Muqdisho (WDN)- Qarax xooggan oo sababey dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacey degmada agagaarka Tarbuunka, degamada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsadey gawaari ay watteen ciidamada dowladda Federaalka.
Qaraxaan ayaa ka dhacey meel u dhow isgoyska Tarabuunka ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen 2 ruux tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Illaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatey qaraxaas iyo dadka sida gaarka ah loola beegsadey laakiin inta badan qaraxyada Muqdisho ka dhaca ayaa waxaa geysta dhaqdhaqaaqa xagjirka ah ee Alshabaab. Kuwaaso oo dagaal kula jira dowladda federaalka iyo ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
