Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Qatar: Waddan yar oo addunka ka yaabiyey!

W/Q: Hamdi Wardhere Mohamed

Hordhac

Qatar

Qatar, waa waddan bulsho ahaan iyo balac ahaanba aad u yar balse galaan-gal dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo aad loola fajacay kuyeeshay adduunka 20-kii sanno ee ugu danbeeyay. Waddankaan yar waxuu waayahan danbe tiirdhexaad u noqday iskusoo-dumidda ama dhex-dhexaadinta qilaafaadka, dajinta iyo jaangoynta siyaasadaha iyo hab maamulka dowlado badan. Doorka xalinta qilaafaadka ee Qatar, ayaa xilliyadaan danbe gaaray ama kahormaray kuwa dowladaha ugu awoodda badan caalamka, waana sababta keentay inay dowladahaas xal bidaan inay Qatar uga danbeeyaan xal u helidda mushkilado farabadan oo ay ugu horeyso arrinta siideynta maxaabiista kujirtay gacan Jabhat Al-Nasr, shabakadda Xaqani, ISIS iyo Taalibaan.

Qatar waxay adduunka ka iibisay in wadahadal lala-galo Taalibaan, waana dalkii koowaad ee ugurmaday Taalibaan oo sabab u noqday howl-galinta gagida diyaaradaha dalka iyo xafiisyada kale ee dowladda, ayadoo dhowaanahan kuguuleysatay inay shir ballaaran iskugu keento Midowga Yurub, Mareykanka, wakiillada Qaramada Midoobay iyo Biritayn, kuna qanciso ballanqaadka yabooh dhaqaale oo ay Afghanistan iyo Taalibaan baahi badan u qabaan xilligan. Qatar waxay ka libin keentay go’doomintii ay xulufada Sucuudigu saareen ayadoo gurmad ka helaysa dalal ay kasbatay.

Juquraafi ahaan

Qatar waa wadan yar oo kuyaala galbeedka qaaradda Aasiya, marka Soomaaliya lala barbar-dhigana ballac ahaan kanoqonnaysa wax-kayar 2% dhulka Soomaaliya ama 15 jeer ballac ahaan  kayar magaalada Washington ee dal Mareykanka, waana dal ay dadka soogalootiga ah ee usoo shaqo tagay ay siddeed jeer ka badan yihiin muwaadiniinta dalka u dhalatay oo lagu qiyaaso wax-kayar 400,000. Qatar waa dal cimilo ahaan kulul, dhulkiisa inta ugu badanna uu saxaro yahay oo ay kuyar yihiin biyaha dabiiciga ah iyo dhul beereedka wax-soosaarka leh.

Xukunka

Sheekh Tamimi

Qatar, waxaa xukunkeeda gacanta kuhaya Amiir Tamim Bin Hamad oo sannadkii 2013-kii uu xukunka ku wareejiyay aabihiis Hamad Bin Khalifa oo qudhiisa xukunka af-gambi uusan dhiig ku daadan ugala wareegay aabihiis Khalifa Bin Hamad sannadkii 1995-kii mar uu dalka safar uga maqnaa. Qatar, waa dal aysan kajirin fur-furnaan siyaasadeed oo dhanka xisbiyada ah, Amiirka oo gacanta kuhaya hay’adaha sharci-dajinta, fulinta iyo garsoorka, ayaa soo magaacaba raysal-wasaaraha iyo xukuumadda dalka, asagoo la tashanaaya golaha wadatashiga dalka oo u badan qoyska boqortooyada ah. Haddana, wuxuu dalkan ku najaxay xasilooni siyaasadeed iyo horumar baahsan oo dhanka bulshada ah.

Dhaqaalaha

Qatar waxay hodon kutahay kheyraadka dabiiciga ah sida saliidda iyo gaaska oo wax-soosaarka dhaqaalaha dalka 90% ka ah. Qiyaastii 30% gaaska adduunka laga isticmaalo waxuu ka yimaadaa Qatar, ayadoo keydkeeda saliidda lagu qiyaaso (25 bilyan oo fuusto). Qatar waa dalka ugu horreeya dhanka soo saarista iyo dhoofinta gaaska, waana dalka saddexaad ee keydka gaaska ugu badan leh marka laga tago Ruushka iyo Iran. Dhaqaale aad u ballaaran oo ay garab-socdaan maamul iyo maareyn aragti fog leh, ayaa u horseeday inuu dalkaas kamid-noqdo kuwa ugu dhaqaalaha, horumarka bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, dhismayaasha iyo xasiloonida fiican Bariga-dhexe iyo adduunka, muwaadiniinta u dhashay Qatar oo tiro ahaan aad u kooban ayaa qiyaas ahaan noqonaya dadka ugu qanisan adduunka marka loo –eegaayo qoondada shaqsi kasta kusoo aadaysa (GDP Per capita).

Qatar oo dhaqaalaheedu ku tiirsanaa wax-soosaarka tamarka saliida iyo gaaska, waxay goorhore dareentay in caalamku doonayo inuu yareeyo isticmaalka tamarta gaaska iyo batroolka si loo dhimo waxyeelladiisa deegaanka iyo noolaha. Haddaba, si ay u yareyso kutiir-sanaanteeda shidaalka, waxay daaha karogtay mashruuca loo yaqaano ‘kala duwista dhaqaalaha’ ama (Economic diversification), kaasoo lacag gaareysa 400 oo bilyan oo dollar uu Sanduuqa Hantida Madaxa-banaan (sovereign wealth fund) ee Qatar ku maalgaliyey kudhowaad 40 dal oo ay ugu horreeyaan Mareykanka, Ingiriiska, Rushka, Jarmalka, Faransiiska iyo Turkiga.

Meelaha miisanka leh ee ay Qatar maalgashiga ku sameysay saamigana ku leedahay waxaa laga xusi karaa Gegida Diraaradaha London ee Heathrow, shirkadda diyaaradaha British airways, Bangiga Barclays, shirkadda baabuurta Jarmalka ee Volkswagen iyo bangiga Deutsche Bank, Rwand-air iyo Gegida Kigali, Gegida caalamiga ah ee Moscow Vnukovo iyo shirkadda tamarta Rosneft, kooxda k/cagta ee Paris saint Germain iyo suuqa sarrifka saamiyada ee Turkiga.

Siyaasadda

Qatar, 20-kii sanno ee ugu danbeysay waxay lasoo baxday dar-dar xooggan oo dhanka siyaasadda arrimaha dibeda ah, gaar ahaan naq-shadaynta siyaasadda Bariga-dhexe oo ay ciyaarayso door lala fajacay. Quburada falanqeysa siyaasadda iyo awoodda dowladaha, waxay awooda dal uu leeyahay ka fiiriyaan baaxadda dhulka iyo muhiimada goobta uu aduunka kaga-yaalo dalkaas, tirada bulshada iyo aqoontooda, tirada iyo cududda ciidanka dalkaas, hufnaanta iyo taageerada ay dowladda dalkaas ka haysato shacabkeeda iyo kheyraadka dabiiciga ah iyo wax-soosaarka uu waddanku leeyahay.

Qatar marka lagu cabbiro halbeeg-yadaas, malahan bulsho tiro badan, ciidan cudud leh, mana lahan dhul baaxad weyn laakiin waxay leedahay kheyraad dabiici ah oo u horseeday koror dhaqaale iyo hannaan dowladeed oo xasiloon wallow aysan kajirin furfurnaan baahsan oo dhanka siyaasadda ah, waxayna kutaalaa gobol 30-kii sanno ee ugu danbeysay hareeyay siyaasadda iyo aminga adduunka. Haddaba sidee dal sida Qatar oo kale u yar ugu suuragashay inuu hindiso siyaasadda lagu maamulayo dalal badan oo adduunka kuyaala? sidee kunoqotay dalka waqtigaan ugu firfircoon dhanka dhex-dhexaadinta khilaafaadka dalalka iyo kooxaha is-haya? Maxay ku kasbatay inay Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka kaga hormarto siyaasadda gobolka? Side ayey uga bad-baaday go’doomintii xulufada Sacuudiga? Sidee iskaga leexisay eedahii lagu xiriiriyay ururada arga-gixisada?

Go’aannada lidka isku ah ee Qatar qaadatay

Qatar oo adeegsanaysa diblomaasiyadda awoodda dabacsan ‘Soft Power diplomacy’ ayaa masraxa siyaasadda adduunka kusoo kordhisay in iskaashi iyo xiriir mar-qudha ah lala wada sameyn karo waddamo ama dhinacyo is-diidan oo dab iyo bansiin isku ah, ayadoon dhinac gaar ah u xaglinayn ama aanan la safan. Go’aannada iyo xiriirada qar-iskatuurka ah ee Qatar qaadatay waxaa laga xusi karaa:

Saldhigga ciidamada cirka Mareykanka Al-Udeyd iyo iskaashiga Iran:

Qatar waxaa kuyaala saldhigga ugu weyn ee ciidanka cirka Mareykanka ee Bariga-dhexe, misna waxuu xuduud dhuleed, xiriir ganacsi, marin hawada ah iyo mid siyaasadeed la leedahay dalka Iran oo aysan cidna ka dahsoonayn heerka cadaawad soojireen ee kala dhaxaysa Mareykanka. Haddaba, sidee Qatar ugu hirgashay inay labadaas dal weel waxkula wada cunto ayadoon midkoodna sigaar ah ula safan ama u goyn?

Kamid ahaanshaha Golaha Iskaashiga Khaliijka & xiriirka Aq-waanul Muslimiin:

Sida la og-yahay, Qatar waa dal kamid ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), oo ah waddamo ay ka arrimiyaan boqorro qaab dhiig-wadaag ah iskugu gudbiya xukunka, kuwaasoo fal-celin adag kula kaca cid-walba oo soo haweysata kuraastooda ama kasoo horjeesata. Ururka Aq-waanul Muslimiin oo faracyo iyo taageero badan kuleh waddamo badan oo dhulka Carabta ah, ayaa muddo dheer aad ugasoo horjeeday xukunka boqoradan asagoo rumeysan in xukunkoodu baalmarsan yahay danaha iyo rabitaanka ummada Islaamka, taasoo ugu danbeyn horseedday in dalalka Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadku 2014-kii u aqoonsadaan urur arga-gixiso ah. Qatar oo ayaduba dal boqortooyo ah ayaa sida lahayo soodhaweyn iyo taageero weyn u fidisa ururka Aq-waanul Muslimiin, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyadii dhicisoobay ee Masar, Libya iyo Suuriya. Yaanan iloobin in xubnaha ugu waaweyn ee ururkan oo uu kamid yahay sheekh Yusuf Al-qardaawi ay kunool yihiin dalka Qatar. Haddaba Soo wax lala yaabo maahan inay Qatar kamid tahay Golaha Iskaashiga Khaliijka misna naas nuujiso Aq-waanul Muslimiin oo lid ku ah xukunka boqoradaan?. Siyaasad kale oo cajiib ah iskadheh!

Qaddiyadda Falastiin iyo xiriirka Israa’iil:

Waxaa la sheegaa in Qatar lagasoo billaabo 1996-kii ay xiriir hoose oo iskaashi dhanka ganacsiga iyo ciyaaraha ah la laheyd Israa’iil wallow uu xiriirkaas heerar kaladuwan soomaray, ayadoo aanan ka tanaasulin qaddiyadda dadka reer Falastiin. Qatar sida la ogyahay waxay si furan oo aan gabbasho laheyn u taageerta dadka kunool Gaza ee hoostaga ururka Xamaas, ayadoo bixisa yabooha ugu badan ee dhaqaale, halka uu waliba in muddo ah dalkeeda kunool-yahay hoggaamiyihii Xamaas Khalid Mishcal oo hadda xilkaas ku wareejiyay Ismaaciil Haniya. waliba ku darso in dowladaha reer Gabeedku Xamaas ugu jirto liiska arga-gixisada. Haddaba, soo layaab kale maahan in Israa’iil iyo Xamaas midba dantiisa gaarka ah lagula macaamilo?

Xiriirka dalalka reer Galbeedka iyo ururada Taliban, Jabhat Al-Nusra, iyo Shabakadda Xaqaani:

Qatar waxay xiriir xooggan oo dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, difaaca, dhaqanka iyo siyaasadaba muddo dheer la laheyd waddamada reer Galbeedka oo qarnigan awoodda adduunka gacanta ugu jirto. Gulufkii loogu magac daray ‘dagaalka argagixisada’ ee Mareykanku iclaamiyay waxaa dowladaha lahordhigay laba doorasho oo aheyd waxaad la jiraysaan Mareykanka iyo xulufadiisa ama waddamadii iyo kooxihii uu duulaanku ku wajahnaa oo uu ku shabadeeyay argagixiso iyo taageerayaal argagixiso. Waxii markaas ka danbeeyay waxaa waddamada aad ugu adkaa in lagu tuhmo ama ay cilaaqaad la sameeyaan kooxahaas.  

Laakiin Qatar oo kucaana-maalaysa siyaasaddeeda dabacsan oo iskugujirta howlgalka furan iyo midka dahsoon (overt & covert operations) ayaa xiriir iyo wadaxaajood kala duwan la sameysay kooxaha Jabhad Al-Nusra, Haqqani, Talibaan iyo maamulka Bashar Al-asad ayadoo ku guulaysatay inay soo dayso laheystayaal farabadan oo iskugujira suxufiyiin, askar, samafalayaal iyo qeybo kale. Inkastoo ay Qatar la kulantay eedayn ah inay gacansaar la leedahay ururadaas haddana wey kuguulaysatay inay waddamada reer Galbeedka ku qanciso inuusan xiriirku dhaafsiis-nayn mid u kala dab-qaadis iyo isku soodhaweyn ah taasoo dalalka reer Galbeedka tusisay in Qatar tahay balaayo loo baahan yahay.

Tusaale waxaa arrintan u noqon kara sidii ay Qatar ugu kala dab-qaaday Mareykanka iyo ururka Talibaan markii ay suuragalisay in lasii daayo askarigii Mareykanka ahaa Bowe Bergdahl oo ay Taalibaan ku badalatay 6 xubnood oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay oo maanta qeyb ka ah xukuumadda KMG ah ee Taalibaan oo ay xigtay yag-leelida Xafiiska Taalibaan ee Doha oo ugu danbeyn suuragaliyay inay Qatar, Mareykanka iyo Talibaan wada dajiyaan qorshahii bixitaan ee Mareykanka.

Doorka iddaacada Al-jazeera iyo dhaqanka siyaasadda Qatar:

Waxaa adag in laga hadlo awoodda iyo saameynta Qatar ayadoon lasoo hadal qaadin idaacadda Al-Jazeera. Qatar ayaa sannadkii 1996-kii ku guuleystay inay dhidibada u taagto idaacadda Al-jazeera Carabiya, kadib markii ay iskusoo aruurisay shaqaalihii Carbeed ee laga ruqseeyay idaacadda BBC-da laanteedii Bariga dhexe. Al-Jazeera ayaa durba soo jiidatay dareenka shacabka Carabta ayadoo xog-aruurin la sameeyay waqtiyar kadib lagu ogaaday inay idaacaddan ku xiran yihiin dad lagu qiyaasay boqolaal milyan ah oo ku nool dalalka Carabta, kuwaasoo markii ugu horreysay fursad u helay idaacad leh warar, barnaamijyo kaladuwan iyo doodo kulul oo aan faaf-reeb laheyn ama ka madax-banaan gacmaha dowladahooda. Qatar oo doonaysa inay adduunka gaarsiiso aragtideeda siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo horumarka ay ku tallaabsatay ayaa markale sannadkii 2006-dii daaha ka rogtay laan kubaxda luuqadda Ingiriiga oo adduunka ku leh wax kabadan 70 xarumood.

Tv-ga Al-jazeera waxaa Loolan xooggan oo dhinacyo badan ah lagalay Tv-yada Al-Carabiya, Skynews Arabiya, Arabnews iyo kuwakale oo ay taageerayaan Sacuudiga iyo Imaaraatka, laakiin sida muuqata kama libin keenin. Al-Jazeera waxay noqotay meel ay codkooda kusoo gudbiyaan dad badan oo adduunka daafaheeda kunool, kuwaasoo cabburin iyo xad-gudubyo kala kulmayey dowladahooda ayadoo doorweyn ku laheyd kicinta iyo dhiiragalinta dadkii Carbeed ee ka qeyb-qaatay bannaanbax-yadii iyo dagaaladii ka dhacay Masar, Libya, Tunusiya, Yemen iyo Suuriya, taasoo ay ku mutaysatay dareen taageero iyo cadaawad leh. Sannadkii 2017-kii, waxaa Qatar xiriirka u jaray Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo muddo ka cabanayey doorka Al-Jazeera ee gobolka gaar ahaan habka qayaxan ee ay ururka Aq-waanul Muslimiin iyo Shiicada Carabta kasoo jeeda u adeegsadaan Al-Jazeera, sharuudahoodana kusoo daray in albaabada la iskugu dhufto idaacaddan, wallow uu iskudaygaas dhicisoobay maadaama uu xiriirka dowladahaas iyo Qatar dib usoo laabtay ayadoo aan la dhaqangalin sharuudahaas iyo kuwa kaleba.

Haddaba, layaab kale ayaa ah in idaacadda Al-jazeera u ololeyso hirgalinta maamul dimuquraadiyadeed oo ay asal u tahay doorasho xor iyo xalaal ah, tartan xisbiyo iyo fur-furnaanta afkaarta dadweynaha taasoo aan ka jirin Qatar qudheeda loona turjuman karo oraahdii aheyd ‘Cilmigeyga qaado oo camalkeyga ka tag’.

Gunaanad

Qatar oo adeegsanaysa xeelado ay gadaal kataagan yihiin maalgashi uu horbood kayahay sanduuqa hantida madaxa banaan (Soveriegn wealth fund), iskaashi iyo fur-furnaan dhaqanka iyo waxbarashada ah, awoodda saxaafadda, hal abuuridda madal sharafeedyo lagu dhiirigalinayo shaqsiyaadka u ololeeya nabadda, ladagaalanka musuqa iyo wada-noolaanshaha diimaha, ayaa Qatar ka dhigay dal wax laqeybsada waddamada ugu cududda weyn adduunka. Sida muuqata Qatar waa dal yar oo sawir iyo fahan buuxa ka haysta sida loogu noolaan karo caalamka ayadoon cadow iyo saaxiib dhab ah midna la sameysan, waana midda uu ku muteystay inuusan albaab-na ka xirmin.

Qatar waxay sannadka soo socda martigalin doontaa koobka adduunka ee k/cagta, kaasoo qiyaas ahaan ay kasoo qeyb-gali doonaan taageerayaal kor u dhaafaya 3 milyan oo qof, waxaana arrintaan hirgalkeeda suuragal ka dhigay dabacsanaan, shaah u shubid iyo xod-xodasho xeeladeysan oo lagu qanciyey dowladihii iyo shaqsiyaadkii ay taladu ka go’day.

Haddaba, waxaa dalkaan yar laga baran karaa inaysan awooddu ku xirnayn weynida, dhaqaalaha iyo cududda ciidan ee dal uu leeyahay kaliya balse loo baahan yahay firfircooni, rabitaan iyo ka go’naansho inaad raad iyo saameyn ku yeelato dhacdooyinka adduunka. Qatar maanta waxay udubdhexaad u tahay jaangoynta xasiloonida, siyaasadda, dhaqaalaha iyo cilaaqaadka adduunka ka dhacaya.

W/Q: Hamdi Wardhere Mohamed

Email[email protected]

Facebook: Xamdi Wardheere


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.