Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Khayre: Iscasilaad Mise Xilkaqaadis

Md Xasan Cali Khayre

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre oo maanta ay xildhibaannada Baarlamaanka F. Soomaaliya kalsoonidii kal noqdeen ka dib markii cod loo qaaday xukuumaddiisa oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu xilkii uu ummadda Soomaaliyeed u hayay iska casilaya.

Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen jawaabta uu ka bixin doono xilkaqaadistiisa ayaa ay dad badan aad ula yaabeen hadalka ka soo yeedhay Khyre ee ah in uu isagu xilkii iskacasilay.

“Aniga oo og In waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, In  xitaa aanay ajandaha ku jirin, in aanay waafaqsanayn dastuurka  iyo shuruucda dalka. Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed,  mid dhaqaale, amni iyo bulsho,” ayuu yidhi Kheyre.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka hadlay waxqabadkii xukuumaddiisa muddadii uu xilka hayay.

Su’aasha ay dad badani isweydiinayaan ayaa waxay tahay Khayre miyuu iscasilay mise waa la eryay?

Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki lahayn in xilkaqaadistani ay ahayd mid aanu filayn Raw’iisalWasare Khayre iyadoo dad badani ay xasuustaan qaabkii uu wasiirradiisa xilka uga qaadi jiray ee iyagoo hawlmaalmeedkoodii ku jira uun ay warbaahinta ka mqli jireen in xilkii laga qaaday.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.