaaraha iyo hab-nololeedka waara ee oo uu maalgelinayo bangiga horumarinta Afrika oo ay hirgelisay hay’adda Save the Children ee Soomaaliya.

Daahir Cabdi Maxamed oo ah madaxa mashruuca ayaa sheegay in ujeedka laga lahaa uu ahaa in xoolo-dhaqatadan ay helaan waddo ay u soo maraan sahayda ay u baahan yihiin, balse laga helay faa’iido dhaafsan oo ah in ay xitaa wax wayn ka beddeshay ganacsiga gobolka.

”Dariiqaan markii hore waxaa loogu talagalay meel xooluhu maraan, marka maadaama aan dadka Soomaali ah aan nahay baahidii bulshadana aragnay, masuuliyiintii dawlada waxaan isla garanay inaan jidkii balaarino, marka runtii waxa uu ku yimi wada-tashi iyo wada-shaqayn aad u wanaagsan, mashruucaan qayb waxa uu ka yahay Soomaaliya oo dhan in la helo dariiq ay markii ay abaaruhu ay dhacaan biyo dhaamiska, xoolaha, baadka iyo miraha beeraha in la iib-gayn karo.”

Daahir wuxuu sheegay in waddadaan ay laga helay faa’iidadii ay qiyaasayeen mid dhaafsan. Wuxuu xusay in ay qorshaynayaan in ay sii wadaan barnaamijyada nuucaan ah maaddaama ay muujisay waxtar muuqda.

Dadka deggan deegaanada ay marto wadadan ayaa haddadaan kaga maarmi doona dhamaan dhibaatooyinkii ay ku qabeen waddo la’’aanta. Xiliyada abaaraha ah ayay ku adkaan jirtay deegaanada miyiga ah in xitaa biyo la gaarsiiyo walow ay hadda meesha ka baxday.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.