W/Q Cabdiraxmaan J. Kulmiye, PhD
Email:attiross@gmail.com
“Hasha meesha taal, nafluhu waa hundhurayaaye” Qolofley Shiddo
Ilaa iyo intii uu soo shaac baxay Heshiskii is Afgarad ee dhexmaray Dawladdii Ku Meel Gaarka (DKMG) iyo Dawladda Kenya, horraantii 2009, waxaa jiray olole aan kala go’ lahayn oo lagu doonayo in lagu xadeeyo badda Soomaaliya. Hawshaan waxaa hormuud ka ah dawlado shisheeye iyo hay’ado caalamiya oo ku doodaya in Soomaaliya aysan lahayn xuduud badeed caalamku aqoonsan yahay; marka laga reebo dhul badeed ballaciisu yahay 12nm (maylka badda) oo kaliya, sidaas darteedna loo baahan yahay in hadda la xadeeyo si loogu aqoonsado aagagga kale ee Cahdiga UNCLOS (United Nations Convention on the Law of the Sea) qeexayo.
Hase yeeshee, bulshada Soomaaliyeed waxay taas u aragtay shirqool lagu doonayo in lagula wareego qeybo ka mid ah badda ama lagu baabi’inayo dambiyadii laga galay dalka muddadii burburka iyo dawlad la’aanta lagu jiray. Muddaas iyada ah, waxaa ku soo qamaamay badda boqolaal maraakiib kallumaysi oo si arxan darro ah, sharcigana ka baxsan u gurtay kheyraad badeedkii dalka. Waxaa kale oo iyana la xaqiijinayaa in si ula kac ah badda loogu shubay haraadiga warshadaha oo uu ku jiro kan niyuukliyeerka (radioactive waste).
Arrinta xadeyntu waxay keentay midnimo aan looga baran Soomaalida 22 sano ee la soo dhaafay, iyada oo qurbo-joog iyo guda-joog ba ay mowqif isku mid ah ka qaateen in aan wax xadeyn ah lagu samayn badda; qiime kasta ha ku kacdee. Degellada internetka iyo idaacadaha waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo, maqaallo iyo waraysiyo ka tarjumaya shucuurta dadweynaha iyo sida looga soo horjeedo arrintaan, laguna cambaaraynayo madaxda dawladda qaarkeed oo loo arkayey in ay qeyb ka yihiin ololohaan.
Si loo caddeeyo in ay badda Soomaaliya leedahay xuduudo sugan, waxaa boorka laga jafay Xeerka Badda iyo Dekedaha tirsigiisuna yahay 37 ee la xeeriyey 1972, xilli ay Dawladdii Kacaanku calan wallaynaysay, kaas oo si cad u muujinaya in dhul badeedka Soomaaliya ballac ahaan yahay 200nm.
Xildhibaannada Golaha Shacabka, oo ka duulaya qeylo dhaanta dadweynaha, ayaa marar badan ku guulaystay in ay is hortaagaan isku dayadaas qaarkood, iyaga oo markii ugu damabaysayna go’aamiyey in aan cidina ka hadli karin, shisheeye iyo sokeeye toona, arrimaha badda. Goor sii horreysayna, waxay waxba kama jiraan ka dhigeen Heshiiskii is Af Garad ee sida doqon ma garatada ah hoosta loogu geliyey DKMG.
Halkan ka akhri: Qeexitaanka Xuduudaha Badda Soomaaliya
W/Q Cabdiraxmaan J. Kulmiye
Leave a Reply