Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

SALAFIYA/WAHAABIYA: HALISTA UGU WEYN EE MUSLIMIINTA

W.Q: Cabdiraxmaan Cilmi Xaashi

Qaraxii Sobe

Wahaabiyada ama Salafiyada, siday jecelyihiin in loogu yeero, waa xarakada ama mad-habta ugu halista badan taariikhda muslimiinta, sidaan aniga iyo dad badani oo kale qabno. Xiriir toos ah ayaa ka dhexeeya faafidda salafiyada iyo burburka dalka ay ku faafto. Dagaal siyaasadeed oo shaar diineed loo geliyey, dagaal diineed oo aan dhammaad lahayn, necayb, gaalaysiin, dibudhac bulsho iyo diinta oo laga baxo ayaa haraynaya bulshada salafiyadu ku habsato. Kontonkii sano ee u dambeeyey waxay salafiyadu noqotay koox diineedka ama fikirka ugu firfircoon dunida muslimka sunniga ah, suufiyada mooyee cid hor istaagtana ma jirto. Maantana waan aragnaa inta dab ay  shideen iyo burburka ay ka geysteen dalalka ay ku faafeen.

Salafiyadu wax badan bay la wadaagaan mad-habadaha sunniga, siiba Xanbaliyada oo ay fiqiga iyo caqiidada ka qaataan.Waxay kale oo dadka ku khayaamaan ayagoo sheegta in ay mad-habta dalka laga haysto raacaan si aan looga didin. Waxay kaloo dadka ku siraan muuqaalkooda diineed sida qamiis, cimaamad, gar weyn, surweel kor loo qaaday iyo indhashareer. Dalalka aan carabta ahayn kuwa joogaa waxay magacooda raaciyaan “abuu” iyo “umm”, sida Abuu Axmed ama Umm Axmed, waana baaq ay isku gartaan. Halistu maaha muuqaalladaas ama mad-habta Xanbaliyada, waase waxa u goonida ah oo keenay inay magac u gaar ah yeeshaan.

Waxyaabaha u goonida ah waxaa ugu halis badan gaalaysiinta cid kasta oo aan iyaga ka mid noqon ama durta falalkooda iyo raadinta waxa ay ugu yeeraan “dawlad islaami ah”. Tan hore,waxay ku andacoodaan inay iyagu raacaan kitaabka iyo sunnaha, cidda aan iyaga raacinna ay diiddan yihiin kitaabka iyo sunnaha, taasoo gaalnimo ah. Muslimiinta qolo kastaa si bay u fahantay kitaabka iyo sunnaha, waana tan keentay in la kala duwanaado. Waxay si aan habboonayn u daliishadaan aayadda 59 ee suuradda Alnisaa oo faraysa in wixii la isku khilaafo loo celiyo Alle iyo Rasuulka. Aayaddu ka hadli mayso dad isku khilaafay sida loo fahmayo Quraanka iyo sunnada qudhooda. In dadku si kala duwan u fahmo nusuusta diinta, qolo kastana ayadu isla saxan tahay waa wax dabiici ah.Imaam Alshaafici hadal wax ku ool ah ayaa laga dhaxlay oo nuxurkiisu yahay in qof kastaa asagu isla saxan yahay, laakiin ay dhici karto inuu khaldan yahay. Salafiyadu inay isla qummanaadaan ma xuma, laakiin markay ku adkaystaan in keligood saxan yihiin dadka kalena gaaloobayaan hadday iyaga khilaafaan waa foolxumo iyo gardarro. Isla weynidaas waxay gaarsiisay inay isu arkaan inay joogaan meeshii nebiga(NNKA) iyo saxaabada, dadka ka duwanina meeshii gaaladii Quraysh.

Waxay bannaysanayaan dhiigga dadka khilaafsan oo loo adeegsanayo awoodda dawladda hadday talada haystaan, haddii kalena sidii maafiyada  lagu tooganayo suuqa dhexdiisa. Waana sababta Shabaab iyo ururrada kale ee Salafiyadu u xasuuqayaan dadka muslimiinta ah. Waxay ku xukumayaan inay dadkaasi riddoobeen, dhiiggooduna bannaan yahay. Haddii dadku is khilaafo waxaa kala saara qolo dhexdhexaad ah, laakiin Salafiyadu ayagoo doodda qayb ka ah ayey haddana garsoore iska dhigayaan oo dil ku xukumayaan cidda diiddan ama khilaafsan. Alle isagaa ku keliyeystey inuu dadka aakhiro ku kala saaro, ciddii sheegata inay ayadu garsoore tahayna ilaahnimo ayey sheegteen.

Kala saaridda dadka diinta isku haya waxaa iska leh cid B) loo ogyahay aqoon buuxda oo labada qolo ee is-haysaa ku kalsoon yihiin T) dhexdhexaad ah oo aan lagu xaglinayn qolo gaar ah J) cid aan laga hor imaan karin go’aankeeda. Shuruudahaas waxaa buuxin kara Alle, waana sababta uu ugu keliyeystey kala saarista dadka iskhilaafsan. Tiro male inta aayadood oo Quraanka Kariimka ah oo arrintaas caddaynaya.

Halista labaad ee Salafiyadu waa u dagaallanka waxay ugu yeeraan dawlad “islaami”ah. Taasi waa khayaano cad oo ay ku doonayaan inay awoodda faraha ku dhigaan. Sideedaba dawlad iyo islaam isma qabsadaan. Dawladdu waa cidda haysa awoodda siyaasadeed ee dal, dawlad islaami ahna waxaa looga jeedaa dawlad Alle xilka u dhiibay. Dawladda Alle xilka u dhiibay waxay dabcan leedahay awood ballaaran, mucaaradna laguma noqon karo. Salafiyadu waxay  dawladda “islaami” u aqoonsan yihiin marka ayagu talada hayaan. Isku lifaaqa “dawlad” iyo “islaam” waa khayaano loogu talogalay in dadka muslimiinta looga dhaadhiciyo inay taageeraan xukun raadinta Salafiyada.

Waxay dadka ugu sheekeeyaan in dastuurka keliya ee la oggolyahay yahay Quraanka, taasna waa inay meesha ka saaraan la xisaabtan hadday talada qabsadaan, marka ay u dagaallamayaan xukunkana ku doodaan inay u dagaallamayaan in dastuurka Alle la raaco. Dad badan oo muslimiin ah oo khayr doon ah ayaa lagu duufsaday shirqoolkaas. Alle wuxuu na faray in dadka taladu ka dhexayso wada tashadaan(Alshuuraa), dastuurkuna waa waxa lagu heshiiyo wadatashigaas. Dawladda Salafiyadu rabto waa mid u eg boqortooyooyinkii Umawiyiinta iyo Cabbaasiyiinta oo hal nin  wuxuu doono sameyn jiray, hantidana keligii iska lahaa. Waana u jeeddada magaca Salafi. Waxay rabaan inay taariikhda gadaal u celiyaan, taasoo khilaafsan sunnada Alle dunida u dejiyey oo ah in bulshooyinku horay u socdaan, maalin kastana wax cusub kororsadaan.

Salafiyadu ku guulaysan mayaan waxa ay rabaan, waxayse ku guulaysanayaan in dalka ay ku xoogaystaan laga qaxo ama silic iyo baqdin joogto ah loogu noolaado. Diintii Alle naxariista ahayd waxay u beddeleen mid laga dhaxlo dagaal, burbur, saboolnimo iyo dib u dhac. Taas ayaa keentay in maanta dadka adduunka qaxootiga ka ah ay intooda badani muslimiin yihiin, dalalkoodana uga soo carareen dagaallada Salafiyada.

Waxyaabaha kale ee Salafiyadu caanka ku tahay waxaa ka mid ah la dagaallanka aqoonta dabiicadda iyo waxbarashada oo qaarkood sida Boko Xaraam xaaraantimeeyaan, intooda badanise yasayaan oo dhallinyarada ku guubaabinayaan inaysan waqtigooda isaga dhumin adduunyo. Ujeeddadu waa inay helaan bulsho la duufsan karo oo wixii la doono si fudud loo gelin karo. Aqoontu waa iftiin, dadka aqoonta lehna wax kasta lagama dhaadhicin karo. Midda kale wax horumar ah lagama yaabo inuu ka hirgalo dal aan aqooni ka jirin, maantana dunida waxaa lagu kala hormaray waa aqoonta. Dalka Salafiyadu ku xoogaysato laga heli maayo aqoonyahanno, intii horay u joogteyna way ka qaxayaan haddaan ka hor la dilin.

Sidoo kale waxay aad ula dagaallamaan isticmaalka caqliga. Waxay meel kasta la taagan yihiin inaan diinta iyo caqligu wada socon karin, adeegsiga caqliguna gaalnimo horseedayo. Waxay ardadooda baraan hadal oranaya; haddii diintu caqli tahay, khufka hoos baa la masixi lahaa. Immisa aayadood oo Quraan ah ayaa dadka ku boorinaya inay fekeraan oo caqli isticmaalaan. Caqligu waa iftiin, Allena diinta wuxuu usoo dejiyey noole caqli leh. Waxaana laga sheegay nin indheergarad ah; Alle asagaa dadka caqliga siiyey, diin caqligaas ka hor imaanaysana uma soo dejiyo. Alle wuxuu Quraanka ku sheegay in khalqiga Alle ay ugu shar badan yihiin kuwa aan caqliga adeegsan (Al anfaal 22).

Salafiyadu waxay caqliga ula dagaalayaan si dadku u noqdo xoolo meeshay doonaan u kaxaystaan, markay rabaanna bumbo dhexda ugu xiraan si uu ugu fuliyo danahooda gurracan oo Alle iyo diintiisaba kasoo horjeeda.

Waayahan waxay u kala qaybsameen dhawr kooxood ka dib markii wadaaddada khaliijka ee soo dirsaday lacagtana siiya ay qaybsameen.Waxa la isku haystaana waa waddada loo marayo si talada loo qabsado,ee wax kale maaha, waana sababta ay dadka kale oo dhan u gaaleysiiyaan Shabaab mooyee. Taasi waxay keentay in lala baxo magacyo cusub sida Al-ictisaam, Dam jadiid, Alshabaab iyo kuwo kale. Ayaga ayaa hadda middi isla raadinaya, markaas ayaad maqlaysaa kuwo qaylinaya oo ka digaya in dhiigga muslimiinta la daadsho, muslimiinta ay sheegayaanna waa iyaga ee ma ay kala jecla dadka kale ee aan Salafiyada ahayn!

Dunida islaamku maanta waxay ku jirtaa xaalad aad u adag xag dhaqaale, siyaasadeed, milateri iyo horumarba. Waxaa taasi dhalisay in laga qaxo dhulalka muslimiinta, malaayiin qofna ay diinta ka baxayaan. Magaca diinta iyo dadka haysta ayaa lagu wasakheeyey dhiig lagu daadinayo magaca diinta waana waajib  qof kasta saaran inuu barto diinta inta uusan ka qayb qaadan dagaallada magaca diinta loo adeegsanayo. Dhallinyarada diinta ka shakiday ama ka baxday waxaan kula talinayaa inaysan u qaadan in diinta islaamku tahay sida Salafiyadu u fahamtay. Ha degdegina ee baaritaan sameeya xataa hadday idinku qaadato noloshiinna oo idil. Alle asagaa ballan qaaday inuu hagayo qofka run doonka ah (Al cankabuut 69), Allena ballantiisa kama baxo.

Ugu dambeyn, waxaan kula talinayaa salafiyada inay dadkooda ka mid noqdaan,oo joojiyaan burburka dalka iyo xasuuqa dadka. Qaar badan oo idinka mid ah niyad fiican iyo xamaasad diineed ayaa wadda, laakiin ogaada dembi la galo kan ugu weyn waa in ilaahnimo la sheegto iyo in qof si xaqdarro ah lagu dilo. Maxaad oran lahaydeen haddii Suufiyadu hub qaadato oo dadka ku qasabto inay suufi noqdaan? Waxaan hubaa inaad taas waalli u arki lahaydeen, kana dagaali lahaydeen. Ma jirto koox xaq u leh inay dadka ku qasabto fikirkeeda iyo sida ay diinta u fahmeen.

W.Q: CabdiRaxmaan C. Xaashi

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.