Kismaayo (WDN)- Qubuuraha ku yaalla Xaafada Farjano ee nawaaxiga Dalxiiska ee magaalada Kismaayo, ayaa maydadkii ku asnaa waxaa banaanka u soo Saaray biyaha badda oo ku dhow goobta ay Qubuuruh ku yaallaan.

Maamulka degmada Kismaayo iyo Culima-udiinka magaalada oo goobta booqday, ayaa sheegay in ay arin sababtay dadka ka shaqeeya Carro- kaabada oo ka qodda Ciid badan, oo Qabriyaadan ka difaaci jiray Biyaha Xeebta, taasina ay keentay in maydad badan oo halkaa ku aasnaa ay banaanka u soo saaran biyuhu.
Maamulka degmada Kismaayo ayaa sheegay in maanta wixii ka danbeeya ay mamnuuc tahay in goobtaas laga Qodo Caro kaabada Guryaha lagu dhiso.aan lagu arki karin gawaarida halkaasi ka daabula Carro- kaawada guryaha lagu dhisto
Foos Cali Cabdiraxmaan
WardheerNews, Kismaayo
Leave a Reply