Friday, May 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Salka Nabadda Gobollada Waqooyi Waa Soo Dhoweynta Go’aaanka Garaadada SSC

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Caddayn – akhriste, gobollada waqooyi ee dalka wuxu maqaalku uga jeedaa 3da maamul deegaan ee Somaliland, SSC-Khaatumo iyo Puntland (juqraafi ahaan/physical geography).

Go’aanka garaadada SSC-Khaatumo soo saareen 23.12.2023 wuxu daba socdaa baaqii hore garaadadu ugu dhawaaqeen 6dii Febraayo 2023, kaas oo ahaa sababta holcisay dhimbiishii dagaal ee isla maalintaas ka billaabantay Laascaanood.

Qodobka 4aad ee go’aankaas ayey ku caddeeyeen rabitaankooda ah inay toos u hoos tagaan Dawladda Federalka Soomaaliya (DFS), isla markaana waafaqsan dastuurka DFS.

Haddaba, runtii go’aanka garaadadu wuxuu dhaawacayaa seeska dastuurka Puntland (PL) uu ku taagan yahay, kaas oo ah mid ku salayasan, guud ahaan, deegaamada beelaha Harti iyadoo islamarkaana ay beelaha dhulbahante qayb ka ahaayeen beelihii ku midoobay ee wada dhistay maamulka Puntland. Sidaa darteed, haddii la aqbalo go’aankaas dastuurka Puntland wuxuu u baahan doonaa kabid iyo daaweyn siyaasadeed; taasoo qaadan karta muddo.

Waxa kale oo uu go’aanka garaadada ee 23.12.2023 dhaawac la mid ah ka Puntland u geysanayaa dastuurka Somaliland; kaas oo isna u baahan doona dib-u-eegid iyo heshiis cusub oo bulsho. Maqaal hore ayaan arrintaas kaga hadlay.

Waxa intaas dheer inuu go’aanka garaadada saamayn ku leeyahay xildhibaannada Dhulbahante ee ka tirsan baarlamanka DFS oo hadda kuraastooda ku metela Puntland. Haseyeeshee waa mowduuc ka baxasm maqaalkan.

Milicsi guud: Illaa markii la asaasay maamulka Puntland sannadkii 1998kii, labada maamul ee Somaliland iyo Puntland waxay ahaayeen labo shumac oo iftiimayaa oo Soomaali oo dhamina ku soo hirato. Haddana, 25 sanno, waxay labada maamul isku ahaayeen khatar, midba kan kale jiritaankiisa (existential threat).

Haddaba, imika iyo dan, go’aankaa garaadada ka dib, dhawr waddo/xulasho (options) ayaa Garoowe u furan:

1. Inay ganafka ku dhuftaan go’aannadii garaadada ee 23.12.2023; oo ay istaagaan mowqifka ah: SSC-Khaatumo waa qayb ka mid ah Puntland oo aan sinnaba uga qaarmi karin abyanka dhuleed/dastuuriga ah ee Puntland. Dabeetana sidaas ku aamusaan, kana ficil qaadan siyaasad ahaan, habayaraatee; taageeradoodiina halkii ka sii wadaan.

Kolay la waayi maayo 17 qof oo magaca Dhulbahante sita oo buuxiya boosaska barlamaanka. Sidaas samir ku qaataan oo ka dhur-sugaan labada sanno ee ku meel-gaadhka ah ee DFS siisay SSC-Khaatumo. Su’aashu se waxay noqon: Puntland maxay yeeli marka arrinka la hor keeno DFS, hadday xulashadan doortaan (diidmo wadata tudhaale walaal)? Waqtigaa sheegi.

2. Haddii se ay ganafka ku dhuftaan, kana ficil qaataan go’aanka garaadada, taageeradii dhimaan, olole ku lid ahna ka bilaabaan Xamar, Md Muuse Biixina duulaan aargoosi ah soo qaado, xaalku waa Alloow sahal amuuraha. Hawl baa markaa Laascaanood u taal. Waa colaad hor leh oo ka bilaabanta waqooyiga dalka. Ilaah baan ka magan galnay.

3. In la yeelo sida uu ku taliyey Guddoomiye ku Xigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland: in 17ka xildhibaan ee Dhulbahante ee hadda ku jira baarlamanka Puntland sii joogaan inta xal sharci iyo is-af-garad siyaasadeed la helayo. Laakiin khatarteeda ayuu leeyahay haddaan is-af-garadkaas si dhakhso ah loo helin.

4. Inay aqbalaan go’aanka garaadada, bilaa shuruud; taasoo noqonaysa in dib loo eego: dastuurka Puntland, sidoo kalena kaalinta ay ku lahayd Dawladda Federalka Soomaaliya, siyaasiyan, isla markaana ku garab galaan sidii ay DFS ugu aqoonsan lahayd SSC-Khaatumo maamul goboleed buuxa.

Haddaba xulashooyinkaas kore mid waliba wuxu leeyahay cawaaqibkiisa. Waxa ugu fiican xulashada lagu heli karo xal dhakhso oo waara (waayo xaaladda ayaan looga maarmi karin), raaligelinaya iraadada iyo midnimada shacabka SSC-Khaatumo, nabadda iyo xasiloonida siyaasadeed ee gobolllada waqooyi ee dalka, kala badbaadin kara isku-dhacyada 3da maamul ee ka jira waqooyiga dalka iyo ilaalinta midnimada qarannimo ee Jamahuuriyaddii Soomaaliyeed ee dhalatay 1dii Luuliyo 1960.

Marka lagu fiiriyo xulashooyinka kor lagu taxay muraayadda/okiyaalaha miqyaasyada kore waxa ugu habboon qaadashada xulasho lambar 3 iyo lambar 4. Kala doorashada labadan xulasho waxay gacanta ugu jirtaa maamulka Garoowe iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni. Runtii samuhu wuxu ku jiraa inay Puntland qabkeeda liqdo, ixtiraamaan iraadada walaalaha Laascaanood, Hargeysana cutub cusub la furtaan, kana qayb qaataan nabadaynta, is-dhaafsashada maxaabiista iyo isku furista ganacsiga. Xagga Hargeysana, Ilaah samaha ha garansiiyo md. madaxweyne Muuse Biixi.

Aniga se waxa ila sii habboon qaadashada xulasho lambar 4 oo xoojinaya midnimada dalka, isla markaana baajin kara aarsashada Md Muuse Biixi u qalab-qaatay; ku darsoo fursad wacanna siinaya nabadaynta shacabka waqooyi, meeshana ka saaraya marmarsiiyo DFS ku hor-istaagto aqoonsi buuxda oo la siiyo SSC-Khaatumo. DFS waa inay mar walba ka raacdo uun waxa la isku raacsan yahay, kor-u-dhigidda nabadda iyo u adeegga midnimada dadka iyo dalka.

Waxase maqaalku ka digayaa inaysan Xamar hadda dhegaysan Hargeysa, kana qayb noqon aayaha SSC-Khaatumo, illaa uu md. Biixi nabad ku baaqo/qaato, kana noqdo gooni-goosiga. Md Biixi wuxu abaabulayaa ciidamo beeleedyo uu u bixiyey “difaaca madaniga ah”; ujeedadiisuna waxay tahay aarsi keliya, taasoo waxa laga dhitaystaaba noqonayaan: dagaallo riiq dheeraada oo dhexmara beelaha walaalaha ah, labada maamul ee Puntland iyo Somaliland oo isla bakhtiya iyo maamulka yagleesha ah ee SSC-Khaatumo oo curdin-dhadha.

Madaxweynaha DFS – Xasan Sheekh Maxamuud – keliya ayaa baajin kara mashadaqada Md Biixi. M/weyne Xasan, waa inuu aqoonsado maamulka SSC-Khaatumo, isagoo la tashanaya Garoowe, kala badbaadinayana inta aysan isku dul-dhiman maamullad gobollada waqooyi ee dalku.

Somaaliyeey, ha la soo dhoweeeyo go’aanka garaadada, madaxda dalkuna ha aqblaan iraadada shacabka SSC-Khaatumo. Yaan lagu gabban sharciyad/dastuur. Siyaasadda iyo maslaxadda ayaa hagta sharciga iyo dastuurka. Waxaan la horayn horaa loo yeelaa.

Waxaan Ilaah ka baryayaa inuu sannadk 2024 ka yeelo sannadkii billawga nabad abida ah oo ka curata waqooyiga dalka.

Wa billaahi towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.