Muqdisho (WDN)- Qaraxyo xoogan oo is xigey ayaa lala beegsadey Hotel Villa Rose oo ku dhaw godka Jilacalow ee agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo ay daganyihiin masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya.
Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in dabley hubeysan ay galeen Hoteelkaasi. Wali ma cadda khasaaraha rasmi ah ee uu geystay weerarkaasi ismiidaminta ah.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe, ayaa sheegay in hotelka Villa Rosa ay koox Argagixiai ah weerar kau qaaday, uuna socdo howlgalkii lagu lagu soo afjari lahaa, islamarkaana lagu badbaadinayay shacab ah iyo masuuliyiinta hotelka ku jiray.
Warar soo gaadahwy WardheerNews ayaa ayaa sheegaya in dhaawac uu soo gaarey Wasiirka Amniga Maxamed Axmed Doodishe, ee DFS iyo xubno kale.
Wasiir u dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada oo ka mid ahaa masuuliyiinta qaraxa ka badbaaday ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ku sheegay “Waxaa qarax lagu weeraray Hotel Villa Rays oo aan degganahay, markii nala weerarayna aan dhex fadhiyey anigoo salaadda cishe jameecada la soo tukaday. Waan bed qabaa. الحمد لله. Maalin aanan dhaafi doonin ayaa jirta. Intaa ka dib, nama bajin doonaan shuftada dugaagga ah”
Kala soco shabakaddaWardheernewa wixii faahfaahin ah qaraxaan la xariira.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply