Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sal-fuddeydka Dawladda Soomaaliya Iyo Ka Fal-celintii Go’aankii Maxkamadda Adduunka (ICJ)

W.Q. Saacid Mohamed Geelle

Maxkamadda (ICJ) waxay Talaadadii dhaweyd badda Soomaaliya ugu kala xariiqdey labada dal xuduud cusub. xukunkaas oo Kenya  siisey qayb ka mid baddii ay Soomaaliya sida gardarrada ah ugu qabsatey. Badda inta Kenya na laga siiyey waxay hodan ku tahay khayraad dabiici ah sida gaas iyo saliid kayd ah. Sidoo kale waxaa ka buuxa noocao badan oo kalluun ah, lagana abuuri karo fursado  kalluumeysi oo Malaayiin doolar dowladdii gacanta ku haysaa ay ku kororsan karto miisaaniyaddeeda sannad walba.

Fal-celinta Soomaaliya

Dawladda Soomaaliya  waxay ku degdegtey aqbalaaddii go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah gaartey, kaas oo noo soo celisey inta badan baddii ay Kenya nugu qabsatey.  Markii la fiiriyo waqtiga go’aanka maxkamaddu soo baxay iyo waxqtiga uu madaxweynuhu qudbadiisa billaabey oo waqti yari u dhexeysey, waxaa muuqata inuusan siin fursad wadatashi oo uu la yeesho xubnaha xukuumadiisa, quburada badda arrinkaan Soomaaliya kala talineysey iyo qareennadii matalayay Soomaaliya intaba.

Madaxweyne Farmaajo

Badda Inta Soomalia laga xukumey oo runtii ah mid aan ayaduba baaxaddeedu yareyn, ugama uusan hadlin Madaxweynuhu qudbaddiisii degdega ahayd, mana ku muujin inuu ka xunyahay ama waxa uga qorshaysan xukuumadiisa. Madaxweynuhu wuxuu ammaan wayn huwiyey maxkamadda ICJ oo baddiisii uu u dhaartey difaaceeda qayb ka mida u xukuntey Kenya.

Inkasta oo Maxkmaddu sheegtey inaan horey xad rasmi ah u jirin, haddana sida ay qabaan qubaro badani oo ajnabi iyo Soomaali isugu jira, waxaan shaki ku jirrin in Soomaaliya ay lahayd guud ahaan badda la isku haystey.   Gar-soore Cabdi-qawi oo ah muwaadin Soomaali ah oo ka mid ah gar—soorayaasha Maxkamadda ahna nin khabiir ku ah sharciga caalamiga ee xadadka waddamada, horeyna Madaxweyne uga soo noqdey isla maxkamaddan ICJ,  si adag ayuu u diidey go’aanka maxkamadda, isagoo ku tilmaamey in xukunkaasi yahay mid eex ah, qilaafsan xeerarkii iyo sida ay maxkamaddu wax u xukumi jirtey, isla markaasna ah mid Kenya u xalaalaynaya bad aysan lahayn.

Madaxweyne Farmajo wuxuu ku yiri qudbaddiisa “iyadoo la ixtiraamayo sharciyada caalamiga ah, dowladda federaalka Soomaaliya waxay  aqbashey  xukunka maxkamadda si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah. Soomaaliya waxay ka rajaynaysaa in dowladda Kenya ay ixtiraami doonto sarraynta sharciga caalamiga ah iyo go’aanka Maxkamadda’’.   Waxaa is weydiin u baahan sharuucda iyo xeerrarka caalamiga ah oo Garsoore Cabdiqawi uusan ogayn  oo uu farmaajo ogyahay waxna ku aqbalayo waxa ay yihiin iyo halkuu kala yimi.  Uhuru Kenyatta oo awalba hoos ahaan ugu qanacsanaa  go’aankii maxkamaddu gaartey laakiin ku jira is-diidsiis yaan lagu fahmin ah.  Marka uu maqlo hadalka Farmajo soo kuma sii dheeri galin doonto in uu ku sii adkeysto damaciisa siina raadiyo wax ka badan inta loo xukumey.  

Fal-celinta Kenya

Madaxweyne Kenyatta

Kenya waxay ku gacansayrtay go’aankii Maxkamadda (ICJ) ay ugu xukuntey in la siiyo qayb ka mida badda Soomaaliya oo aysan markii horeba xaq u lahayn.  Wuxuu  sheegey waa sida uu hadalka u dhgey eh  ” in ay Kenya diideyso gebi ahaanba xukunkaas, aysana aqoonsaneyn natiijada go’aankas  ICJ. isagoo intaa ku daray in xukunka ICJ uu aad u khaldanyahay uuna yahay mid shaki galinaya sii jiritaanka iyo sharciyadda maxkamadda ICJ iyo garsoorkeeda.  Kenyatta wuxuu sii raaciyey inay uga sii dareyso xaaladda nabadda iyo amniga ee gobolka oo awalba liidatey, waxaan soo jeedinaynaa in wada hadal lagu dhammeeyo arrintaan.  

Halka ay iska taagtey Kenya xukunka maxkamadda oo isagu ah mid aan racfaan lahayn waxay u sahli doontaa mar walba in ay u ekaato dulmane,  isla markaana loo tixgaliyo ayna tanaasulaad  badana ku hesho haddii mustaqbalka wada-hadal ay sii yeeshaan Soomaaliya.

Xaggee Laga Aadayaa Halkaas

Xukunka ICJ ayaa ah mid kama dambeys ah oo aan racfaan laga qaadan karin, laakiin maxkamaddan, oo loo aasaasay dagaalkii labaad ee adduunka kadib in ay xalliso khilaafaadka u dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, ma ay lahan awood ay ku fulliso xukumada ay gaarto. Laakiin waxay la talin iyo soo jeedin ku leedahay Golaha Ammaanka. Kuwaas oo haddii ay doonaan hadba sida danaha dowladahoodu yihiin go’aan uga gaara waxa loo soo gudbiyey.  Soomaaliya ma lahan dowlad leh awood ay ku soo dhacsato kuna ilaashato badda loo xukumey, Kenyana ayadoo xaaladdan iyo qaybsanaanta iyo midnimo la’aanta siyaasaddeed ee Soomaalida ka faa’iideysanaysa, waxay culeys badan saari doontaa madaxda Soomaaliya xukumeysa haddeer iyo mustaqbalka soo socdaba.  Waxaa u sahlanaan doonta inay gaarto danaha ay leedahay, waxaana u sahli doonta labadan xaaladood:

1- Nairobi  oo sii noqota barkullanka laga karkariyo siyaasadda Soomaaliya, gurina u sii ahaata siyaasiyiinta Soomaaliya intooda badan, kuwaas oo guryo iyo maalgashi badan uga sameystey hantidii ay dalka horey uga soo dhaceen.

2- Soomaalida oo dhaqan ahaan ah bulsho aan taariikhda dib u fiirin, isla markaana ah ummad ay qabyaaladi dilootey, waxay fursad u siin doonaan Kenya haddii ay soo doortaan xukuumad ay hoggaaminayaan koox danneyste-yaal ah oo ka maran darreen waddaninimo, oggolaadana in wadahadal laga galo damaca Kenya ee badda Soomaaliyeed.

W.Q. Saacid Mohamed Geelle

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.