Qarax xooggan oo maanta Muqdisho ka dhacay

Muqdishu (WDN) – Qarax xoogan oo lala beegsaday Inta u dhaxeysa Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho iyo Irida laga galo Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa maanta ka dhacay  caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid si aad ah looga maqlay qeyba badan oo ka mid ah magaalada, ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari lagu soo raray walxaha qarxa.

Qarax_SYL
Qarax, Muqdishu

Wararka ayaa sheegaya in gaarigan oo ahaa kuwa xamuulka qaada, uu ku qarxay meel ku dhow hotel SYL iyo Hotel Siyad.

Ilaalada goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa la sheegay inay rasaas ku rideen gaariga, balse gaariga uu qarxay waxaana burbur xoog leh soo gaaray qeybo ka mid ah hotel SYL iyo hotel Siyad

Baabuuro ay dad rayid ah saarnaayeen ayaa la sheegay in ay ku gubteen, dadkii saarnaa baabuurtaasin ay goobtaasi ku dhaawacmeen.

Warar naga soo gaadhaya qaraxii ka dhacay banaanka Hotelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada, ayaa waxa ay sheegayaan in  mas’uuliyiin isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano dowladda oo ka soo jeeda gobolada waqooyi oo shir uga socday hotel kaasi ay dhaawacyo soo gaareen.

Wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhiga Maxamed Cali Xaggaa, oo u waramayay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA, ayaa sheegay in isaga iyo labo wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay dhaawacyo fudud soo gaareen.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 50 kalena wey ku dhaawacmeen qaraxa Ismiidaamin ah ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa dusha u ritay mas’uuliyada qaraxa. Ma aha aha markii ugu hereeysay ee Qarax Nuucani ah uu ka dhaco halkaasi.

Mohamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.