
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Xasan Sh. Maxamuud Culusow, oo safar ku tegi lahaa dalka Maraykanka, ayaa loo diidday Fiisihii ama dalku-galka Maraykanka.
Xasan Sh. Maxamuud oo martiqaad ka helay “ World Affairs for Mainers” si uu halkaasi uga jeediyo ama uga hadlo arimo ku saabsan marxaladda ay Soomaaliya marayso“ Somalia at the crossraods”.
Diidmada dalku-galka Xasan Sheekh, ayaa la sheegay in Safaaradda Maraykanku u cuskatay iyada oo Soomaaliya ay ka mid tahay lix wadan oo Muslim ah, oo maamulka Madaweynaha Marayakan Donald Trump uu ka soo saaray dikreeto 13769, taasi oo uu kaga mamnuucay in dalku-gal loo siiyo Maraykanka.
WardheerNews
