Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Saameynta uu Dunida Islaamka ku-yeelan karo Joe Biden


WQ: Xamdi Wardheer Maxamed

Guud-mar 

oseph Biden

Joseph Biden ayaa la xaqiijiyey inuu ku guuleystay xilka madaxweynenimo ee dalka Mareykanka, asagoo guul taariikhi ah kagaaray madaxweyne Donald Trump oo ay siweyn u loolameen. Biden waa ruug-caddaa kusoo gaamuray siyaasadda dalka Mareykanka, asagoo xilka aqalka sare ee senatka dalkaas kumatalay deegaanka uu kasoo jeedo ee Delaware lagasoo bilaabo sannadkii 1972-2009-kii, markaas oo loo doortay xilka madaxweyne kuxigeenka dalkaas. 

Biden oo taqasus-kiisa waxbarasho uu yahay sharciga, ayaa muddadii uu ahaa mudane katirsan aqalka sare lagu bartay codkarnimo iyo inuu heli ogyahay doodaha kalfadhiyada, asagoo meel adag ka istaagay dagaalladii Mareykanku kawaday Vietnam taageerayna in lagasoo saaro ciidamada Mareykanka dalkaas. Sidookale waxuu ahaa gayfane u ololeeya xaquuqda aadanaha, helida adeeg caafimaad oo lacag la,aan ah,  dhowrista deegaanka iyo qaadista canshuur loo siman yahay oo laga qaado dadka tujaarta ah iyo saboolkaba.

Biden ayaa dhanka kale xilligii uu kamid ahaa guddiga siyaasadda arrimaha dibedda ee Aqalka Sare aad ugasoo horjeeday dowladdii siyaasadaha midabtakoorka ku dhisan ku dhaqmi jirtay ee ka arriminaysay dalka Koonfur Afrika, asagoo aad u dhaliili jiray siyaasadda arrimaha dibeda Mareykan ee kuwajahan K/Afrika. Biden ayaa sidoo kale markii hore aad u taageeray qorshihii lagu weeraray Iraq ee meesha looga saaray Saddam Xuseen balse markii danbe ku sifeeyay qalad weyn oo lagu dhacay.

Kahor inta uusan kuguulaysan ololaha doorasho ee xilka madaxweynimo 7-dii November 2020-ka, Biden waxuu xilka madaxweynenimo iskusoo sharaxay sannadadii 1987-dii balse ololihiisa ma noqon mid najaxa, markale 2008-dii waxuu iskusoo sharaxay doorashada xisbigiisa markan wuu awoodi waayey inuu u babac-dhigo ololihii musharraxiintii kula loolamayey xisbigiisa ee Barack Obama iyo Hilary Clinton sidaasna ugu hungoobay mar labaad hankiisii. Kadib 8 sanno oo uu ahaa madaxweyne kuxigeen iyo 4 sanno oo diyaar garoow xoogan ah, xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga dimoquraadiga ayaa gartay inuu Biden yahay musharraxa ugu mudan ee la tartami kara meeshana kasaari kara madaxweyne Trump, taasoo olole xooggan oo lagusoo jiitay mujtamaca kala diimaha, isirka iyo rabitaanka duwan ee Mareykanka kadib miro-dhalay kana dhigay madaxweynihii 46-aad ee Mareykanka.

Doorkii maamulkii Obama iyo Biden ee dunida islaamka

Maamulkii madaxweyne Obama oo uu Biden qeybta ka ahaa ayaa dunida Islaamka la lahaa xiriir isku dhafan oo dhinac ka wanaagsan marka la barabar dhigo maamulka Trump dhinacna aysan ka marnayn dhibaato uu kageystay dunida Islaamka gaar ahaan duqeymihii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones ka geysteen dalalka Soomaaliya, Yemen, Pakistan iyo Afghanistan kuwaa oo lagu dilay shacab kumanaan ah sida lagu sheegay warbixino ay soo saareen hay’addaha u dooda xaquuqul insaanka. Doorkii Mareykanku kulahaa kicinta iyo taageeridda kacdoonkii ka curtay waddamada Carabta iyo duqeymihii huwanaa magaca NATO ee lagu qaarajiyey Qaddafi ayaanan sidoo kale lagu eed-tirin maamulkii Obama iyo Biden. 

Maxay dunida Muslimka uga dhigan tahay doorashada Biden?

Dad badan ayaa aaminsan in Biden ka shaqsiyad iyo siyaasad duwan yahay madaxwenaha laga guuleystay Trump oo ay aad u kala fogaayeen qeybo badan oo dunida Islaamka ah. Biden ayaa la rumeysan yahay inuu yahay shaqsi fahansan waaqaca adduunka ka jira haddii ay tahay mid caqiido, midab iyo dhaqan, asagoo waayo-aragnimo ka helay muddadii uu katirsanaa maamulka Obama. 

Xilligii ololaha doorashada Biden waxaa aad u taageeray dadka soo galootiga ah, kuwa kasoo jeeda Latin ee Latinos-ka la yiraahdo, dadka madoowga ah iyo Muslimiinta oo dhammaantood ka dhex arkay ololaha Biden inuu kasaari karo culeys-yada shaqo la’aaneed, faquuq, xayiraad safar iyo isir naceyb ee kudhashay ama sii xoogeystay muddadii uu Trump xilka hayey. Biden ayaa marar badan u ballanqaaday Muslimiinta Mareykanka in marka uu ku guuleysto xilka madaxweyne-nimo uu gabi ahaanba meesha ka saari doono xayiraadii dhanka safarka ee saarnayd 7 dal oo Islaam ah, taasoo la filayo inay dhaqan gasho marka ugu horreysa ee uu xilka la wareego. Muslimiinta kunool Mareykanka ayaa doorashada sannadkan uga qeyb qaatay cadadkii ugu badnaa ee dhanka cod-bixinta taasoo ay 80% dadkii xaqa u lahaa cod-bixinta codkooda dhiibteen, waxayna muujinaysaa xiisaha iyo xamaasadda ay u laheyd inay mar codkooda ku taageeraan Biden marna meesha kasaaraan Trump.

Dadka Muslimiinta ah ee Mareykanka kunool oo 1% ka ah mujtamaca dalkaas ayaa Biden hordhigay codsi ka ballaaran midda xayiraada safarka oo ay kamid ahaayeen waxka qabashada faquuqa iyo naceybka diinta, laalidda barnaamijka kahortagga rabshadaha iyo argagixisada oo ay Muslimiintu aaminsan yihiin inuu sigaara u bartilmaameed-sanayo dadka Muslimka ah, kaqeyb-galinta maamulka cusub, joojinta dhaqaalaha Mareykanku siiyo Israel inta ay uga hoggaan-sameyso sharuucda caalamiga ah iyo in safaaraddii Mareykanka ee loo raray Qudus dib loogu soo celiyo magaalada Tel Aviv.  Tirada dadka Muslimiinta Mareykanka ah oo aad u yar marka la barbardhigo mujtamaca kale ayaa inta badann sabab u ah inaysan musharaxiintu siinin ahmiyad weyn aqbalaada iyo fulinta dalabaadkooda, taasoo keeni doonta inuu Biden dalabaadkan qeyb kafuliyo qeybo badanna iska indhatiro.

Marka laga tago gudaha Mareykanka, Biden ayaa la rumeysan yahay inuu dunida Islaamka kula macaamili doono siyaasad ka dabacsan middii maamulka Trump. Waxaa laga raja qabaa inuu Biden soo celin doono heshiiskii Nuclearka Iran oo uu wax-weyn kala socday heerarkii uu soomaray iyo saxiixiisa, islamarkaana Iran ka qaadi doono cuno-qabateynta. Biden inuu qaato go’aanka ah in Iiraan laga qaado cuno-qabateynta waxuu kala kulmi doonaa qalqaalo iyo catoow badan oo uga yimaada saaxiibbada Mareykanka ee gobolka sida Israel, Sacuudiga iyo Imaaraatka taasoo aan qudheeda sahlaneyn.

Marka loo yimaado arrinta murugsan ee Falastiin, waxaa suuragal ah inuu Biden iskudayo inuu soo nooleeyo wadahadalladii Falastiin iyo Israel balse rajada laga qabikaro inay miro dhalaan way adag-tahay sababtoo ah Israel horey ayey u gaartay ujeedkeeda lagamana rajo qabo cadaadis mug leh oo ka imaan doona dhanka maamulka Biden oo ku qasbi kara inay Israel gasho wadahadal dhab ah asagoo maanka kuhaya waxii qabsaday saaxiibkiis Obama markii uu ku fogaaday arrinta Falastiin iyo Israel.

Sidookale Biden kuma dhiirran karo inuu faraha lagalo arrinta meeqaamka magaalada Qudus oo maamulka Trump gacanta u galiyey Israel, waxayna u badan tahay in asaga oo tixraac kadhiganaya ga’aanka maamulkii hore uu ka gaabsado kana dhigo eed ay masuuliyaddeeda lahaayeen maamulka ka horreeyey. Arrinta meeqaamka Qudus badalkeeda Biden waxuu ku dhiirran karaa inuu Israel ku cadaadiyo joojinta dhismaha dhulka daanta Galbeed ee Falastiin iyo inuu soo celiyo dhaqaalihii Mareykanku siin jiray maamulka Falastiin iyo hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha dadka Falastiin ee uu jaray maamulkii Trump taasoo uu Biden dunida Islaamka iyo maamulka Falastiin ku indha-sarcaadin doono. 

Marka aan fiirino qilaafka kadhex-aloosan waddamada Khaliijka, Biden waxuu haystaa fursad uu kudhex-dhexaadin karo labada dhinac maadama ay dhinacyadu u haystaan shaqsi dhex-dhexaad ka ah qilaafkooda oo aanan ka laheyn dano shaqsi misna hoggaaminaya dowladda ugu awoodda weyn caalamka, balse waxaa suuragal ah in danaha ay shirkadaha hubka sameeya ee Mareykanku kaleeyihiin sii socoshada qilaafkan uu ku qanco in sida uu hadda xaalku yahay loo daayo taasoo dan u ah dhaqaalaha Mareykanka gaar ahaan shirkadaha hubka iibiya. Marka loo weecdo dagaalka dalka Yemen, waxaa dhicikarta inuu Biden xulufada Sacuudiga iyo Imaaratka ku cadaadiyo inay soo afjaraan dagaalka Yemen asagoo daliil-sanaya gabbood falladii bini’aadannimo ee kadhacay dalkaas, taasna ay horseeddo in dowlad wadaag ah oo aan sal-balaaran ku fadhinin lagu maquuniyo dhinacyada iskuhaya siyaasada Yemen.

Haddii aan u nimaadno arrinta dalkeena, maamulkii Trump waxuu shaaciyey bishii Oktoober ee sannadkan in maamulkiisu diyaariyey qorshe lagu dhimayo tirada ciiddamada Mareykanka ee kusugan Soomaaliya taasoo 650 kamid ah 800 askari ee jooga Soomaaliya dib loogu celin doono Mareykanka. Go’aankaas ayey dad badan aaminsan yihiin marka sifiican loo-darso xilliga lagusoo beegay oo aheyd xilli doorasho inuu ahaa mid lagu xod-xodanayey codka qoysaska askartaan si ay codkooda u siiyaan Trump maadaama uu dib usoo celinayo wiilashooda iyo gabdhahooda laakiin uusan aheyn go’aan qaran. Inkasta oo hadalka iyo go’aanka madaxweynaha xilka haya miisaan leeyahay, haddana askarta Mareykanka ee jooga dalkeena waxay qeyb muhiim ah kayihiin howl-galka guud ee ciiddamada Mareykanka ee AFRICOM, kaasoo ilaaliya maslaxadda Mareykanku kaleeyahay guud ahaan qaaradda Afrika gaar ahaan waddamada istaraatijiga ah oo ay Soomaaliya ugu horreyso. Haddaba, Biden oo taageero weyn u haya barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanku ka fuliyaan waddamada ay kasocdaan dhaq-dhaqaaqyada kooxaha hubeysan waxay u badan tahay inuu sii xoojin doono howl-galka ciiddamada Mareykanka kajooga Soomaaliya wallow aysan meesha ka marnayn sida ay iskula jaan-qaadaan dowladda kusoo baxda doorashada  Soomaaliya sannadka danbe iyo maamulka Biden.

Gunaanad 

Biden sida uu kusheegay qudbaddiisii aadka loowada sugaayey, ahmiyadda koowaad ee maamulkiisa xilligan ayaa ah ladagaalanka xanuunka COVID-19 oo saameyn xooggan kuyeeshay shaqada, dhaqaalaha iyo nolol maalmeedka shacabka Mareykanka. Waxaa kale oo looga fadhiyaa inuu xal u helo dhibaatooyinka faquuqa, shaqo la’aanta iyo beegsi ee lagu hayo dadka madoowga ah iyo soo galootiga, kuwaasoo uu ballanqaad badan u sameeyey xilligii ololihiisa. Iskusoo dumida wakiillada lasoo doortay iyo taageerayaasha xisbiyada jamhuuriga iyo Dimuquraadiga oo aan qudheeda aheyn howl-yar ayaa xusid mudan.

Marka laga tago xal u helidda arrimaha Mareykanka dhexdiisa kajira, waxaa looga fadhiyaa inuu soo nooleeyo xiriirkii iyo wadashaqeyntii hakadka gashay ee kala dhexeeyay saaxiibbada soojireenka Mareykanka ee reer Yurub. Waxaan meesha ka maqnayn yag-leelidda xiriir isku dheelitiran oo dhexmara Mareykanka iyo Shiinaha. Macaamilka dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka ayaa aad u xumaaday waqtigii maamulka Trump taasoo horseeday inay labadhinac galaan dagaal dhanka dhaqaalaha ah oo u badan canshuurta dulsaarta ah. Shiinuhu madaxweyne kasta oo ku guuleysta doorashada Mareykanka wuxuu hordhigaa hal su’aal oo soojireen ah taasoo ah: Shiine hal ah ama Shiine laba ah oo looga jeedo aragtida madaxweynaha ladoortay ee gobolka Taiwan, jawaabtaas ayaana go’aamisa xiriirka mustaqbal ee labada waddan. Dowladda Shiinuhu wali uma aysan hambalyeyn Biden ayagoo marka hore miisaan saaraya aragtidiisa kuwajahan dalkooda. 

Biden waxaa horyaalla shaqo kale oo culus oo ah inuu Mareykanka dib ugu celiyo heshiisyo, ururro iyo hay’addo farabadan oo uu maamulkii Trump go’aamiyey inay iskaga kabaxaan, kuwaa oo ay kamid yihiin hay’adaha UNESCO, WHO iyo UNHRC oo kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay, heshiiskii cimilada ee Paris oo maamulkii Obama taageero weyn u ahaa, ururka muhaajiriinta ee Global Compact for Migration iyo ururka kale ee Trans-pacific Partnership oo ahaa urur macaamil ganacsi oo kulmin jiray Mareykanka, wadamada pacific-ga iyo kuwa Aasiya.

Haddaba, marka la isku wadageeyo dhammaan howlaha culus ee looga fadhiyo Biden oo ay ugu horreyaan kuwa kajira gudaha Mareykan, boor kajafidda xiriirka waddamada Yurub iyo Shiinaha, ku laabashada heshiisyadii, ururradii iyo hay’adihii caalamiga ahaa ee Mareykanku kabaxay xilligii Trump, ma muuqato raja badan oo ah inuu Biden wax weyn kabadali doono xaaladaha kajira dunida Islaamka. 

W/Q: Xamdi Wardhere Maxamed

Email: [email protected]

Facebook: Xamdi Wardheere


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.