Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

MUXUU MW XASAN KA OGYAHAY ISKAASHIGA TOOSKA AH EE MARAYKANKA IYO SOMALILAND?

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed 

Sida ay tebisay warbaahintu, 23kii Disembar 2022 ayuu Madaxweynaha Maraykanku Joe Biden saxeexay xeer cusub oo jidaynaya iskaashi nabadgelyo iyo difaac oo dhexmara Maraykanka iyo Somaliland: Xeerka Difaaca Qaranka Maraykan ee Miisaaniyad Sannadeedka 2023 (National Defence Authorisation Act – NDAA – for Fiscal Year 2023).

Xeerkani wuxuu farayaa wasaaradaha arrimaha dibedda iyo difaaca ee Maraykan inay si joogto ah ugu soo warceliyaan golaha wakiillada (Congress) dedaalladooda ku aaddan yagleelka isakaashi ee difaac, diblomaasiyeed iyo horumarineed oo dhexmara dawladda Maraykan iyo Somaliland.

Xeerka NDAA 2023 farqadihiisa ku aaddan Somaliland waxay salka ku haysaa xeerkii iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland (Somaliland Partnership Act S.3861). Xeerkan oo ay horraamihii sannadka 2022 curiyeen xildhibaano ka tirsan goleyaasha sharci-dejinta ee Maraykan: Chris Van Hollen, Jim Risch iyo Mike Rounds; ka dibna bishii Juun 2022 ay ansixiyeen guddida xidhiidhka arrimaha dibedda ee Aqalka Sare (Senate Foreign Relations Committee).

Bishii Ogost 2022 waxa tegay Somaliland taliska sare ee ciidamada Maraykanka ee Afrika qaabilsan (USAFRICOM), oo deraasad ku sameeyey dekedda Berbera iyo madaarkeeda militari si ay ugu gogol xaaraan iskaashiga dan-wadaageed ee labada dhinaca. Waxa la filayaa in ay warbixin buuxda u soo gudbiyaan guddida ciidamada ee Aqalka Sare (House Committee of Armed Forces) bisha May 2023.

Dhammaan qoddabada ku jira xeerka Iskaashiga Somaliland (Somaliland Partnership Act) waa kuwo toos u dhaawacaya una baal-maraya madax-bannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Ogow arrimaha difaacu waa qayb ka mid ah siyaasadda iyo xiriirka dibedda ee dal leeyahay. Kolkaa maanka ma gashaa quwad shisheeye ayaa heshiis militari iyo difaac la gashay gobol ka mid ah dalka, ka sharci caalami ahaan, iyagoo aan uga fasax qaadan dawlad dhexe oo caalamku aqoosan yahay?

Haddaba dhacdooyinkan kor ku taxani waxay oogayaan su’aalo badan: maxay Dawladda Federalka Soomaaliya (DFS) kala socotay arrimahan? Xaggay ku maqnaayeen intii dhacdooyinkan oo dhammi hirgalayeen? Miyey hurdeen mise iyagaaba qayb ka ahaa? Qormadani waxay isku deyi inay yara faalayso arrimahaas.

MW Xasan iyo Austin

Bishii Sebtembar 2022, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tegay Maraykan, wuxuuna la kulmay xoghayaha difaaca ee Maraykanka mudane Austin, isaga oo aanu la socon wasiirka arrimaha dibedda DFS, halkaas oo si diirran iyo marxabaysiis ah loogu qaabilay. Waa hubaal in mudane Austin iyo MW Xasan ay ka wada hadleen xiriirka Somaliland iyo adeegsiga dekedda iyo madaarka Berbera. Laakiin marnaba, ilaa hadda, Xasan Sheekh kama hadal, baarlamanka iyo saxaafadduna wax su’aal ah oo ku saabsan arrinkan ma aysan weydiin madaxweynaha. Talow, sidee wax u jiraan?

Maalmo ka dib kulankaas, bisha Sebtembar 17 keedii 2022, isagoo MW Xasan Sheekh Maxamuud la hadlaya jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota deggan, wuxu ku goodiyey inuusan marnaba oggolaan doonin wax ajendo ah oo dhaawaca hore u soo gaaray midnimada sii dhammaysitiraya. Malihii, Xasan uma dhaadhicin dhaawaca weyn uu geysanayo iskaashiga tooska ah ee difaac/militari ee SL iyo Marykan. Mise wax buu, talow, dhaafsaday? 

MW Xasan Sheekh wuxu kaga faanay, isla fagaarahaas iyo ammintaas, 17kii Sebtembar 2022, inuusan marna muruqiisa diblomaasiyeed u adeegsan doonin Somaliland oo wixii maalgelin iyo kaalmo caalami ahba uu u saxeexi doono, sidii uu hore ba ugu saxeexi jiray. Waa run taasi. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxeexay in dalalka Yurub toos ula xiriiri karaan Hargeysa iyagoo maraya sanduuqa la baxay Somaliland Development Fund. Laakiin iskaashiga militari iyo ciidan ka weyn kaalmo caalami ah. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxu ku sugnaa Washington badhtamii bishan Desembar 2022, isagoo ka qayb-gelaya shirweynihii qaaradda Afrika iyo Maraykanka ee dhacay 13-15kii bisha Desembar 2022. Waxa uu mar kale la kulmay xoghayaha difaaca ee Maraykanka mudane Austin iyo madaxda sare ee Maraykanka. Waa isla maalmihii golaha wakiillada ee Maraykanku (Congress) ay ansixinayeen xeerka difaaca qaranka (NDAA 2023). Meeyey madaxweynaha muruqiisii diblomaasiyadeed ee uu ku faanayey! Diblomaasiyaddu ma aha qosol iyo dhoolo-caddays ee waa gorgortan adag oo lagu difaaco danaha qaranka.

8dii bisha Desembar 2022, Madaxweyne Xasan iyo Md. Muuse Biixi waxay ku kulmeen Jabuuti. Ma laga yaabaa in is-af-garad dhex-maray Xasan iyo Biixi, kaas oo khuseeya iskaashiga tooska ah ee Marykanka iyo Somaliland?

Muddo dheer, laga soo billaabo sannadkii 2012, MW Xasan Sheekh Maxamuud xidhiidh dhow ayuu la lahaa madaxtooyada Hargeysa. Wasiir ka tirsan dawladda Somaliland ayaa iftiimiyey xidhiidhka butuluqsiga ah ee Xasan la lahaa Hargeysa. Sidee wax u jiraan, ma habrasho, abaal hore ah, ayaa dabraysa madaxweynaha? 

Qiil furan maaha in arrinkan qarannimo dhaawaca ahi ku yimi tartanka istraatijiyeed ee dhexyaal Shiinaha iyo Maraykanka, kana socda Geeska Afrika. Maraykan iyo Shiine, labadooduba, siyaasad ahaan, waxay taageeraan midnimada iyo abyanka dhuleed ee Soomaaliya.

Haddaba, shilkan dhacay ee iskaashiga tooska ahi waxa looga aayaaba waa dawlado kale oo raaca marinka ugubka ah ee Maraykanku jeexay, wada-hadallada Xamar iyo Hargeysa ee la filayey oo hagaasa, mintidnimada gooni-goosiga oo isa sii bidda, md. Biixi oo ku sii dhiirada cabudhinta iyo ku jawrfalka xuquuqda aadamiga, isku dhaca joogtada ah ee Puntland iyo Somaliland oo sii kordha, iyo sii-socodka shaqaaqooyinka joogtada ee ka dhaca gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn. Soomaaliyey, shisheeye danteen moog.

Sidaa darteed, ka maaransiinmayso in la yidhaahdo: aqbalaadda/aamuska MW Xasan Sheekh Maxamuud ee iskaashigan tooska ahi, waxay qarka u saarantahay, ama tahay-ba, KHIYAAMO QARAN. Waana arrin u taal  baarlamanka( BFS), oo ay tahay inay kala xisaabtamaan madaxweynaha arrinkan. Aamusku waa astaan ka raali ahaansho.

Kolkaa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga sugayaa inuu dadweynaha Soomaaliyeed u sharraxo waxa Ilaah ku og-yahay ee uu kala socdo iskaashiga tooska ah ee difaac iyo ciidan ee dhexmaraya Maraykanka iyo Somaliland, doorkii uu ku lahaa hirgelinteeda iyo saamaynta ay ku leedahay qarannimada jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Wa billaahi towfiiq

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed 

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.