Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Rooble-hii lagu Raystay

W/Q: Hamdi Wardhere

Hordhac

RW Raable

Kadib markii 25-kii Julay 2020-ka uu guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal ku dhawaaqay in kalsoonidii lagala noqday raysal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaa durbadiiba soo if-baxay warar kaladuwan oo ay dadweynaha isla-dhexmarayeen, kuwaasoo kusaabsanaa qofka uu noqon doono shaqsiga xiga ee loo magacaabi doono raysal wasaaraha dalka. Waxaa markiiba masraxa siyaasadda soo fuulay magacyada shaqsiyaad caan ah oo loo saadaalinayo inay buuxin doonaan jagadaas, kuwaasoo ay qeyb ka yihiin siyaasiyiin horey dalka xilal kala duwan ugasoo qabtay. Balse dhowris dheer kadib, madaxweyne Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa ugu danbeyn 18-kii Sebtember xilka raysal wasaarenimo u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble oo isagu ahaa qof ku cusub seexadda siyaasadda Soomaaliya oo aan marnaba kamid aheyn shaqsiyaadkii la filayey markiihore. Raysal wasaare Rooble sida laga aqristay taariikh nololeedkiisa ama CV-giisa waa aqoonyahan wax-kubartay dalka gudahiisa iyo dibediisaba kuna hadla luuqado farabadan, waqtidheerna hay’ado caalami ah kalasoo shaqeeyey dalal kala duwan balse aanan horey loogu arkin siyaasadda dalka.

Caqabadihii uu dhaxlay Md. Rooble

Dad badan ayaa qabay in  raysal wasaaraha cusub uu dhaxlay dhago waraabe, maadaama 143 maalmood gudahood laga doonayey inuu ku qabto hawlo badan oo ay ka mid yihiin dhisidda xukuumad, qabashada doorasho dadban oo aheyd caqabad madaxdii kahoreysay ay gacanta ka taagtay, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sugidda amniga.  Raysal wasaare Rooble ayaa durbadiiba ay dadka siyaasadda falanqeeya ayagoo kaduulaya howlaha cakiran ee horyaala iyo waqtiga kooban awgeed u bixiyey magacyo ay kamid yihiin ‘La heloow’ iyo kuwakale oo ay dabcan ula jeedaan inuu qabtay xil qofkale oo qabta lawaayey. Md. Rooble ayaa maalmo gudahood soo dhisay xukuumad ay markiiba meel mariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka taasoo horey loosii saadaalinayey.

Raysal wasaarahan cusub ayaa markiiba lagu sifeeyey inuu yahay shaqsi af-gaaban oo hadal qaboow asagoo sida lasheegay adeegsanayey kalmado caan baxay oo ay kamid tahay ‘ Soo dhawaada’ iwm, aadna uga duwan ninkii xilkan uga horeeyey ee Xasan C. Kheyre oo ku wanaagsanaa fagaare kahadalka iyo adeegsiga kalmadaha qayaxan. Rooble oo dareensan howlaha horyaala waqtiga kooban ayaa billaabay baadigoobka iyo la kulanka dadkii ay ka go’day tallada doorashada dadban balse waxaa muuqatay in awoodaha gor-gortan ee wada-xaajoodka uu lahaa madaxweynaha dalka taasoo markasta naaqus kadhigeysay go’aan gaarista reysal wasaare Rooble.

Dhaliilahii loo jeediyay Md. Rooble

Shirar taxane ah oo lagu doonayey in xal looga gaaro doorashada dalka ayaa fashilmay taasoo ay dowladda iyo mucaaradka midba midka kale eedda dusha uga tuurayey ilaa-markii danbe uu si rasmi ah u dhammaaday waqtigii muddo xileedkii hay’adaha dowladda dhexe. Inta badan shirarkaas fashilmay waxaa muuqatay in madaxda dowlad goboleedyada qaar ay qabeen in ay wax kasocon la’yihiin madaxweynaha dalka mudane Maxamed C. Farmaajo ayna habboon tahay inuu hoggaanka wada hadalka dhanka dowladda dhexe uu qabto raysal wasaare Rooble. Arrintan ayaa markii danbe isku badashay dhaliil ay siyaasiinta iyo waxgaradka beesha uu kasoo jeedo Md. Rooble dusha uga tuurayaan Rooble qudhiisa ayagoo ku canaananaya inuu muujiyo awooddiisa iyo doorkiisa matalaad.

Sida la dheehan karay, Rooble waxuu noqday dharigii saddexda dhinac ka gubtay, maadaama marka 1aad uu dhinaca gor-gortan iyo go’aan gaarista uu wali kudhagan yahay madaxweynaha dalka, dhinaca 2aadna madaxda dowlad goboleedyada qaar aysan kalsooni ku qabin madaxweynaha balse ay door bidayaan Rooble oo miiska wadahadalka kuleh awood go’aan gaaris buuxda halka dhanka 3aadna ay cadaadis iyo dhagahadal ku hayso beesha uu kasoo jeedo oo doorkiisa saluugsan. Arrinta oo sida muuqatay sii cakirmeysay marba marka kasii danbeysa ayaa waxay meeshii ugu xumeyd gaartay 12-kii Abril ee sannadkan markii Xildhibaanada Golaha Shacabka muddo xileedkoodu dhammaaday ay muddo kordhin 2 sanno ah u sameeyeen madaxweyne Farmaajo, taasoo meesha kasaartay rajo kasta oo laga qabay in heshiis laga-gaaro arrinta doorashada.

Furihii Fursadda Rooble

Dagaalkii qaraaraa ee 25-kii Abril ciiddamada dowladda iyo kuwa taabacsan musharax C/Raxmaan C. Shakuur ku dhex maray aagga Km4 iyo soo galitaan ciidamo lagu sheegay inay ka gadoodsan yihiin muddo kororsiga madaxweynaha oo dhufeysyo kasameystay goobo kamid Muqdisho ayaa waji kale oo murugo leh u yeelay siyaasadda dalka, taasoo dhab ahaantii muujisay habac-sanaanta nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya ama sida sahlan ee loo burburin karo hannaan waqtiga dheer la dhisayey. Waxaa durbadiiba xigay qeylo dhaan iyo cadaadis fara badan oo ku wajahan labada dhinac kaasoo ka imaanayey waxgaradka dhaqanka, dhallinyarada, ganacsatada iyo beesha caalamka oo dhammaan lagu dalbanayey joojinta iyo kahortagidda colaad ka curata Muqdisho iyo qabashada doorasho ay sal u tahay heshiiskii 17-kii Sebtember.

Raysal wasaare Rooble oo hoggaaminaya xukuumad xil-gaarsiis ah ayaa ku guuleystay xabad joojin iyo inuu furo jawi wadahal oo aan kala go’ laheyn taasoo ay u suuragalisay kalsooni uu ka haystay dhammaan dhinacyada is hor-fadhiyey  oo u arkayey shaqsi aanan kulug-laheyn waxa socda iyo midda ugu muhiimsan oo aheyd inuusan kujirin damac musharaxnimo ee xilalka markaas loo wada hanqal taagayey. Waxyaabaha kale ee u fududeeyay waxaa kamid noqon kara deganaantiisa iyo inuusan marnaba asagoo adeegsanaya xilkiisa isticmaalin kalmado xanaf leh oo dhinac gaar ah ku wajahan, waxaana fursad kale u ahaa oo aan meesha ka marneyn inuu kasoo jeeday beesha markaas ay kasocdeen ciidamadii gadoodsanaa ee kasoo horjeeday muddo kororsiga iyo badi musharaxiinta dowladda kasoo horjeeday.

Biseyl Siyaasadeed

Kadib shaqaaqooyinkaas foosha xun, waxay horseedday in dhinaca dowladda oo markaas ay kubbaddu la taalay uuna ku wajahnaa cadaadiska inta ugu badan ay kala xulato xalalkii markaas horyaalay. Madaxweyne Farmaajo ayaa markaas kadib ku qanciyey xulafadiisa in laga laabta muddo kororsiga gunta looga dhigay iska hor-imaadyada iyo in geeddi-socodka doorashada uu hogaamiyo raysal wasaare Rooble. Go’aamadan ayaa waxaa durbadiiba soo dhaweeyay dhinacyadii mucaaradka iyo beesha caalamka oo raadinaysay daraf  laga galikaro (entry point) xaaladda taagan.

Rooble oo markii horeba haystay kalsoonida musharixiinta iyo siyaasiyiinta kale, madaxda maamul goboleedyada iyo beesha caalamka ayaa fursaddaas uga faa’ideystay inuu soo magacaabo guddi kala qaaday ciiddamadii is-horfadhiyay kuna celiyay xeryahoodii halka uu asaguna xaqiijiyey inay ciiddamadaas helaan gabbaad (immunity)  oo aan loo ciqaabi doonin go’aankii ay qaateen. Wajiga colaadda markii laga gudbay, waxuu ku baaqay shir uu asagu hoggaamin doono oo ay iskugu yimaadaan madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedka taasoo ay dhinacyadu ugu danbeyn aqbaleen beesha caalamkuna aad u taageertay.

Heshiiska shirka Doorashada Dadban

maalmo 4 ah oo uu shir xalane uga socday dowladda dhexe oo uu wakiil ka ahaa raysal wasaare Rooble iyo madaxda maamul goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa lagu gaaray heshiis ay saxiixeen dhammaan dhinacyada taasoo guul u ah dadka Soomaaliyeed oo rajo xumo badan dareemayey. Sida qodobbada heshiiska laga dheehan karo ma jirin qodobbo culus oo lagusoo kordhiyay heshiiskan marka la barbar dhigo heshiisyadii horey loogu gaaray Sama-reeb/Dhuusa-mareeb iyo Baydhabo, laakiin waxaa muuqatay in isbadal lagu sameeyay shaqsiyaadkii uu wadahadalka iyo gor-gortanku ka dhaxeeyay, qodobbadii markii hore la isku hayey badidoodna guddiyo xal u raadiya loo xilsaari doono. Waxaan arrintaan ka baran karnaa inay meesha ka maqneyd kalsoonida heer shaqsi ah oo u dhaxaysey madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada qaarkood laakiin kadhex jirtay Rooble iyo madaxda kale.

Mustaqbal Siyaasadeed ee Rooble

Haddii lagu guuleysto miro-dhalka hannaanka hadda lagu heshiiyay, waxay sumcad iyo dhaxal reeb (political legacy) u noqon doontaa Rooble, taasoo mustaqbalka u furi doonta fursado siyaasadeed, gaar ahaan haddii lagu guuleysto inuu dalku kutalaabsado doorasho qof iyo cod ah 2025-ta. Inkastoo, markiihore la durayey dabcigiisa kudhisan aamusnaanta iyo deganaanta, Waxuusan shaki kujirin in qaboowga Rooble uu suuragaliyey inuu albaabo farabadan oo mucaarad iyo muxaafid ah ku furtay. Dhabtii, waxaa muuqata in dalku ku najaxay dhaqankaas.

Gunaanad

Shaki kuma jiro in raysal wasaare Rooble uu samatabixiyay dalka xilli uu dalku aad ugu baahi qabay shaqsi danahiisa gaarka ah uga tanaasula midda heer qaran. Xaqiiqdii dalku waxuu ku sigtay in lagu celiyo gacmo dowlado shisheeye si ay xal uga gaaraan hannaanka doorasho ee dalka ama waxii la oran jiray Kampala Accord iwm ah. Waxay noqotaba wallow uusan dalku wali ka maarmin gacansiinta beesha caalamka sida muuqata, ugu danbeyntii waxaa soo baxay heshiis ay hoggaaminayeen, gaareenna siyaasiyiin Soomaaliyeed.

W/Q: Hamdi Wardhere

[email protected]

Facebook:Hamdi Wardhere


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.