Thursday, February 29, 2024
Wardheer News
  • Book Shelf
  • Maqaallo
  • Slideshow

Qaxooti: “Xasuusaha qaxii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ee 1991kii’’

Qoraaga Buugga: Yuusuf Maxamad Xayd
Gorfeyntii: Axmed Macallin Siciid M.

Buugga “QAXOOTI” ‘xasuusaha qaxii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ee 1991’, waa buug xusuus qor ah oo ka warramaya dhibaatooyinkii, diihaalkii, silicii iyo saxariirkii uu baday dadka Soomaaliyeed qaranjabkii ku habsadey qarankoodii. Qoraagu buuggiisan waxa uu si toos ah ula mataaneeyey oo uu dabasocdaa buuggiisii hore ‘Out of Mogadishu’ oo Af Soomaali loogu rogey ‘Kalahaadkii Muqdisho.’

Bilowgii barakaca:

Qoraaggu wuxuu ku bilaabayaa buugga Qaxooti inuu sharraxaad ka bixiyo dagaalkii Muqdisho ka qarxay 30kii December, 1991 dii, kaasoo uu ku tilmaamay in dadkii magaaladu noqdeen saddex qaybood; qayb dhimatay, qayb qaxday iyo qayb diyaar u ah inay qaxaan oo boorsooyinkooda xidhxidhanaya. Bishii Janawari 17, 1991dii Qoraagu wuxuu ka mid noqday dadkii ka qaxay Muqdisha ee uu soddonkii sano ee u dambeeyey ku noolaa. Halkaasi oo uu uga bilaamayo safar dheer oo dhib iyo rafaad leh oo bad, dhul iyo cirba uu ku tagey Ameerika.

Safarka uu Muqdisho kaga qaxay ee subax aan subaxaha ugu jirin waddada Afgooya aadda afka u saartay, waxaa la socdey hooyadii oo waayeel ahayd, walaashii, walaalkii iyo xaaskiisa iyo laba carruur ah oo uu dhalay. Waxaa iyana ka sii horreeyey xaaskiisa, saddex carruur ah oo uu dhalay iyo wiil ay qaraabo ahaayeen, kuwaasoo Kismaayo bartilmaameedkoodu ahaa.  

Safarka uu qoraagu waddada Afgooye marta cagta u saarey wuxuu magaalo kasta oo uu baabuurku marayo kaga sheekeynayaa taariikhda magaalada iyo dhacdooyin xusid mudan, Afgooye (Aruundaaley), Marka, Jannaale iyo Baraawe oo uu aad ugu dheeraanayo taariikhda fog ee magaalada Baraawe oo ah magaalo qaddiimi ah iyo ummadihii kala dambeeyey ee degey, Jilib, Gobweyn iyo Kismaanyo.

Kismaanyo.

Xaaladdii Kismaanyo ka jirtay ayuu qoraagu isdultaagayaa, isagoo tilmaamaya inay noqotay meel ay ku soo qaxeen beelihii Daarood iyo beelihii kale ee aan USC ku jrin ee Muqdisho deggenaa. Magaalada wuxuu kula kulmayaa Fannaanadii Saado Cali Warsame oo Hospitalka guud qol cidhiidhi ah ka degganayd, murugo iyo dacdarro aan la qiyaasi karinna wajigeedii ifijirey dabooleen. Waa Saado oo ka soo carartay inay dilaan dadkii ay u dooddi jirtay ee ay hiilka nafhurnimada ah u ahayd!

Magaalada dadkii ku soo qaxay waxay iskugu jireen dad Kacaanka dheef ku qabay oo habeenkasta u shiri jirey sidii Kacaanka loo badbaadin lahaa oo uu hormuud u ahaa Cabdulqaadir Xaaji Masalle. Isimmo uu Kacaanku la dagalamay oo dheef waayay, uuna hoggaaminayay Maxamed Boqor Muuse (Shafdero) oo ku dooddayay inuu yahay Boqorka Daarood, mardambena ku geeriyoodey dagaalkii USC ku soo qaadeysey Kismaanyo iyo koox hadba labadan kooxood marba mid la safan jirtay horjoogahooduna ahaa Jeneral Aadan Cabdullaahi Nuur ‘’Gabyow.’’

Waxaa iyana magaalada ka abuurmey laba kooxood oo kale oo kooxi mucaarad adag ku ahayd Kacaanka. Rag jabhadihii SSDF iyo SPM ahaa iyo Al-itaxaad Al-islaami oo dhaqaale iyo galaangalba kaga horreeyey kooxaha kale bilowgiina dekedda magaalada qabsadey!

Qoraagu wuxuu sheegey in kooxahani dhammaantood ka sinnaayeen in magaalada la difaaco marka laga reebo Al-itixaal Al-islaami. Arrinka isagoo xusaya wuxuu bogga 60aaad qoraaggu ku yiri: “Habeenki weerarka USC iyo jirridii bililiqodoonka ahayd ee la socday ay soo gaareen magaalada Jilib, waxa kor u kacay dareenki baqdinta ee dadka magaalada oo aan haysan difaac cadawga is hortaaga. Odayadii magaalada baa la xiriiray taliskii wadaaddada Itixadka oo ka codsaday inay difaaca magaalada ka qayb qaataan. Jawaabta kooxdu waxay noqotay ‘’Inaysan bannaanayn in laga qayb qaato dagaal baaddil ah!”

Magaaladii Kismaanyo gacanta USC ayay si dhib yar ugu dhacdey! Waxaa xigey in dadkii soo qaxay uu qax labaad u bilwdey, dadkii magaalada joogeyna qax koowaad lamahuraan u noqdey! Intii uu magaalada joogey wuxuu sheegey qoraagu arrimo la soo gudboonaadey awgii ay shaqooyin u qabteen, Bogga 69aad wuxuu yiri “Arrimaha xasuusta leh waxaa ka mid ahaa, markii dagaalladu ay baaheen ee ay caddaatay in hardanku dhex yaal Daarood oo dhinac ah iyo Hawiye iyo Isaaq oo dhinac ah, waxaa dagaalki ku soo biiray oo ka qayb noqday Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa oo u xuubsibtay durbaanno baahiya barobagandada USC iyo SNM. Idacadahaasi waxay si joogto ah u saydhayeen warar been ahaa iyo inay waajib tahay la dagaalanka dadka ka soo horjeeda halganka USC iyo SNM, si loo helo caddaalad iyo nabad waarta!”Qoraagu wuxuu sheegey in markii howshan la soo gudboonaatay ay iyaguna sameeyeen Idaacad ku hadasha afka beesha Daarood oo ay u bixiyeen Codka Waamo, taasoo ay hambalyo ka heleen bulshadii.

Qoraagu intii uu Kismaanyo joogey buuggiisa wuxuu kaga sheekeeyey inuu goob joog u ahaa dagaalladii USC magaalada ku soo qaadeysey, dhimashadii, dhaawicii, qaxii, iyo burburkii ka dhalanayay iyo sidoo kale dagaalladii beesha Daarood ku difaaceysey magaalada Kismaanyo. USC kolkii ay qabsatay Kismaanyo, qixid cusub ayaa bilaamatay, doon ay Itixaadku lahaayeen iyo doomo kale waxay u jiheysteen Mombasa. Qoraagu wuxuu sheegey, in dadkaasi kuwo badan oo ka mid ahaa badddu liqdey! Doomahaas waxaa la saarayay dad gaarayay 700 oo qof iyadoo loogu talogalay 150 qof!

Dad aan la qiyaasi karin ayaa ku geeriyoodey oo xabaal wadareed lagu aasey, dadka qayb kamid ahina waxay cagta saaareen waddada Libooye ee ‘’Habaar Waalid’’ kuwaasoo la kulmey dhibaatooyin aan yareyn oo kaga imaanaysay USC-dii iyo iyagoo gaajo iyo silic u dhimanayay si tarabtarab ah! Yuusuf Xayd isagu wuxuu nasiibkiisu ku saacidey inuu Doon u raacay Boosaaso iyo Bari.

Imaanshiyiisii dhulkii Udugga

Doontii muhaajiriinta ahayd ee Boosaaso u socotay cunto yari iyo harraad ayay u gaari weydey Boosaaso, waxaana lagu leexiyey Eyl oo u dhaweyd.  Sidii magaalooyinkii hore ee uu qoraagu marey uu taariikhdooda uga sheekeeyey ayuu Eyl na uga taariikheeyey, maadaama ay taariikh guun ah iyo mid dahabi ah ba leedahay. Gaari ayuu ka raacey oo Boosaaso ayuu lugta dhigey isaga iyo carruurtiisii, muddo kadibna doon ayuu Boosaaso ka fuuuley isagoo u sii gudbey Jabuuti. Qoraagu si uurkutaallo leh ayuu uga hadlayaa geeridii hooyadii oo inta doontii Itixaadku lahaayeen laga dejiyey ay Xamar ku noqdeen, dabadeedna diidey inay safar kale gasho halkaasna ku geeriyootay.

Gaariddii Jabuuti

Nasiib wanaag safarkiisii Muqdisho ka soo bilaamay wuxuu nabad ku yimi Jabuuti. Sidii uu uga warramayay magaalooyinkii uu lugta soo mariyey ayuu halkan kaga sheekeynayaa taariikhda Jabuuti iyo gumeysigii Faransiiska, iyo doorkii Soomaaliyada burburtay ka qaadatay xornima Jabuuti. Waxaa kale oo qoraagu dul istaagayaa shirkii Jabuuti ee Juun 1991 kii lagu heshiisiinayay Soomaalida.

Masar iyo dhulkii faraacinnada

Mar kale ayuu safar u xidhixdhey qoraagu, wuxuuna sii maray Ethiopia oo xusuus fiican ku leh, ka gadaalna Masar, isagoo quudarreynayay inuu Ameerika ama Yurub mid uun tago. Taariikhda Masar, noloshii Soomaalidu ku haysatay iyo dhacdooyin kale ayuu qoraagu aad ugu dheeraanayaa ka warrankeeda, isbarbardhig ayuu sameynayaa xidhiidhkii ka dhaxeeyay Soomaalida iyo Masaarida.

Waxa oo uu qoraagu ka waramyaa sidii Masaaridu aanay u soo dhaweyn qaxootigii ka soo cararayay xabbada iyo dilka! Bogga 148aad wuxuu ku yiri “In kasta oo Qarammada Midoobay ay Soomaalida adduunka u kala yaacday u aqoonsatay qaxooti, ma jirin dal Carbeed oo dadka Soomaaliyeed soo dhaweeyay ama qaxooti u aqoonsaday. Soomaalidii Qahira timi 1991, waxa lagu khasbay inay goostaan dal ku joog oo ay dalxiis yihiin! Ma jirin dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ahaa meel ay caafimaad ka helayeen! Waxa qura ee miciin u noqotay waxay ahayd kaniisad waxogaa cunto ah bixisa iyo xafiiska qaxootiga UN-ka oo dadka qaar siiyay kaarka aqoonsiga!”

 Qoraagu intuu ku sugnaa Qaahira wuxuu goobjoog u ahaa dhacdooyin uurkutaallo ku reebey oo Soomaalida Masar timi kala kulmeysey Masaarida oo uu buuggiisa kuxusey.

Ameerika

Ugu dambeyn, 26 Oct 1993-kii qoraaga buuggu wuxuu sal muggii ku degey Ameerika oo ka mid ahayd waddamadii uu wax ku bartay. Si farshaxannimo leh oo qofka akhrista u maqsuudayo ayuu uga sheekeeyey qaabkii uu Ameerika ku tagey iyo imtixaankii adkaa ee uu safaaradda Ameerika ee Qaahir kaga gudbey. Halkan ayuu markale kaga hadlayaa taariikhda Ameerika, waxaa kale oo uu kaga warcelinayaa dhibaatooyinka qabsada qaxootiga soogalootiga ah ee Ameerika yimaadda, dhaqankii Soomaaliya iyo kan Ameerika oo farqi weyni u dhexeeyo sida nidaamka waxbarasho, degitaanka, la tacaamulka bulshada IWM.

Gebagebo:

Dhigaalkan xusuus qorka taariikhiga ahi waxaa laga daalacan karaa raandhiiska qaranjabka laga dhaxlo, cawaaqib xumada iyo nolosha la maro. Waxaa laga ogaanayaa buugga Qaxooti Soomaalidu inaysan ixtiraamin xeerkii birmageydada ahaa ee muddo dheer lagu dhaadan jirey ee dadka jilicsan la bixin jirey.

2017kii Proff Cabdirisaaq Lafoole oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal ayaa annagoo joogna Jaamacadda Nugaal iiga sheekeeyey in Haweeney Finland ah oo booqasho noogu imaan jirtay ka codsatay Prof Yuusuf Xayd in buuggiisii hore ‘Out Of Mogadisho’ u turjunto Af Fiinlaadiis, si bay tiri bulshadayada u fahanto macnaha ka dhasha qaranjabka waddan, hayeeshee buuggaas hore si ka waasacsan ayaa qofkii akhriya dhiganahan macnaha qaranjab u fahmayaa natiijadiisa.

Buugga waxa laga heli karaa ama ka iibsan kartaa- Amazon

Gorfeyntii: Axmed Macallin Siciid M.
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.