Muqdisho (WDN)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre, ayaa ka hadlay qaraxa ka dhacey xarunta KMG ah ee maamulka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar, kaasi oo dhimasho,dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh geystay.
Ra’iisal Wasaaraha oo la hadlay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintey weerarka ismiidaaminta, isagoo caafmaad degdeg ah eebbe uga baryey dadkii ku waxyeeloobay.
R’aiisalwasaaraha ayaa ku tilmaamay weerarka ka dhacey Jowhar mid lagu dabargoynayo bulshada Soomaaliyeed, isla markaana muujinaya arxan la’aanta kooxaha argagixisada ee aan u kala socneyn shacabka masaakiinta ah.
Md. Xamse ayaa ballan qaadey in lala xisaabtami doono dadkii ka danbeeyey weerarkii maanta, waxa uuna balanqaadey xukuumadiisa mudnaanta 1aad in ay siinayso la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab iyo Daacish ee ummadda Soomaaliyeed dhibaatada xoogan ku haya.
Barqadii maanta ayaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey waxaa lagu weerarey hoteel ku yaala magaalada Jowhar, oo ay inta badan adeegsadaan masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle kaasi oo sababey dhimasho,dhaawac iyo burbur hantiyeed oo aad u baaxadweyn.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply