Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

RW Rooble maxaa laga fili karaa muddada Kooban?

W/Q Cabdikariim C/raxmaan Xaaji Xasan

Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo in muddo ah ay u aheyd sidii guul uu gaadhay (accomplishment),  islamarkaana ku faana wada shaqeyta ka dhaxeysay Ra’iisal Wasaarihiisi hore  ee Xasan Cali  Khyre, laguna xsuusto hadaladiisii  “Waxaan idiin keenay Ra’iisal Wasaare iga fiican,” ayaa bishii Julay 25-dii muddo 7 daqiiqaddood  gudahood  shaqadii kaga tuuray Kheyre.

Md Rooble iyo Guuleed

RW Kheyre oo muddadii uu xilka hayay aan kasban saaxiibo dhow, islamarkaana dad badani u arkayeen shakhsi isqaad-qaad iyo islaweyni madhani ay indho tirtay, ayaa cayrintiisu aysan yeelan wax culeys siyaasaddeed ama saameyn ah oo soo food-saarta Farmaajo.

Md. Kheyre oo si sharciga ka fog looga qaaday xilkii Ra’iisal Wasaaraha, islamarkaana Baarlamaanka oo xildhibaaano kor u dhaafay 70 ay ka mid ahaayeen golihiisa Wasirraddu, aynan ka dooddin sababaha xilka looga qaaday,  ama in la siiyo fursad uu Baarlamaanka hortiisa iskaga difaaco eedaymaha lagu soo oogay, ayaa si fudud u aqbalay sharci daradaasi lagula kacay.

Arintan  ayaa dad badani ku tilmaameen in ay marag u tahay sida markaasi Md. Kheyre  aanu wax miisaan ah lahayn, balse uu dadka tusayay waji humaag ah (fake image), intii uu xilka hayay!

Shirkii wadatashiga Dhuusamreeb 2

Madaxweyne Farmaajo oo aan la iman qorshe wax qabad, muddo xileedkiisiina ku dhamaystay burburinta iyo la dagaalanka Dowlad Gobolleedyada, hoggaankii Golaha Shacbiga iyo Aqalka Sare , ayaa  abuuray in uu kasbado dad badan oo mucaarad ah intii uu hoggaanka dalka hayay.

Waxa jirtay ka gadaal xilka qaadistii Md. Kheyre, in uu Farmaajo si ula kac ah uu dalka galiyay muddo ku dhow 2 bilood marxalad Dowlad la’aan ah, taasi oo baalmarsanayd Dastuurka dalka.  Waxa la yaab noqotay in danleydii siyaasiyiinta ee isku tilmami jiray in ay ka soo horjeedaan  fashilka ku yimid hoggaanka Farmaajo, lagu arkay mar kaliya iyaga oo sidii shinnidii ku xoonsan Villa Soomaaliya, oo raajicanaya jagada RW ee bananaatay!.

Haddaba Madaxweyne Farmaajo  ayaa bishii Sebtember 17 u magacaabay Md. Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.  Md. Rooble oo ah shakhsi ku cusub dhinaca siyaasadda Soomaaliya,  balse ah xirfad yaqaan (professional), ayaa magacaabistiisu ku soo beegantay marxalad adag oo kala guur ah oo uu dalku ku jiro, khaasatan dhinaca u diyaarinta dalka ee doorashada Xildhibaanada iyo Madaxweynaha ee 20/21.

RW Rooble oo muddo xileedkiisu ku kooban yahay muddo 3 billood ku dhow, ayaa lagu wadaa in uu dhawaan soo dhiso golihiisa  xukuumadda,  iyada oo ay la gudboon tahay laba arimood ama waddo in uu mid qaato:

1) In aanu waxba ka badalin Xukuumadda hadda jirta ee uu horay u soo dhisay RW Kheyre. Dadka arinkan qaba islamarkaana dhawaan kula taliyay Md. Rooble waxaa ka mid ah Madaxweynihi hore  ee Puntland Md. Cabdiwali Gaas, oo horey u ahaa RW KMG – Soomaaliya.

Md. Cabdiwali Gaas

Md. Cabdiwali oo horey ugu fashilmay muddadii uu talada Puntland hayay, ayaa argtidiisa ku wajahan in aanu RW Rooble waxba ka badalin xukuumaddi hore  ay tahay mid fadhiid ah, oo aan waxba ku soo kordhinayn dardargelinta iyo rajo abuurka dalka, oo intii uu Farmaajo madaxweynaha ahaa dib u dhac  badani ku yimid, xaga wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada, amniga, horumarinta dhaqaalaha. Aragidaas ah in Golaha  Wasiiradda sida ay hadda yihiin loo dhaafo, waa jug-jug meeshaada joog.

Golaha Shacabka

2. In uu RW Rooble la yimaado qorshe xukuumad cusub, oo ay ka muuqdaan dad dalka u diyaarin kara marxaladda kalaguurka, islamarkaana uu noqon kara dhaxal (legacy) lagaga daydo.

Runtii  haddii uu RW Rooble soo magacaabo xukuumad tayo leh: 1) oo ay ka reeban yihiinn xubnaha Xildhibaanada uu  wakhtigoodii gabaabsiga yahay, iskuna diyaarinaya doorashada sanankan, 2) soo xusho dad maamuus iyo aqoon leh  iyo 3) ka takhaluso agaasimaha Nabad Sugida (NISA) oo saameyn xooggan ku leh fadhiidnimada iyo dib u dhaca ku yimid dalka , waxaa abuurmaysa rajo iyo wada shaqeyn wanaagsan oo dhex marta mucaaradka iyo sidii dalku u gaadhi lahaa xasilooni siyaasaddeed, doorasho xal iyo xalaal ah.

Agaasimaha NISA

Waxa aan filayaa  hadii uu RW Rooble yeesho qorshe wax qabad  iyo higsi dhow, muddo xileedkiisa kooban, oo uu u madax-banaanaado, waxa suurta gal ah in uu dalka u horseedi karo rajo iyo dariiq fiican oo ka saarta dalka maraxalda kalaguurka islamarkaana ku dayosho muddan.

Gabagabadii maxaa laga filan karaa RW Rooble 1) waxba 2) mise?

Arimahan oo dhan waxa laga qiyaas qaadan karaa hadba go’aanka iyo waddada uu raaco.

Cabdikariim C/raxmaan X. Xasan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.