Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Maqaallo
  • Slideshow

REERKAN DEGI WAAYEY DAN UGUMA MAQNIN

W.Q: Cabdulcasiis Maxamuud Macallin

Ereyga qalaad ee Federaal (Federation) wuxuu dhacaa marka laba shay laysku daro si ka dib loogu isticmaalo hal shay ahaan. Wuxuu leeyahay dhadhan (connotation) in waxa laysku darayaa si uun u kala duwan yihiin, sida digir iyo bariis laysku daray canbuulo ahaanna loogu casheeyey. Runtii bariis iyo bariis kale oo laysku daray ma aqbali karaan ereyga federation haddaysan si muuqata u kala duwanayn, waana sababta ay dad badan oo Soomaaliyeed ugu doodaan in aan nidaamka dawladeed ee federalku ku habboonayn Soomaalida maadaama aysan wax weyn ku kala duwanayn.

Hase ahaatee in Soomaaliya gobollo loo qaybiyo, dawlad dhexena la isugu geeyo iyadoo la isticmaalayo nidaamka federaaliga, waa waxa keliya ee midnimadii iyo dawladnimada Soomaaliya lagu ilaalin karo dood kale ayaa oronaynsa.

MAXAA LOO QAATAY NIDAAMKA DAWLADEED EE FEDERAALKA?
1. Roobku wuxuu xal u yahay abaarta marka uu godanka oo dhan ka da’o, hadduuse
geyiga qaar seejiyo wuxuu abuuraa dhibaatooyin ka badan tii ay ahayd inuu xalliyo sida:
a) Isu-guur ayaa dhaca, taas oo dad iyo duunyoba laysugu geeyo halka roobsatay.
b) Biyihii iyo baadkii cusbaa ayaa cag iyo ciddi lagula kala tagaa waqti yar, maadaama
dad iyo duunyo ka tiro badan la soo dulsaaray, ka dibna degdeg ayay halkii
roobsatay abaar isugu bedeshaa.
c) Beelaha dantu isu keentay oo aano hore kala qabey ayay ka dhex billaabataa,
iyadoo nabadgelyadu lunto.
d) Xaalufka gaara halkii laysugu yimid ayaan dhulku ka soo kaban ilaa dhawr nur oo
dambe.

Dawlad dhexe oo sida aynnu u soo joogney ku eg caasimadda iyo
hareereheeda ayaa la mid ah roobkaan halka meel ka da’ay. Dadka Somaliyeed waxay intooda
badan u guureen oo si xad-dhaaf ah ugu urureen gobollo ka mida koonfurta dalka, halkaas oo
dawladdu ka dhoweyd. Waxaa laga tegey gobollada dalka intooda badan sida kuwa hadda la
yiraahdo Puntland, Somaliland, Galmudug, Hir-shabeelle qaarkeed iyo Koonfur Galbeed.

Isuguurkaani dhibaato kuma ahayn keliya gobolladii laga soo hijroodey ee waxay sidoo kale culays
iyo nabaad-guur ku ahayd gobolladii laysugu tegey. Wax horumar ah kama socon dhulka laga
hayaamay, xafiis dawladeed oo ka shaqaynayeyna aad buu u yaraa. Waxaa jirey horumar iyo
dawladnimo aan isu dheelli tirnayn dal iyo dadba.

Nidaamka Federalka waxaa haddaba loo doorbiday inuu daawo u noqdo dhibaatadaan, kaasoo
suurogeliya in dalka oo dhan ay ka socoto horumar siman, dadka qof kasta ku celiya gobolkiisa,
dawladnimaduna ka wada shaqayso dalka oo dhan, looguna kala nasto sida roobka caamiyaha la
yiraahdo oo reer walba xeradiisa ku qabta oo kale.

2. Maadaama Soomaalidu dirirtay, kalsoonidii dhexdooda ahaydna luntay, sidaa darteedna
la waayeyba sawirkii dawladnimo, bal in la kala dego gobol walba ama intii israaci
kartaana ay nidaam iyo kala dambayn samaystaan si hadhow nidaamyadaas loogu
mideeyo dawlad dhexe oo ay wadaagaan (Federal System of Government).

Qaadashada nidaamka federaalka looma sababayn karo in maskaxda lagu hayo in dawladdeenu mar kale dumi karto sidaa darteedna aan u baxsannno maamul goboleedyo, sababtoo ah maamul goboleed marna kuuma buuxin karo kaalinta dawlad dhexe oo qaran.

Ka rog oo laba saar, Federaalka aynu u qaadannay inaan ku xallinno labada dhibaato ee
waaweyn ee aan ka soo hadalnay, kuwaasoo aan ka dhaxalnay nidaamkii dawladnimo ee hore,
wuxuu noqday mid ku qotoma BEELAYSI (CLANISM) oo ah beel waliba meeshay degto ha looga
dhiso maamul goboleed. Markaa ugu horraynba intaynaan kala dooran nidaamka dawladeed ee
dalkeennu qaadanayo, waxaa khasab (Mandatory) inaku ah inaan horta la tacaalno xanuunka
weyn ee soojireenka ah ee adduun iyo aakhiroba ina seejiyey oo ah u abaabulnaanta hab
beeleed, ku tiirsanaantiisa iyo wax-ku-qaybsigiisa. Hab dhaqankaani maaha mid aqbalaya dawladnimo noocay doonto ha noqotee.

Dawladdeheennii hore waxay ka shaqayn waayeen qaab dhismeedka dhaqankeenna oo aan
dhinaciisa keliya ka eegno nolosha oo dhan.

Si aanan dadka qaar ugula muuqan nin iska hadlaya, aan saddex arrimood keliya ka soo qaato
sida dhaqankeenna beelaysiga ahi aanu u oggolayn dawladnimo iyo sida ay labadu lid isugu yihiin.
Macneheedu waxaa weeye haddii aad mid rabtid waa inaad kan kale hawlgab ka dhigtaa, waayo
ma wada shaqayn karaan:

I. Beeluhu isma metelaan: beel kasta waxay rabtaa inay joogto meel kasta mar kasta, tii
meel ka maqanna lama metelin ee waa la dulmiyey. Haddee dad aan ismetelin dawlad ma noqon
karaan? Maya. Senator Ilhan Cumar oo dhowaan qaxootinnimo ku gashay Maraykanka, aqalka
Senetkana ku cusbaydba ayaa dhowaan Afrika qaarkeed booqasho shaqo ku maraysey iyadoo
shaqadeeda iyo go’aannadeedaba ku meteleysey dadka maraykan oo dhan. Wataa dawladnimo.

II. Ma jirto beel oggol in dambiileheeda sharciga la mariyo: ceeb kuma aha dhaqankeenna in
la difaaco oo lala safto dambiilaha intuu doono dambigiisu ha le’ekaadee. Si kale haddaan u dhigo,
beeluhu sharci inuu shaqeeyo ma oggola. In sharci la diido waa in dawladnimo la diidey. Hadde
dad aan dawladnimo oggolayn dawlad ma noqon karaan? Maya.

III. Hoggaanka beeluhu waxay gacanta ku hayaan garsoorka dalka: In laga qaado ma oggola
kumana filna oo aqoonteed iyo agabkeedba ma haystaan. Dhibbanaha 1aad ee arrintaani waa
caddaaladda. Dawlad kastaa waxay leedahay fulin, sharci dejin iyo garsoor, kuwaasoo ka
shaqeeya dhaqanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda bulshada. Dawladeheenna, dhaqaalaha iyo
siyaasadda ayaa waxaa la rafta fulinta iyo sharci dejinta, halka dhaqankii bulshada iyo garsoorkii
dawladdu isla ambadeen. Hadde dal iyo dad aan garsoor/caddaalad lahayn dawlad ma noqon
karaan? Maya.

Tan iyo markii aynu dawladdeennii darbiyada uga daadanay innagoo ku hubaysan magac beeleedyo 1991, waxaa socdey dadaallo iyo isku day-yo sidii dib loogu yagleeli lahaa dawlad
Soomaaliyeed. Nasiib darro, weli inooma dhismin dawlad qayb yar oo Xamar ka mida soo dhaafta.
Hal sabab ah ayay leedahay arrintaasi, taasoo ah inaan aasaas uga dhigno dawladaha aan
dhisayno hubkii aan ku duminey tii kacaanka ee xoogga badnayd, hubkaasoo ah magacyada
mowtida aan ku kala suntan nahay.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwana waxay u qaateen in doorasho qof iyo cod ahi xal u noqon karto
ku dhaqanka nidaam beeleedka halka kuwo kalena ay aaminsan yihiin in waqtiga loo daayo xalka
bulshadeenna iyagoo qaba inaan sinna looga guuri karin ku dhaqanka qabyaaladda, balse sida
runta ah labaduba ma haleelin xalka ummaddeenna.

Maqaalka kan xiga ayaan ku faahfaahin doonaa habka ugu fudud ee looga guuri karo u abaabulnaanta, ku tiirsanaanta iyo wax ku qaybsiga hab beeleedka.

Haddaba, waa muuqataa inaynaan bulsho ahayn ee aan nahay kooxo magacyo mowti ku
kala suntan oo aan isku dan, isku duruuf iyo isku ujeeddo midna ahayne ma dhibtaan baynu horta
xallinnaa oo dadkaan isku meel u jeedinnaa mise xulasho nidaamyo aan shaqayn doonin baan ku
daalnaa?

Nin waliba muraad lehe
Inuu qoys miciin bido
Majarihii xorriyadduna
ka habaabo marinkii
Maangaabnimaa lehe
Marna mays tiraahdeen
Hanta labada kii mudan

Abwaan Yamyam (AHUN)

W.Q: Cabdulcasiis Maxamuud Macallin
E-mail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.